Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa saaka waabarigii hore howlgal culus ku qaaday degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgal burburin ah.

Ciidamada ayaa cagta mariyay xaafadda Buulo Weekiyo oo ku dhow dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay muddo dheer daganaayeen dad shacab ah.

Advertisement

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku jarmaadeen dhulkan oo dan-guud ah, waxaana xigtay inay burburin ku bilaabeen gaadiidka cagaf-cagafka ah oo ay wateen ciidamada.

Burburinta saaka laga sameeyay gudaha degmada Xamarjajab ayaa daba socotay digniin la siiyay shacabka degan dhulkaasi, balse ay ka dhego adeegeen amarka dowladda, waxaana ku xigtay burburinta iyo ciidamo loo soo diro xaafaddaasi.

Sida ay sheegeen saraakiil u hadashay dowladda ujeedka ayaa ah in dhulkan oo ah mid dowladeed loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka ayaa dhanka kale qaba fikir ka duwan midkaasi, waxayna ku eedeeyeen dowladda inay iibineyso dhulalka ay la wareegeyso, isla markaana ay helayaan ganacsato.

Xaaladda goobta ayaa la soo warrinayaa inay haatan kacsan tahay, waxaana ciidamadu ay xireen dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xaafadda Buulo Weekiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale u burburisay xaafadda Kaluunka Dab-damiska, xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee Boondheere iyo dhulal kale oo ku yaalla caasimada, kuwaas oo ahaa dan-guud ah, waxaana laga raray shacabkii daganaa halkaasi.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here