Sida ay sheegtay idaacada Ciidamada Dowlada Ururka 84-aad ee guutada 14-ka October, Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan Miino nuuca sida daran wax ugumaaddo ah oo ay Khawaarijta aan Arxanka laheyn ku Aseen inta udhaxeysa deegaanada Muuri iyo Lambar-konton ee gobolka shabeellaha hoose.

Taliyaha guutada 14-ka October G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nuur Fareey” oo bogaadiyay dedaalka iyo nafhurnimada ay sameeyeen geesiyaashii dhagartan ka hortagay ayaa Xaqiijiyay in iyadoon wax dhibaato ah ka dhalan laga soo saaray Miinadaas ay Khawaarijta dooneysay inay ku dhagraan shacabka isaga kala gudba Afgooye iyo Lambar-konton ee wadadaas isticmaala.
May be an image of 1 personMay be an image of 1 person and grass
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here