whitebackground600
Home Blog Page 82

Waa Maxay Sababta Daafaca Arsenal Ee Gabriel Magalhaes Looga Saaray Waajibaadka Xulkiisa.

Daafaca kooxda Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa ku soo laaban doona waqooyiga London xilli hore markii la qorsheeyay kadib markii laga saaray xulka Brazil ee is reeb-reebka koobka adduunka ee Argentina.

Daafaca Arsenal ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee kulankii uu xulka Brazil ka badiyay Colombia kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka.

Laakiin 27 jirkaan wax door ah kuma yeelan doono kulanka isreebreebka ee todobaadka soo socda ay Argentina kula ciyaari doonaan Buenos Aires.

Maqnaanshihiisa ayaa war wanaagsan u ah taageerayaasha Arsenal maadama uu Ganaax ku seegayo kulanka uu xulkiisa la ciyaari doono Argentina.

Liverpool Oo Badalka Salah Iyo Nunez Ka Doonaysa Barcelona.

Liverpool ayaa ku jirta liiska kooxaha xiiseynaya saxiixa xiddiga FC Barcelona Ferran Torres marka la gaadho suuqa xagaaga.

Torres ayaa qaab ciyaareed fiican la qaadanaya kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan, laakiin taasi ma joojin ka hadalka suurtogalnimada bixitaankiisa xagaaga.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Spain, fursada Torres ee uu si joogto ah ugala qayb qaadan karo Barcelona ayaa noqotay mid aad u xaddidan, marka la eego qaab ciyaareedka Lewandowski iyo labada xiddig ee Lamine Yamal iyo Rafinha.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Spain, haddii Torres uu go’aansado inuu baxo si uu ugu biiro koox uu joogo ugu ciyaaro kooxdu waxay soo dhaweyn doontaa fikradda ah inay ku iibiso xiddiga iyaga oo ku qiimeeya lacag dhan 40 milyan oo euro.

Liverpool ma noqon doonto kooxda kaliya ee Ingiriis ah ee xiiseyneysa saxiixa Torres, iyadoo xiddiga lala xidhiidhinayo kooxaha Manchester United iyo Aston Villa.

Xaqiiqdi, Liverpool ayaa dooneysa inay heshiiska ku xalliso dhinaceeda, marka loo eego cadeyn la’aanta mustaqbalka ee seddexda weeraryahan ee Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Luis Diaz.

Torres waa 25 sano jir wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista boosaska kala duwan ee weerarka.

Warar dheeraad ah oo laga helay khasaaraha ka dhashay diyaaradii maanta ku soo dhacday duleedka Xamar

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Diyaaradii Xamuulka ahayd ee maata ku soo dhacday duleedka Xamar ayaa waxaa ka soo baxaya faah-faahino dheeraad ah.
Diyaaradaan oo magaceeda lagu sheegay Bufallo 5Y-RBA ayaa la soo sheegayaa in 4-tii ruux ee saarnayd oo duuliyuhu ku jiro in 3 ka mida ay dhilka ku geeriyoodeen halka midka 4-aad-na uu dhaawac culus qabo waxaana loo soo qaaday goobaha Caafimaadka Muqdisho.
Diyaaradaan oo ka soo kacday Magaalada Dhoobleey ayaa ciladi ku iyadoo wax yar u jirta halka ay ku socotay oo ah garoonka diyaaradaha Muqdisho taasoo ku qasabtay markii ay xiriirka dhumisay inay ku soo dhacdo dhulka.
Ciidamada Dowlada Somalia iyo mas’uuliyiin ayaa gaaray deegaanka Xawaaloow oo ku dhaw deegaanka Jaziira oo ah halka diyaaradu ku soo dhacday ,ciidamada amniga ayaa la wareegay diyaarada oo burburtay iyo waxa saaranba.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweyne Xasan oo maanta la kulmay hogaamiyayaasha macawisleyda Sh.dhexe+SAWIRRO

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wali ku sugan Magaalo xeebedka Caddale ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa wada kulamadii goos gooska ahaa ee uu dadka deegaanka, saraakiisha iyo siyasiyiinta uu la lahaa si uu u dar dar geliyo dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweynaha wuxuu maanta la kulmay odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.
Madaxweynuhu wuxuu kala hadlay odayaasha iyo saraakiisha macawisleyda  muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro Kooxda Alshabaab oo ah sababta uu u joogo Gobolka Shabeelaha dhexe.

