MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xalay duleeda Magaalada Muqdisho ku dhex-maray Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Alshabaab kaasoo hubka nucyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.
Deegaanka Arbacow oo dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa la isku farasaaray waxaana wararka kala duwan ay kala sheegayaan in ciidamada Dowladu weerarka lahaayeen iyo in Alshabaab weerarka lahaayeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Dowladu ka war heleen meel alshabaab isku diyaarinayeen sidaasna weerar ugu qaadeen markaasoo dagaal xoogan uu dhexmaray labada dhinac halka warar kalana sheegayaan in saldhiga ciidamada Dowlada ee Arbacow ay Alshabaab soo weerareen sidaasna ku qarxay dagaalka xalay laga maqlayay deegaankaasi.
Warar madax banaan ayaa jira oo sheegaya in dhowr askari oo dowlada ka tirsan ay ku dhaawacmeen dagaalka ,wararkaani ayaa adkeynaya in weerarka ay Alshabaab soo qaadeen iyagoo soo bartilmaameedsaday saldhiga ciidamada Dowlada ee deegaanka Arbacow oo aad ugu dhaw deegaanka ceelasha biyaha.
Sidoo kale dhanka Alshabaab ayaa iyagana la dilay dhowr dagaalame sida laga helay dhanka Saraakiisha Dowlada Somalia
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM