HomeWarkiiCiidamada Dowlada iyo Jubaland oo qarka u saaran inay isku fara-saaraan Balad-xaawo

Ciidamada Dowlada iyo Jubaland oo qarka u saaran inay isku fara-saaraan Balad-xaawo

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Gobolka Geddo ayaa sheegaya inay maanta xiisad dagaal ka taagan tahay Magaalada Balad-xaawo taasoo u dhexeysa ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Maamulka Jubaland.

Wararku waxay tilmaamayaan in Magaaladaani Balad-xaawo oo gacanta ugu jira Dowlada Somalia uu shalay ciidamo la soo galay Madaxweyne xigeenka Maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan taasina ay keentay xiisadaani.May be an image of 3 people and text

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Jubaland dooneyso inay dib ula wareegaan Magaaladaasi sidaasna uu u yimid Madaxweyne xigeenka oo ciidamo wata.

Deegaanka Amiin oo dhacda duleedka Magaalada Balad-xaawo halkaasoo ay isku soo abaabulayaan si ay Baladxaawo uga qabsadaan ciidamada Dowlada Somalia oo hore magaalada ka eryay kuwa jubaland.

Guud ahaan dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo isku socodaka Magaalada Balad-xaawo ayaa maanta caadi ah laakiin cabsi ayaa soo wajahday dadka shacabka ah oo dhagta ayaa u taagan, waxayna ka cabsanayaan in dushooda lagu dagaalamo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -