AW-DHEEGLE (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Milatariga Somalia ayaa la soo sheegayaa inay Magaalada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose ku fashiliyeen miino ay sheegeen in Alshabaab doonayeen inay dhibaato ku  geystaan.
Sida ay sheegtay Idaacada Ciidamada Dowlada Miinadaan waxaa lagu diyaariyay goob ay Shacabka Awdheegle ka raacaan Dooman ay isaga kala gud-baan Wabiga labadiisa dhinac.
Milatariga guutada 14-ka October iyo  guutada 17-aad ee Gorgor ayaa si gaar ah ugu guuleystay inay miinadaasi arkaan ka hor inta aysan qarxin islamarkaana aysan dhibaato nafeed geysan.
“dhagartaas khatarteeda waxaa Shacabka ka hor leexiyay geesiyaasha qarankeenna oo ku guuleystay inay soo saaraan”ayuu yiri  G/sare Nur Farey, Taliyaha guutada 14-ka October ee Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliya.
G/sare Nur Farey wuxuu intaasi ku daray in Ciidamada Xooggu mar kasta ka u taagan yihiin la dagaalanka iyo cirirbtirka  Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here