Taliska Ciidamada Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyay haweeneey la sheegay in ay ninkeeda ku dishaya xaafadda Farjanno ee waaxda dalxiisaka ee magaalada Kismaayo.

Haweeneyda la soo qabtay ayaa lagu magacaabay Sahra Xuseen Maxamed, oo Saygeedii Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar Xalay ku dishay Magaalada kismaayo; iyada oo la sheegay in ay suntan Libaaxa ugu dartay Cabitaan ay u Soo iibisay taas oo sababtay in uu ugeeriyoodo.

Advertisement

Dhamme Shukri Faarax Ducaale oo warbaahinta la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu falka u dhacay, isaga oo tilmaamay waxa sababay geerida marxuumka.

“Goobtu marka uu Booliisku tagay waxaa loogu tagay marxuumkii iyo macluumaadkii meesha loogu tagay waxa ay noqdeen ninkaasi in uu u geeriyooday sun laga soo iibiyay magaalada oo loo yaqaanno suna Libaax, suntaas oo loogu daray cabitaanka noociisa loo yaqaanno  IC-Cream (Furlaato.”  ayuu yiri, Dhamme Shukri Faarax Ducaale.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in ay haweeneyda ay waqti hore kala taheen, iyaga oo isku dhalay lix caruur ah oo gabdho iyo wiilal.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa hori ugu dhacay deegaannada Soomaalida, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay ay yaraan dilalka ka dhex dhaca qoysaska.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here