whitebackground600
Home Blog Page 88

Mohamed Salah oo ku jira waqtigiisa ugu wanaagsanaa

Mohamed Salah ayaa qaab ciyaareedkiisa wacnaa meelna lagu arag iyadoo Liverpool laga qaaday koobka Carabao Cup-ka.

Salah ayaa ku riyaaqay ololihiisii ​​ugu waxtarka badnaa ilaa iyo haatan garoonka Anfield, isagoo dhaliyay 32 gool, wuxuuna sameeyay 22 caawin tartamada oo dhan.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa horseeday in Salah loogu yeero inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or oo si rasmi ah loogu aqoonsado ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

32-sano jirkaan ayaa rajeynayay inuu Liverpool u hor seedo koob kale Axadii laakiin Newcastle ayaa ku garaacday kooxdiisa 2/1.

Kaliya 23 taabasho oo kubada ah, Salah ayaa si la yaab leh uGu dhibaatoday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican.

Sida laga soo xigtay Opta, dhab ahaantii waxay ahayd markii ugu horeysay ee xirfadiisa Anfield ee Salah uusan isku dayin shuud mana abuurin fursad markii uu ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaarta

Dowlada Somalia oo Nairobi ka daah-furtay shirka yareynta khatarta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka daah-furay shirka yareynta khatarta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.
Shirkan oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya, isla markaana socon doono muddo 5 cisho ah oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Hay’adda nidaamka ceymiska abaaraha ee Afrika ee loo soo gaabiyo ARC ayaa waxaa ka qeybgalay Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, xubno ka socday ARC, mas’uuliyiin ka tirsan START NETWORK oo wada shaqeyn dhow la dheh SoDMA.

Guddoomiye Maxamuud ayaa tilmaamay in shirkan oo socon doono muddo shan cisho ah ay maalmaha soo socda ku soo biiri doonaan xubno ka socda Hay’addaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wafdi ka socda Baarlamaanka JFS iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku biirtay nidaamka ceymiska abaaraha ee Afrika ee loo soo gaabiyo ARC sanadkii 2021-ka kadib markii ay buuxiyeen shuruucdii ku biirista, isagoo intaa ku daray qorshuhu uu yahay sidii Soomaaliya la siin lahaa lacago magdhow ah oo la xiriirta abaarta ku dhufatay dalkeenna.May be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person and studyingMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person, studying and textMay be an image of 1 person, beard and studyingMay be an image of 2 people, people studying and text that says "lp"May be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person, studying and textMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people, people studying and text

Warshadaha difaaca ee kobcaya ee Turkiga – oo sara u kac weyn sameeyey

Turkiye waxa uu had iyo jeer dhigaa difaaciisa qiimo jaban, isaga oo marka hore iibsanaya ka dibna soo saaraya hubkiisa.

Milkiilaha ciidanka labaad ee ugu sarreeya NATO ayaa sidoo kale u soo baxay dhoofiye hub ah oo caan ah, iyadoo qaar ka mid ah alaabooyinka caanka ah ay ku jiraan internatio.

Qodobbada muhiimka ah ee ka soo baxay shirmadaxeedka degdega ah ee Yurub ee Ukraine
liiska 2 ee 4

Sida ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ugu dileen Afrika ku dhawaad ​​1,000 qof oo rayid ah saddex sano gudahood
liiska 3 ee 4

Sida Turkigu u arko heshiiska isku dhafka Suuriya ee SDF
liiska 4 ee 4

Rubio ee Mareykanka ayaa bogaadiyay heshiiska Suuriya ay la gashay Kurdiyiinta, wuxuuna ku baaqayaa maamul aan diineed ahayn
dhamaadka liiska

Dhoofinta Turkiga ayaa kor u kacday sanadba sanadka ka dambeeya si ay u gaarto $7.1bn sanadka 2024 – laga soo bilaabo $1.9bn toban sano ka hor – macaamiisha Yurub iyo Bariga Dhexe oo dhan.

Maxaa ka dambeeya koritaankan? Maxay yihiin awoodaha Turkiga? Maxayse muhiim u tahay? Waa kuwan waxa aan ognahay:

Goorma ayuu Turkigu u wareegay wax soo saarka gudaha?

Turkiga waxa uu raadiyay isku filnaansho milatari in muddo ah, hannaan tartiib tartiib ah oo lagu arkay in uu aasaasay Xafiiska Maamulka Horumarinta iyo Taageerada Warshadaha Difaaca (SAGEB) 1985

Maxaa kala qabsaday Macawisle wadada u gashay Alshabaab deegaan ku dhaw Labo-garas

Wararka laga helaayo Deegaanka Labo-garas  ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Macawisleyda deegaankaasi ay weerar dhaba gal ah ku qaadeen Alshabaab socod ku marayay duleedka deegaankaasi.