Qorsahaha Madaxweynaha ayaa ah inuu Caddale ka hago dagaalada lidiga ku ah Alshabaab waliba si gaar ah in Alshabaab lagu qaado guluf dagaal si gobolka oo dhan looga saaro madaama uu istaraatiiji u yahay Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and dais

Jahawareer iyo qax soo wajahay saraakiisha Alshabaab ee Degmada Jilib ku sugan

=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
JAHWAREER IYO QAX SOO WAJAHAY HORJOOGEYAASHA IYO MALEESHIYAADKA KHAWAARIJTA EE DEGMADA JILIB KU SUGAN.

Muqdisho, 22 March 2025: Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii dhowaan ay Ciidamada Qalabka Sida ka fuliyeen degmada Jilib ayaa sheegaya in jahwareer xooggan uu soo wajahay hoorjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee halkaasi ka soo maleegi jiray waxyeelada shacabka Soomaaliyeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in horjoogeyaasha Khawaarijta ay bilaabeen inay ka qaxaan magaalada, iyaga iyo qoysaskooda, isla markaana raadinaya goobo cusub oo ay ku dhuumaaleystaan.

Maleeshiyaadka kooxda ayaa iyaguna ku dayanaya horjoogeyaasha, iyagoo dhankooda ka bilaabay inay ka goostaan kooxda, una baxsadaan goobo ay doonayaan inay kaga badbaadaan weerarada joogtada ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay halkaasi ka bilaabeen.

Waxaa la rumeysan yahay in tiro horjoogeyaal ah iyo boqolaal Khawaarijta ka tirsan ay ku dhinteen weerarada Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen degmada Jilib, iyadoo boqolaal kale oo dhaawaca Khawaarijtana ay ku dayacan yihiin magaaladaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa maleeshiyaadka Khawaarijta in fursadda keliya oo ay haystaan ay tahay inay isku soo dhiibaan dowladda, isla markaana ay ku tusaale qaataan dayaca dhalinyarada la soo marin habaabiyey ku qabsadey Jilib, oo boqolaal ay naftooda ku waayeen, kuwo intaas ka badanna ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa in Degmada Jilib iyo dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta ay yihiin bartilmaameed milateri oo waqti kasta weeraro lala beegsan karo, waxaana shacabka laga codsanayaa inay ka fogaadaan goobaha ay Khawaarijtu joogaan.

Waxaa sidoo kale shacabka la farayaa inay laamaha dowladda ku soo wargeliyaan firxadka horjoogeyaasha Khawaarijta iyo maleeshiyaadkooda firxadka ee soo gaaraya degaannadooda, si looga hortago in waxyeelo shacabka soo gaarto, marka ay Ciidamada Qalabka Sida beegsanayaan horjoogeyaasha baxsadka ah.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=

Diyaarad Xamuul siday oo ku doo dhacday duleedka Muqdisho

DAYNIILE.COM (DAYNIILE.COM)-Diyaarad yar balse ah nuuca xamuulka ama Cargo-ga qaada ayaa maqribkii caawa ku soo dhacday duleedka Muqdisho xili ay rabtay inay ku soo degto garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Adan Abdulle international Airport.

diyaarada oo ka soo kacday Magaalada Dhoobleey ayaa dhumisay xiriirki ay la lahayd halkey ku socotay iyo halkey ka timid cilad soo wajahday darteed,kadib waxay ku soo dhacday duleedka Muqdisho gaar ahaan deegaan ku dhaw Jaziira.

Diyaarada oo ay saarnaayeen baylootka iyo shaqaalihii la socday oo badankood Kenyaan ah ayaa qaarna dhinteen halka qaar kalana dhaawac yihiin .

Maamulka Deegaan Xeebeedka Jaziira oo duleedka Muqdisho ayaa gaaray hallka diyaaradu ku dhacday waxaana lagu wadaa in shaqaalaha iyo baylootka akenyaanka ah dhimashada iyio dhaawacaba la soo qaado , sidoo kalana amniga diyaarada iyo waxay sidaba Dowlada ayaa la wareegtay sida wararka aan ku heleyno.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of aircraft

XOGTA: Itoobiya oo markii ugu horeysay sheegtay sababta ay Somallia uga bilaabeen duqeymaha Alshabaab.

