Ururka 84-aad, guutada 14-ka October ee Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka NISA waxay Subaxnimadii maanta fashiliyeen Miino ay Khawaarijtu doonayeen inay ku gumaadaan Shacabka deegaanka Lambar-konton iyo tuulooyinka hoostaga.

Kusimaha taliyaha, ahna Taliye Ku-xigeenka Guutada 14-ka October G/le dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa Xaqiijiyay in geesiyaasha Qarankeenna ay ku guuleysteen inay dhagarta Cadawga fashiliyaan iyadoon wax khasaarre ah geysan.

Advertisement

Miinada oo nuuceedu yahay kuwa meelaha fog ka soo booda ayay Khawaarijta ku diyaariyeen mid kamid ah wadooyinka mara duleedka deegaanka Lambar-konton oo ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gudba deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here