Macawisleyda ayaa si xirfadeysan waxay weerar kadis ah ku qaadeen Alshabaab halkaasoo uu ka dhacay dagaal xooggan oo ugu dambeyn sababay in macawisleydu guul weyn ka gaaraan weerarkooda dhaba-galka ahaa.

Wararka laga helaayo dagaalkaasi ayaa sheegaya in macawisleydu inta badan la wareegeen hubkii kooxda Alshabaab sidoo kalana ay laayeen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa kooxda Alshabaab ee ay weerarka aysan fileyn lagu qaaday.

Dhanka kale warbaahinta Dowlada oo weerarkaani ka hadashay ayaa balan qaaday inay faah-faahin dheeraad ah ka soo gudbin doonaan weerarkaan kooxda Alshabaab wadada loogu galay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Sababta ka dambeysa in Wasiirkii Difaaca xilka laga qaado

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Mareykanka ay ka dambeysay in maanta xilka wasaarada Difaaca laga qaado Wasiirkii hore C/qaadir Maxamed Nuur oo dadka qaar u yaqaaniin magacyo kala duwan sida wasiir Jaamac,Wasiir Tiktok iyo magacyo kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare Xamza oo mudo diidanaa soo jeedinta Mareykanka ee xilka ka qaadista wasiirkii Difaaca ayaa ugu dambeyn maanta ogolaaday cadaadiskii Mareykanka kaga imaanayay waxaana loo badaladay wasaarada Dekadaha iyo gaadiidka.
Ujeedka Mareykanku u rabeen in xilka laga qaado Wasiirkii Difaaca ayaa lagu sheegay wada shaqeyn la’aan kala dhaxeysay wasiir C/qaadir sida ay sheegteen dhankooda.

Dhanka kale warar hoose oo ku dhaw dhaw Mareykanka ayaa sheegaya in muddooyinkii u dambeeyay Mareykanka ka caga jiidayeen howlaha taakuleynta ciidanka ee dhanka la dagaalanka alshabaab iyo daacish sababo la xiriira arimahaani.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ciidamada Asluubta oo maanta gaaray furimaha dagaalka Gobolka Sh.dhexe+SAWIRRO

Raadiyaha Ciidamada Dowlada Somalia ayaa goor dhaw baahiyay in ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta oo shalay laga sagootiyay Muqdisho ay maanta gaareen aagaga dagaalka.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta ciidamada Dowlada ayaa sidan u qornaa:-
Xili Gobalka Shabellaha Dhexe ey ka soconayaan Howlgalo balaaran oo Argagixisada lagu baacsanayo ayaa Maanta Furumaha hore ee dagaalka waxaa soo gaaray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo halkaa u joogo dardar galinta Dagaalka lagu baacsanayo Khawaariijta ayaa Geesiyadan ku so dhaweeyay Furumaha hore Dagaalka Gobalka Shabellaha dhexe.
Geesiyadan ayaa u diyaarsan ciribtirka Khawaariijta waxayna qeyb ka noqon doonaan Howlgalka lagu ciribtirayo Argagixisada
Gobalka Shabellaha Dhexe xiligaan waxaa ka soconayo howlgalo culus Argagixisada lagu naafeeyay Geesiyada is garabsanaya ayaa nafta dhaafiyay Maleeshiyaad badan iyo Horjoogayaal halka Khawaariijta laga burburiyay hub & Sanaad kale oo Ciidan.May be an image of 7 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 7 people

DEG DEG: Ra’iisulwasaare Xamza oo isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirada xili wasiirana la eryay kuwana loo badalay

𝗠𝗔𝗚𝗔𝗖𝗔𝗔𝗕𝗜𝗦 𝗫𝗨𝗕𝗡𝗢 𝗚𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥𝗥𝗔𝗗𝗔 𝗫𝗨𝗞𝗨𝗨𝗠𝗔𝗗𝗗𝗔
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah:
1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗮
2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗱𝗮
3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮
4. Md. Maxamed Faarax Nuux – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝘂𝘂𝗹𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗮𝗱𝗮
5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗖𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮
6. Md. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
7. Mw. Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
8. Md. Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha
9. Md. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
10. Mw. Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada
11. Md. Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
12. Mw. Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
13. Md. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha
14. Md. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta
15. Mw. Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
16. Md. Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka

Dagaal Beeleed dhimasho badan sababay oo ka dhacay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

SHILAABO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya deegaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya inuu dhimasho badan sababay dagaal beeleed shalay galab ilaa xalay ka socday deegaan hoos taga Magaalada Shilaabo.