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Sida warbaahinta Itoobiya lagu shaaciyay diyaaradaha dagaalka Itoobiya ayaa mar kale duqeymo ka gaystay Somalia gaar ahaan Gobolada Jubada dhexe iyo shabee,xili Dowlada Itoobiya shaacisay markii ugu horeysay sababta ay Somallia uga bilaabeen duqeymaha Alshabaab.

Warkaan dhanjka Itoobiya ka yimid waxaa lagu sheegay in magaalooyin ku yaal gobolada aan soo sheegnay ay ka fuliyeen duqeymo ay ku bar-til maameedsadeen Alshabaab.

Itoobiyaanka meealaha ay ka  beegsadeen Jilib waxay ku kala sheegeen Xarumaha ciidamada iyo goob ay shir ku lahaayeen Alshabaab walow aysan faahfaahin ka bixn hadii uu jiro khasaare nafeed.

Sidoo kale waxay sheegeen Itoobiyaanku shabeelaha hoose inay duqeeyeen tuulooyin fariisimo u ahaa kooxda Alshabaab , halkaasna ay abaabulo ka wadeen kaasoo weeraro ka dhan ah Dowlada Somalia.

Dhanka kale Dowlada Itoobiya ayaa ka hadashay sababta ay maalmahan danbe duqeynta uga wadaan Somalia taasoo aan hore looga baran kaliyana lagu ogaa ciidamada dhulka Somalia ka howlgala islamarkaana ku jooga magaca Midowga Afrika.

Itoobiyaanku waxay sheegeen in duqeymahan ay bilaabeen markiin ay arkeen weerarada maalmahaan danbe Alshabaabku ku hayaan Dowlada Somalia islamarkaana ayba markaan kulaalayaan meelaha u dhaw caasimada Somalia ee Muqdisho halkaasoo ay ay weeraro ka fulinayaan.

Taliska Booliiska Puntland oo warsaxaafadeed ka soo saaray dagaalkii Garowe ka dhacay

Garoowe, 22 Maarso 2025 – Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal qorsheysan ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaa oo horay loo oran jiray PSF.
Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan.
Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga. Booliska Puntland waxay bulshada u caddeynayaan in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, si kastaba ha isku qarisatee, lala xisaabtami doono.
Marka baaritaanku dhammaado, Boolisku waxay dadweynaha u soo bandhigi doonaan faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan, si ay caddaaladdu u noqoto mid muuqata. Dowladda Puntland waxay mar kale ku adkeynaysaa go’aankeeda ah in aan la aqbali doonin kooxo hubeysan oo isku daya in ay dhibaato ku hayaan nidaamka iyo kala dambeynta.
Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7
— DHAMMAAD —
Wixii Faahfaahin dheeraad ah kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland.May be an image of text that says "PUNTLAND PUNTLAND POLICE FORCE"

Kooxo Soomali ah oo isbaheystay oo Rasuulka Csw Dagaal kula jira oo soo baxay waa kuwee kuwaas

Kooxo Soomali ah oo isbaheystay oo Rasuulka Csw Dagaal kula jira oo soo baxay waa kuwee kuwaas

Feer-yahan Dunida caan ka ahaa oo geeriyooday

Feer-yahankii miisaanka cuslaa ee u dhashay dalka Mareykanka  George Foreman ayaa geeriyooday kaasoo dunida magac ka sameeyay intii uu ku jirey ciyaaraha feerka.

George Foreman oo  76 jir aha waxaa xaqiijiyay dhimashadiisa qoyska uu ka soo jeedo kuwaasoo baraha bulshada ku baahiyay .

Feeryahankaan wuxuu xiligiisii caan ku ahaa oo loo yaqaanay Big George , waxaana lagu xasuustaa inuu guulo waa weyn u soo hooyay Mareykanka , sanadkii 1968-kii wuxuu ku guuleystay laba jeer horyaalka Miisaanka culus.

Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa inuu ku guuleystay horyaalkiisii uu ugu da’da weynaa taariikhda isagoo jira 45 ahaa.

Intii uu ciyaaraha ku jirey taariikhda waxaa mar ka adkaaday dhinciisa dhulka dhigay Maxamed Cali tartan waliba Afrika ka dhacay gaar ahaan dalka hada la dhaho Congo 1974.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM.

- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS