whitebackground600
Home Blog Page 87

Muxuu ahaa howlgalka ay Milateriga Somalia ka sameeyeen Baydhaba +SAWIRRO

Sida uu shaaciyay raadiyaha Ciidamada Dowkada  Milateriga  Soomaaliya Gaarahaan Qeybta 60-aad, ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay magaalada Baydhabo intii lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadaan.

Howlgalkan, oo lagu baarayay xaafadaha iyo gaadiidka soo galaya magaalada xilliyada habeenkii, ayaa looga gol lahaa in la adkeeyo nabadda iyo xasilloonida Baydhabo. Waxaana hoggaaminayay L/X/le Cabdiraxmaan Nishow, oo shacabka ku dhiirrigeliyay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Ciidanka XDS ayaa sii wadaya dadaalladooda ay ku sugayaan amniga si loo xaqiijiyo nolol nabdoon oo ay ku noolaadaan shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Gobolka Baay.

DAAWO: Reer Moqokori oo qabsaday waqti ay ku soo qabanyaan nin

MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Maamulka iyo shacabka Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa kulan degdeg ah habeen hore waxay ka yeesheen gacan ku dhiigle u dhashay Beesha Xawaadle oo doraad dilay darawal reer Cadaado ahaa ama Bessha Saleebaan Habar-gidir.

Darawalka ayaa ahaa wiil yar oo dhalinyaro ahaa kaasoo isagoo wada gaari safara lagu dilay Magaalada Moqokori waxaana lagu magacaabi jirey Sakariye.

Waxgaradka’dhalinyarada iyo maamulka Reer Moqokori ayaa shirkooda ku cadeeyay inay balan qaadayaan inay soo qabanayaan gacan ku dhiiglaha reerkooda ee dilay wiilka darawalka ah si sharciga loo marsiiyo.

“Walaalaheen reer Cadaado waxaan leenahay raali ahaa,raali kama nihin dilka waxaana balan qaadeynaa inaan soo qabaneyno”ayuu  yirj qof ka mida waxgaradkii u hadlay reer Moqokori.

Talaabdaan ayaa xal u noqoneysa xiisad cokaadeed oo labada Beelood ka dhex bilaaban lahayd.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Maxaa ka jira in Somalia la gelinaayo xaalad Milateri oo deg deg ah

ANKARA (DAYNIILE.COM)-Maxaa ka jira in Somalia la gelinayo xaalad Milateri oo deg deg ah iyo ciidamo Turkey ah oo shabeelooyinka la geynayo..

Warar ay qoreen shaaciyeen ka mid ah warbaahinta Dalka Turkey ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaasha Somalia iyo Turkiga ay ku heshiiyeen in xaalad degdeg ah oo milateri la geliyo Samalia.

Sidoo kale waxaa la sheegay inay ku heshiiyeen dhowt kun ciidamo Turki ah inay ku biiraan dagaalka Alshabaab ka dhanka ah iyagoona si gaar saldhig uga dhigan doona gobolada Shabeelooyinka.

Xaaladaan Milateri ee dalla la gelinaayo ayaa la doonayaa in Alshbaab looga nadiifiyo Gobolada Shabeelooyinka oo ay soo buux dhaafiyeen bilahaan danbe.

Madaxweyne Xasan ayaa awood u yeelanaya inuu mudadaasi ku shaqeeyo waxa loo yaqaan xaalad degdeg ah taasoo u ogolaaneysa inuu xitaa soo xiri karo xubnaha dowlada ku jira sida xildhibaanada iyo cid kasta oo uu u arko inay caqabad ku tahay dagaalka uu kula jiro Alshabaab iyo danaha Dowlada.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Todoba qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ka geysatay suuq mashquul badan oo ku yaalla bartamaha Gaza iyadoo in ka badan 40 qof ay ku dhinteen duqeymo ka dhacay dhulka uu dagaalku ka socdo 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa ka digtay in kumanaan Falastiiniyiin ah ay wajahayaan gaajo iyo nafaqo darro Qaza sida ay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ay sheegtay in wax gargaar ah uusan soo gelin deegaankaas in ka badan saddex toddobaad.

Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan lix qof weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay koonfurta Lubnaan,

sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,208 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay inay dhinteen 113,910 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xafiiska warbaahinta ee dawladda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

DAAWO: Shacabka  oo qabtay Alshabaab xalay dil ka geystay Muqdisho .

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wiil Alshabaabnimo ku eedeysan oo aad u da’yar  ayaa xalay qof shacaba ou dilay  Degmada Garasbaaleey ee Magaalada Muqdisho.

Shacabka Degmadaasi oo is xilqaanay ayaa gacanta ku soo dhigay wiilkaasi iyagoo iir dilay kadibna  isagoo wada dhiigagaya ayay ku wareejiyeen laamaha amniga ee Dowlada Somalia.