Dagaalkaan oo saacado dhowr ah qaatay ayaa sababay dhimashada ilaa 9 ruux oo labada dhinac ah halka toban kalana ay ku dhaawaceen kuwaasoo qaarkood goobaha caafimaadka la gaarsiiyay.

Dagaalkaan oo ka dhacay Deegaanka balidaleel oo hoos taga Magaalada shilaabe ayaa waxaa uu ka dhashay kadib dilal aanooyin qabiil ah oo beelahaani dhexmarayay mudooyinkii la soo dhaafay taasoo keentay ugu danbeyn dagaal fool ka fool ah.

Maleeshiyaadkaani oo isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa isku noqon kara hadii Maamulka Dowalad deegaanku si degdeg ah usoo faragelin oo dhexdhexaadina u sameyn labada beelood.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maxaa ka jira heshiis lidi ku ah midnimada Somaliweyn oo ay wada galeen Saciid Dani,Cirro iyo Imaaraadka

Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo ay wada galeen Dowlada Imaaraadka iyo Madaxweynayaasha Maamulada Somaliland C/raxmaan Cirro  iyo Puntland Saciid Dani.
Heshiiska ayaa dhigaya in Imaaraadku maal-geliyo sidii uu Saciid Dani ama shaqsi kale ku noqon lahaa Madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka mudo xileedka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud kadibna uu fududeeyo sidii Dowlada Somalia u aqbali lahayd aqoonsiga inay Dowlad noqdaan Maamulka Somaliland.
Qorshahaan oo halis ku ah midnimada Somaliweyn iyo madax-banaanida qarankeena ayaan xaqiiqi loo heyn marka la eego tuhunka ah heshiis nuucaas ah.
Dawladda Imaaraadka Carabtu ayaa la rumeysan yahay inay mudaba howshaan soo waday islamarkana ay marar badan aqoosi u raadisay Somaliland inkastoo ay dhamaantood ku fashilmeen.
Dowlada imaaraadka ayaa ugu dambeyn garowsatay in ictifaar raadintaan ay ka sahlantahay dhanka Soomaalida dhexdooda, tusaale ahaan in Dowlada Somalia gacan ka geysato taasoo aad uga fudud wadooyinkii ay ku fashilmeen sida ay aaminsan yihiin waana mida keentay hadal heynta hada soo baxday ee ah inay Imaaraadku qorsheyeen madaxweyne maqaar saar ah inay Somalia u sameyso si uu ugu sahlo ictifaar raadinta maamulka Somaliland taasoo ay donayaan inay qarash badan ku bixiyaan walow aan la ogeyn suurtagalnimadaasi.
Dhanka kale Saciid Dani ama musharax kale lama rumeysna in siyaasi Soomaali ah aqbali karo mashruuc nuucaas ah madaama Soomaalidu ka mideysan yihiin ilaalinta qaranimada Somalia iyo midnimada Somaliweyn.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dowlada oo u hanjabtay shacabkii gubay gaariga Booliiska

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa war culus ka soo saartay fal shalay  Muqdisho ka dhacy kadib markii askari taraafikada ka tirsan uu dilay wiil bajaajle ahaa xili markaas kadib bajaajleyda oo careysan ay gubeen gaari Booliisku lahaa.

Af-hayeenka Booliiska ayaa war ka soo saaray dhacdadaani wuxuuna sheegay in Taliska Booliisku gacanta ku soo dhigay askarigii taraafikada ahaa ee dilay wiilka bajaajlaha ahaa islamarkaana wuxuu carabka ku adkeeyay in sharciga la hor geyn doono.

Sarkaalkaan Booliiska u hadlay wuxuu dhanka kale sheegay in Booliisku ku raad joogo dhalinyaradii gubtay gaariga Booliiska kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo u soo dhex dhuuntay shacabka.

“sharciga ayaa lala tiigsan doonaa marka la soo qabto kuwa inta shacabka ku soo dhex dhuuntay hadana gubay hantida qaranka oo ah hantida shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Af-hayeenka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qof kasta danbiguu galo uu isaga qaas yahay sidaas daraadeed askariga dilay bajaajlaha isna sharciga lala tiigsan doono halka sidii kale kuwii gaariga qaranka gubeysan sharciga lala tiigsan doono.

Af-hayeenka wuxuu xusay dhacdada shalay lagu gubey gaariga Booliiska ay ahayd tii ugu horeyay nuuceeda oo kale ah oo dalka ka dhacda isagoona ku hanjabay in kooxahaasi la soo qaban doono.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS