CEELDHEERE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo bariga gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Somalia ay fashiliyeen miino kooxda Alshabaab ku aaseen nawaaxiga Deegaanka Masagawaa.

Ciidamada oo ku jirey howl-gal ka dhan Alshabaab ayaa arkay miinooyin Alshabaab ku diyaarsadeen wadada isku xirta  deegaanada kala ah Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir.

Advertisement

Ciidamada ayaa soo saaray walxahaasi qarxa kuwaasoo ay u soo bandhigeen warbaahinta ,waxaana lagu wadaa inay meel cidlo ah ku burburiyaan  ama ku qarxiyaan si bulshadu dhibaato uga soo gaarin.

War dhanka dhanka Dowlada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Alshabaab doonayeen inay miinadaasi ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safra wadadaas, balse Ciidanka Qaranka ay ka hortegeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 peopleNo photo description available.No photo description available.No photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here