Wareysi kooban oo lala yeeshay ayuu ku qirtay dilka uu geystay iyo in shacabku soo qabteen intaba.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Muqdisho ka curtay Kacdoon iyo Baraarug Shacab waxayna noqoneysaa qofkii sedexaad oo Alshabaab ka tirsan oo ay shacabku naftooda inta biimeeyaan ay iyagu soo qabtaan kuna wareejiyaan ciidanada Booliiska Muqdisho.

Labadii hore waxaa qabtay shacabka Degmada Dayniile waliba kuwaasi hub ay bambooyinku ka mid yihiin ayay ku Alshabaabku ku hubeysnaateen marka shacabku naftooda u hureen inay gacanta amniga soo geliyaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.CON

Kulanka Xassan Sheekh iyo Recep Tayyip Erdoğan maxaa looga hadlay?

Ankara, Maarso 27, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan, xarunta Madaxtooyada dalkaas ee Ankara.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi istiraatiiji ah oo muhiim u ah labada dal, waxayna isla qaateen in la sii ambaqaado dhammaystirka fulinta heshiisyada iyo iskaashiyada wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.
Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Erdogan ayaa si qoto dheer uga wada hadlay howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo horumarka gobolka, iyagoo bogaadiyey miro-dhalka iskaashiga labada dal ee dib u dhiska Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo wiiqidda argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga garab istaagga hagar la’aanta ah ee ay siiyaan Soomaaliya, waxa uuna xusay doorka muuqda ee ay ka qaataan dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo garab istaagga dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Dhankiisa, Madaxweynaha Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa tilmaamay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, taageerada farsamada iyo midda bini’aadantinimo.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 2 people, the Oval Office and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 12 peopleMay be an image of 3 people and text

Midowga Afrika oo Somalia ugu deeqay Gaadiidka Gaashaaman ee ciidamada +SAWIRRO

Addis Ababa, Maarso 27, 2025 – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka guddoontay Midowga Afrika gaadiidka gaashaaman ee dagaalka iyo agab ciidan, kuwaas oo muhiim u ah xoojinta dagaalka Khawaarijta, sugidda amniga iyo xasilloonida Gobolka oo door muuqda ay ku leeyihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa gaadiidkaan iyo agabkaan magaalada Douala ee Dalka Cameroon uga guddoomay koox ka socotay saldhig qaaradeedka saadka ee Midowga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo (CLB).
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika oo la garab taagan taageero joogto ah, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, la dagaalanka argagaxisada, xaqiijinta hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta oo ka taabagasha guud ahaan Qaaradda Afrika.May be an image of 1 person and helicopterMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of ‎text that says "‎ኢል5 AU AUJ لا υ‎"‎May be an image of 1 person and suitMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people, television, suit, wrist watch and newsroomMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 10 people

Taliska Booliiska oo baadi-goobaya askari hore oo baxsad ah

War goor dhaw ka soo baxay Booliiska Somalia ayaa lagu shaaciyay baadi goobka nin hore u soo ahaan jirey Booliis kaasoo danbiyo badan ay ku soo aadeeyeen.
Qoraalka oo lagu cadeeeyay in askarigaani yahay wanted ayaa sidaan u qornaa:-
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu bulshada Soomaliyeed ku wargalinayaan in uu Baxsad yahay Ex.A/Le Cabdirasaaq Cali Macalin oo horay uga tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, aana loo tixgalin xubin katirsan Ciidanka Boliiska ama Hay’addaha amaanka ee kale.
Eedeysanahaan baxsadka ah oo galay dembiyo kala duwan kuna kacay qiyaano qaran, waxaan ka codsanaynaa cidkasta oo aragta ama hesha xog ku saabsan oo sahli karta soo qabashadiisa in ay la wadaagto Saldhigga Boliiska ee kugu dhaw ama ay wargaliyaan Laamaha amniga ee ugu dhaw.
FG:- Cidii ku guuleysata waxey helidoontaa abaal marin ay ku qanacdo Insha-Allah.
May be an image of 1 person and text that says "TALISKA CIIDANKA BOLIISKA SOOMALIYEED WANTED BAXSAD C.risaay Cali Macalin 00 KA TIRSANAA CIIDANKA BOLIISKA SOMAALIYEED QOFKII so GUDBIYA XOG SAABSAN SHAQSIGAN MESHA UU κυ SUGANYAHAY, AMA MACLUUMAD LAGU so QABAN P WAXAA LA SIIN DOONA ABAAL MARIN HADII AAD ARAGTO so WAC NAMBARKA GAABAN EE 0613222293"

Madaxweyne Xassan oo gaaray Dalka Turkey+SAWIRRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalkaTurkiga, halkaas oo uu kula kulmayo dhiggiisa Turkiga, Rajab Dayib Erdogaan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Saaka ayuu ka dhoofay Magaalada Muqdisho kadib markii uu shalay ka soo laabtay furimaha dagaalka Gobolka Shabeelaha dhexe oo uu ka hagayay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 10 people and helicopterMay be an image of 10 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 7 people, aircraft and textMay be an image of 2 people, car and text

Gabar kaalinta 1-aad ka gashay tartanka quraan akhriska Muqdisho ee 30-ka juz+SAWIRRO

May be an image of 2 people, dais and textGuddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxmed Axmed Amiir ayaa soo xiray Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Tartankaan oo sanad weliba bisha barakeysan ee Ramadaan la qabto ayaa waxaa ka qeyb-galay ardey ka kala socotay Dugsiyadda Quraanka Kariimka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo kaalimaha horey u kala galay;
30-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂.
1- Caa’isha Aadan Maxamed (Kaalinta 1aad).
2- Maxamed Cusmaan Aadan (Kaalinta 2aad).
3- Xannaan Axmed C/laahi (Kaalinta 3aad).
20-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂.
1- Cabdimaalik Rashiid Maki (Kaalinta 1aad).
2- Sakariye Cilmi Maxamed (Kaalinta 2aad).
3- Cabdiraxmaan Cabdisalan Maxamed (Kaalinta 3aad).
10-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂
1- Cabdisalaan Cumar Xuseen (Kaalinta 1aad).
2- Ibraahim Macalin Xareed (Kaalinta 2aad).
3- Aasiya Nuurudiin Xasan (Kaalinta 3aad).
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa kula dar-daarmay Macalimiinta Dugsiyadda Quraanka Kariimka in ay ardeyda baraan tafsiirka Quraanka, si ay faham guud ugu qaataan micnaha uu leeyahay Quraanka Kariimka, asigoona balan qaaday in uu wax ka qaban doonno marxaladda ay hada ku sugan yihiin Dugsiyadda Quraanka Kariimka.
Guddoomiye Amiir abaal-marino kala gedisan guddoonsiiyay ardeyda kaalimaha horey ka galay Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaam ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona Hambalyo iyo boogaadin u diray dhamaan ardeyda, Macalimiinta, guddigii qaban qaabada, guddigii garsoorka iyo waalidiinta.May be an image of 8 people, people studying, lighting and daisMay be an image of ‎2 people, dais and ‎text that says "‎الحفل الختامي زین والفانزات نزات بمسابقة شهر :رمضا المبارك អ្មក ية اية إدارة بلدية مقديشو ومحافذ VACAI التنا ال تكريں ADA GOBO 25_2‎"‎‎May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of ‎5 people, dais and ‎text that says "‎مقديشو بلدية بنادر محافظة ادارة لحم يشوت يشو RITA RAM RAM LKA C 203 ă AN TAA うみ بز ANA‎"‎‎May be an image of ‎2 people, dais and ‎text that says "‎ادارة محافظة ينادر بلدية مقديشو تهامي صر- رمضا. النا الحة 30mm سوو XIRIT/ ADDA RAI BISHA A MAAMULKA زين دل بريه N TAЛAЛ J BANANAU‎"‎‎May be an image of ‎3 people, dais and ‎text that says "‎مقدیشو بلدية بنادر محافظة رة Kaolintar3okej leatinta lg يشوء KITA RAN LKA یہ N 22 A 202‎"‎‎May be an image of ‎4 people, dais and ‎text that says "‎مقدیشر بلوية بنادربلاية بنادر محافظة مار_آ_ستنانجی A A TAR IN INUL U -KA E 446A 146 لعام‎"‎‎May be an image of 2 people and headscarfMay be an image of 13 people, headscarf, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of ‎5 people, dais and ‎text that says "‎مقديشو بلدية بناد محافظة ادارة وال انوا! ن ادار RTA JU T BANA XIRIT A HARA RA MULKA‎"‎‎May be an image of ‎5 people, dais and ‎text that says "‎ادارة محافظت بنادر بلدية مقديشو ضان سن المبارك BIS PRISKAE AFALADE 70 MAAP IN Ar ١٢ 1‎"‎‎May be an image of ‎6 people, newsroom, dais and ‎text that says "‎يشو ادارة محافظة ينادر بلدہ لح‎"‎‎May be an image of ‎5 people, dais, newsroom and ‎text that says "‎دارة محافظة بنادر بلدية مقد مقديشو الختال AFAL PRISK بمسابة مقديه TAAN AMADA GOBC 2025 محرية 2025.2 التام مب‎"‎‎May be an image of ‎6 people, newsroom, dais and ‎text that says "‎ادارة محافظة پنادر بلدية مقديه الحف XI AQ زین واله بة إدارة RTAN เบ BANAA CKA‎"‎‎May be an image of 7 people, dais and text that says "当目 E"May be an image of 1 person, dais and text
- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS