Home Blog Page 9

XOGTA: Taliye Odawaa oo Muqdsho ku soo laabtay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raagge ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho xili waqtiyadii ugu dambeysay uu ku maqnaa furumaha dagaalka.

Taliye Odawaa oo wararka qaar sheegayaan inuu ku sigtaya Dagaalkii Aadan Yabaal inay alshabaab dilaan ama go’doomiyaan xili uu u baxsaday dhanka Deegaanka Moqakori  ayaa waxaa halkaasi ka soo qaaday galata diyaaradaHeylakobtarka ee Ciidamada Cirka Somalia.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Taliyaha uu kulan degdeg ah la leeyahay Madaxweynaha somalia iyadoo ay isla falanqeyn doonaan sababta guuldarada ciidamada Dowlada ee Degmada Aadan Yabaal taliyaha laftiisu ku sugnaa.

Waxaa macquul ah in klulankaani kadib saraakiil badan ay shaqadooda ku waayaan hogaan xumi iyo guul darooyinka soo gaaray ciidamada Dowlada Somalia oo deegaano badan laga qabsaday labadii bilod ee ugu dambeysay.

Si kastaba Taliyaha waxaa lagu wadaa inuu shaqada ka wado  taliska ciidamada xoogga ee Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Mareykanka oo galabta duqeeyay daacishta Puntland

CALMISKAAD (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa galabta duqeyn ka fuliya toga miraale ee buuraha Calmiskaad Gobolka Bari Puntland Somalia.

Duqeynta ayaa lala eegtay dagaalamayaasha Daacish ee ka firxaday howlgalkii dhanka dhulka ee Ciidamada Puntland ka fuliyeen aagaasi.

Dadka deegaanadaasi iyo ciidamada howlgalka ka wada buuraha Calmiskaad  ayaa maqlay jugta gantaalada ay tuurayaan drons-ka Mareykanka iyo uurada ka baxeysa halka duqeymuhu ku dhacayaan.

Aagga togga Miraale oo ay ciidamada Puntland shaqo badan ka qabteen ayaa hadana waxaa  halkaasi weli ku go’doonsan dagaalamayaal Daacish ka tirsan xili intooda badana ay ka carareen aagaasi.

War ka soo baxay ciidamada difaaca Puntland ayay ku sheegeen in  duqeynta mareykanka lagu beegsaday dagaalamayaasha daacish ka cararay qeybo ka mida toga Miraale.

Saraakiisha Puntand waxay carabka ku adkeeyeen in wajiga 3-aad ee howlgalka uu dhamaad yahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Halkaan ka daawo Ciidamadii Aadan yabaal ka soo yaacay oo qarkood Muqdisho isaga Hayaamay ka dib taakuleyn la aanta dowlada

Halkaan ka daawo Ciidamadii Aadan yabaal ka soo yaacay oo qarkood Muqdisho isaga Hayaamay ka dib taakuleyn la aanta dowlada

Hadal heynta xil ka qaadista Ra’iisulwasaaraha oo caawa soo laba kacleysay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa caawa mar kale soo laba kacleeyay hadal heynta Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre taasoo baraha bulshada laga dareemayo inkastoo aysan ahayn war xaqiiqo ah.

Inta badan baraha bulshada ,waraahinta iyo hadal heyntu halka ay ku bataan waa rumoobaan, caawa soo baaya warar sheegaya in Madaxweyne Xassan xil ka qaadis ku sameynayo Ra’iisulwasaarihiisa.

Hadal heynta ugu xooggan ayaa sheegeysa in fashilka iyo guul-darooyinka dagaalada ka soo gaaray Dowlada uu Madaxweynuhu u aaneynayo xil qaadista guud ahaan Ra’iisulwasaare Xamsa iyo team-kiisa fulinta.

lama yaqaan waxa is badali kara dhanka dagaalada hadii Ra’iisulwasaare cusub iyo Wasiiro cusub uu dalka yeesho waaba hadii eeda ay leeyihiine.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Alshabaab oo markaan damac ka soo galay Jowhar

JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Deegaano aad ugu dhaw Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle waxaa laga soo sheegayaa inay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan alshabaab badan oo aad u hubeysan kuwaasoo la sheegay inuu damac  uga jiro qabsashada xarunta gobolka sh.dhexe iyo maamulka Hirshabelle.

Kooxdaan oo maalmo uun ka hor qabsadeen Degmadii ugu horeysay ee Gobolka Shabeelaha dhexe taasoo ah Aadan Yabaal ayaa hada usoo jeestay inay u boodaan caasimada looga taliyo hirshaballe madaama degmooyinka kale ay dhanka Muqdisho soo jiraan.

Wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle C/raxmaan Daahir Guurre  oo dhawaan saxaafadu wax ka weydiisay suurtagalnimada Jowhar inay alshabaab qabsadaan ayaa si fudud u sheegay inaysan qabsan karin madaama ay caasimada maamulka tahay sida uu sheegay islamarkaana ay ciidamo badan oo xooga dalka iyo macawisleyba joogaan.

Dhaq dhaqaaqa hada Alshabaab laga soo sheegayo inay ka wadaan duleedka Jowhar waxaa la soo sheegayaa in Masuuliyiintu ka war heleen islamarkaana ciidamo dheeraad ah la geeyay meelaha laga soo galo magaaladaasi.

Sidoo kale Nabad sugida qaranka iyo kuwa Hirshabelle ayaaiyaguna dhaq dhaqaaq ka wada banaanka Magaalada Jowhar si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqyada idiga ku ah xili waliba la soo sheegay inay dad u qabqabteen tuhun ku saabsan inay alshabaab xiriir la leeyihiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Kulankii Baarlamaanka oo maanta buuq ku soo dhamaaday kadib mooshin la diiday

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulankii maanta ay lahaayeen Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa buuq iyo fowdo ku soo dhamaaday kadib markii xildhibaanada qaar laga diiday mooshin ay ka wadeen go’aankii xubinimada baarlamaanka looga xayuubshay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib .

Xildhibaanadaan oo diidmo ka muujiyay in xubinimadiisa loo diido Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib  ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe waxay rabeen inay u gudbiyaan mooshin balse wuu ka diiday taasoo mar kaliya buuq gelisay fadhigii baarlamaanka  taasoo keentay ugu dambeyn in lagu kala tago maanta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sababta uu u diiday mooshinkaasi ku sheegay inuu yahay mid sharci daro ah islamarkaana mooshinkaasi in lan qabto ay ka hor imaneyso xeer- hoosaadka baarlamaanka halka xildhibaanada keenay iyaguna daliishanayaan qodobo dastuurka ka mida.

ayaa ku tilmaamay mooshinka mid sharci-darro ah, isagoo sheegay in qabashadiisu ay ka hor imanayso xeer- hoosaadka baarlamaanka, isla markaana ay keeni karto mas’uuliyad dambi ku ah isaga.

Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale Xildhibaanada mooshinkaani waday oo u badan kuwa Dowlada mucaaradka ku ah uu ku eedeeyay inay buuq ku fureen fadhiga baarlamaanka ayna soo dedejisay in shirkii baarlamanku baaqdo maanta.

Dhanka kale Xildhibaanada mooshinka waday oo shirka kladib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ka keenayan mooshin xil ka qaadis kadib sida ay sheegeen markuu ka hor yimid nidaamkii baarlamaanka iyo xaqii ay u lahaayeen inay mooshin soo gud-bin karaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.

Yuusuf Indha-cadde “Haddii aanu Abdirahman Cirro murtad aheyn Xasan Sheekhna murtad maahan”

Gen.Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa si kulul uga hadlay hadalo dhawaan ka soo yeeray siyaasiga reer Waqooyiga ee Faysal Cali Waraabe wuxuuna ku eedeeyay Maamulka Somaliland inay isla wada ogyihiin waxa uu ku hadlayo.
Yuusuf Indha-cadde mar uu soo hadal qaaday hadaladii gafka ahaa ee Faysal ka soo yeeray ayuu xusay in hadii maamulka Somaliland xiri waayaan siyaasigaasi inay cadeyneyso inay isla wada ogyihiin gafka.
Indha-cadde wuxuu carabka ku adkeeyay in Faysal Cali Waraabe yahay argagaxiye Alshabaab ka tirsan ,wuxuuna caalamka ugu baaqay inay ula macaamilaan sida argagaxisada loola macaamilo.
“Haddii uu maamulka Somaliland xiro Feysal Waraabe waxaan u qaadaneeynaa in dagaalku ku kooban yahay Feysal Cali Waraabe iyo intii Hargeysa nooga soo duushay, haddiise Feysal Cali Waraabe la xiri waayo, waxaan u qaadaneeynaa in dagaalka nalagu soo qaaday uu yahay mid guud oo beeshu ku mideeysan tahay” ayuu yiri Indhacade
Wuxuu su’aal geliyay Indhacade jihaadka xamar loo soo aadaayo ee aan ka jirin Hargeysa .
“Hargeysa reer Galbeed baa jooga,oo Itoobiyaan baa safaarad ku leh, inta xamar dumar qaawan joogaan baa xagana joogta,marka maxay tahay janada xamar taal oo aan hargeysa oolin, arintaasi calamaad su’aal ayay saareysaa reer Isaaq la yiraa ama maamulka Somalialnd” ayuu mar kale yiri Indha-cadde oo intaas ku daray

Dhanka kale wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay murtad hargeysa aan joogin oo jooga Muqdisho.

“Haddii aanu C/raxman Cirro murtad aheyn Xasan Sheekh-na murtad maahan” ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maamulka Somaliland oo war-saxaafadeed ka soo saaray kulan QM iyo C/raxmaan Ciiro ku dhexmaray Hargeysa+SAWIRRO

May be an image of 3 people, dais and text𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta (19.04.2025) Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay we xagga Cuntada iyo Beeraha (FAO) Mr. Etienne Peterschmitt iyo wefti uu hoggaaminayey oo ka mid ahaayeen Dr.Abdikarim Mogeh (Madaxa Xafiiska FAO ee Somaliland) iyo Dr. PAPA NDIAYE (Isu-duwaha Kalluumaysiga FAO Somaliland).
Madaxweynaha waxa kulankiisa ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Kalluumaysiga, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha.
Ugu horrayn Madaxweynaha JSL waxa uu soo dhaweeyey weftiga ka socday Hay’adda FAO, waxana uu uga mahad naqay wada shaqaynta soo jireenka ah ee ay Hay’adda FAO la leedahay dalka Somaliland iyo taageerada ay siiso Somaliland.
Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay ka wada hadleen sidii wadajir la iskaga kaashan lahaa arrimaha mudnaanta gaarka ah u leh Qaranka JSL, gaar ahaan xagga horumarinta Xoolaha, Nolosha reer miyiga, Beeraha iyo Kalluumaysiga.
Wakiilka FAO ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay taageeraan ajendaha horumarineed ee ay leedahay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Shaqaalaha Hay’adda FAO ee Somaliland ay yihiin kuwo leh xirfad iyo aqoon sare leh.
Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey sida ay Xukuumaddiisa Wadajir iyo Waxqabad uga go’an tahay in ay si dhaw ula shaqayso Hay’adda FAO, isla markaana si wacan la isugu dubba-rido kaalmada FAO ay siiso Somaliland loona beddelo koboc la taaban karo oo ah xagga sugnaanshaha cuntada, la qabsiga isbeddelka Cimilada iyo kor u qaadidda hab-nololeedka bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people, newsroom, dais and text that says "Sanaag heer Burco O0A"May be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 4 people, suit, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 1 person and dais

Diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha Muqdisho oo Saaka mar kaliya ka bilaabatay sedex degmo +SAWIRRO

Dadweynaha caasimadda ee qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka u dareeray goobaha ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay uga qeyb qaataan doorashada dhowaan dalka ka dhaceysa.

Degmooyinka Xamarweyne ,Shibis iyo Boondheere ayay si rasmi ah saaka uga bilaabatay diiwaangelinta halka ay kasii horeysay degmada Shangaani oo aheyd degmadii koowaad ee gobolka Banaadir laga bilaabo diiwaangelinta.

Dadweynaha degmooyinka aan soo sheegnay ayaa si ballaaran isugu soo baxay goobaha isdiiwaangelinta iyagoo ku faraxsan in ay doorasho aadayaan wax ka badan 50 sano kadib.May be an image of 6 people and headscarfMay be an image of 8 people and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 8 people and text that says "NE"May be an image of 8 peopleMay be an image of 6 people and headscarfMay be an image of 8 peopleMay be an image of 3 people, people studying, clothes iron, hospital and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people and people studyingMay be an image of 2 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 8 people and people smilingMay be an image of 11 people and text that says "I LAUMA Emila"May be an image of 5 people, people studying and hospitalMay be an image of 2 people, people studying and textMay be an image of 4 people, people studying and hospitalMay be an image of 4 people, people studying, dais and text

Madaafiic hoobiye oo saaka ku soo dhacay qaar ka mida Degmooyinka Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Saaka waxaa Magaalada Muqdisho ku soo dhacay madaafiic ka soo dhaceysay qoreyga loo yaqaan hoobiyAHA sida wararku tilmaamayaan.
Hoobiyayaasha waxay si gaar ah ugu dhaceen xaafado ka mid ah Degmooyinka Xamar-weyne,Xamar jajab iyo Waaberi kuwaasaoo geystay dhimasho iyo dhaawac intaba.
Madaafiicda waxay sababeen dhimashada hal ruux iyo dhaawaca hal kale sida laga helayo meelaha madaafiicdu ku habsadeen.
Inkastoo Hay’adaha amnigu wali ka hadlin islamarkaana faah-faahin aysan ka bixin hadana wararka madaxa banaan ayaa sheegaya khasaaraha labadaasi ruux ee midna dhintay midna dhaawacmay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS