whitebackground600
Home Blog Page 8

DAAWO: Faah-faahinta Tirada dadka ku dhintay roobabkii xalay iyo burburka wadooyinka 

War ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha dhimashada iyo bur-burka ka dhashay roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka ayaa warbaahinta hor yimdi wuxuuna faahfaahin ka bixiyay tirada dadka ku dhintay roobabka oo 10 ku dhaaw  iyo burburka wadooyinkaku yimid.

Halkaan ka daawo faah-faahinta :-

Shirka Wasiirada oo looga hadlay Isbeddelka Cimillada+SAWIRRO

Muqdisho, Sabti, 10 Maajo 2025: — Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey Isbeddelka Cimillada, Sugnaanta Cuntada iyo Hindisayaasha Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029).
Kulanka, ayaa intii uu socday lagu falanqeeyay isbeddelka nidaamka cuntada ee dalkeenna, iyo sidii loo hubin lahaa tayada cuntada dalka soo galaysa, si loo ilaaliyo badqabka dadka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo hirgelinta xalka waara ee saamaynta isbeddelka cimillada, loona samayn lahaa nidaamyo casri oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
— Dhammaad —May be an image of 1 person and daisMay be an image of 9 people, dais and weddingMay be an image of 14 people and people studyingMay be an image of 11 people, table and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 16 people, table and dais

DEG DEG : Pakistan iyo India oo gaaray heshiis xabad-joojin ah

Hindiya iyo Pakistan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin degdeg ah ka dib maalmo ay taagnayd xiisad militari oo ka dhalatay weerarkii Dowlada India ku qaaday Pakistan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump la sheegay inuu labada dal dhex dhexaadin u sameeyay ,ugu dambeyna uu ku guuleystay inay heshiis horu dhac ah oo xabad joojin la agaaray.
Pakistan iyo India ayaa mar sii horeysay bartilmaameedsaday saldhigyada militariga midba midka kale iyadoo Islamabad ay billowday Howlgalka Bunyan Marsoos ka dib markii saddex saldhig oo hawada Pakistan ah lagu bartilmaameedsaday gantaalada hawada ilaa-korka” ee Hindiya.
Maamulka gobolka Kashmiir ee ay Pakistan maamusho ayaa sheegay in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen gobolkaas tan iyo xalay sababo la xiriira duqeymaha Hindiya.
In ka badan 60 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay tan iyo markii Hindiya ay gantaallo ku garaacday Arbacadii in ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday “xeryaha argagixisada” ee Pakistan iyo Pakistan ay maamusho Kashmir.
Dhanka kale  Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Ishaq Dar ayaa xaqiijiyay in xabad joojinta ay si degdeg ah u dhaqan gali doonto.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Thabid Abdi “Haddii aad xalay nabad ku seexatay, ogow shacab badan baa hurdo ladin”

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabid Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu maanta soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay saameynta roobabii xalay ka da’ay Muqdisho,isagoona ku baaqay in loo gurmado dadka aan xalay seexan ee hoy la’aantu ku dhacday.
Qoraalka masuulkaani ayaa sidan u qornaa:-
Haddii aad xalay nabad ku seexatay, ogow shacab badan baa hurdo ladin oo ku waxyeeloobay roobkii xalay, hooy la’aan ku dhacday, walina xaalad adag ku jira, una baahan inaad garab istaagto.

Muwaadinow marka hore dariskaaga bariidi oo hooy sii halkii aad la sugi lahayd gurmad kale, adigaa gurmadka billaabi kara, Illaahayna wuu barakeeyaa qoyska u gargaara jiiraankiisa.

Waxaan ka codsanayaa dhammaan shacab, shirkad iyo ciidamada kala duwan in garab lagu siiyo maamulka Gobolka Banaadir gurmadka dadka danyarta ah maadaama lagu jiro xilligii gu’ga oo ay suurtagal tahay in roob mahiigaan ah saacad walba dib u di’i kara.

20ka Degmo ee G/Banaadir xarumo deg deg ah ha sameeyaan hana abaabulaan dhallinyarada degmada, dhaqaatiirta, ardayda, ganacsatada iyo qof kasta si aan qoysna roob cidlo ugu helin. Alle wuu barakeeya kuwa isku naxariista, iskuna gargaara.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu u dhib yareeyo dadka danyarta ah ee ku waxyeeloobay roobkii da’ay, Allahana u naxariisto intii ku dhimatay.
Allow mahad-badan, Allow magantaa!Former Mogadishu Mayor Thabit mourning faulty CCTV at Mayor office as  security loophole - Somali Times

Duqa Muqdisho oo war ka soo saaray Roobabkii khasaaraha dhaliyay ee ka da’ay Muqdisho+SAWIRRO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda degdeg ah ee ka dhalatay Roobabka da’ay Caasimadda.
Gudoomiye Amiir ayaa yiri “Roobabka mahiigaanka ah ee Xamar iyo agagaarkeeda ka da’ay waxaan xaaladaha ka dhashay ka qaadnay tallaabo kasta oo suuragal ah, Waxaana goordhow soo saari doonnaa warbixin la xariirta saameynta Roobka, sidoo kale gargaar deg deg ayaan gaarsiin doonaa dadkii ku waxyeellobay Roobka iyo daadadka ka dhashay”.
Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan wali howl adag ka wadnaa maareynta saameynta roobka, anaga oo diyaarinay Matoorro tuura biyaha iyo Booyado ka dhuuqa meelaha ay biyuhu fadhiisteen”.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay burburka soo gaaray qaar kamid waddooyinka Magaalada ayaa yiri “waxaa degdeg loo dhisi doonaa jidadka ay daadadka Roobka burburiyeen, waxaana fareynaa shirkadihii waddooyinkaasi horey u dhisay iney markale dib u dhisaan Laamiyo ka taya wanaagsan kuwii burburay”.May be an image of 2 people and body of waterMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 4 people and fireMay be an image of 8 people, ambulance, fire and textMay be an image of ambulance

Xamza Cabdi-Barre oo diiday inuu Shangaani iska diiwaan geliyo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa cadeeyay in Ra’iisulwasaare Xamza Cabdi Barre diiday inuu iska diiwaan geliyo Degmada Shangaani si uu codkiisa uga dhiibto marka doorashooyinka la gaaro.

Gudoomiye C/kariin Axmed Xasan wuxuu sheegay markii uu dhawaan booqday Ra’iisulwasaraha Somalia is diiwaangelintii laga bilaabay Degmada Shangaani in loo soo jeediyay inuu Shangaani ka qaato kaarka doorashooyinka  balse uu diiday.

Mar uu ka hadlayay sababta uu u diiday ayuu sheegay inuu Degmada Shangaani ka door biday Degmada Warta-Nabada.

Xamsa ayaa xusay inuu degan yahay Degmada Warta-Nabada oo Madaxtooyadu ku taal sidaas daraadeedna uu jecel yahay inmuu Degmada uu degan yahay iska diiwaan geliyo kana qaato kaarta doorashooyinka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka wuxuu beeniyay inay jiraan masuuliyiin Dowlada ka tirsan oo laba jeer is diiwaan-geliyay,gudoomiyaha wuxuu cadeeyay in sistamka ay ku shaqeryaan uusan ogoleyn in laba jeer la is diiwaan geliyo.

Halkaan ka daawo gudoomiyaha doorashooyinka arimahaani ka hadlaya:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dowlada Sudan oo ku eedeysay Maamulka Puntland inuu taageero mucaaradkeeda RSF

QARTUM (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Suudaan ayaa si weyn loogu eedeeyay maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland inuu taagero dad-ban siiyo kooxaha mucaaradka ku ah Dowlada Sudan ee lagu magacaabo RSF.

Wasaarada Arimaha dibada Sudan ayaa dacwo rasmi ah soo gaarsiisay Dowlada Somalia iyagoo ka dacwoonaya maamulka Soomaaliyed ee Puntland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Dani .

Dowlada Sudan waxay sheegtay in taageero dad-ban iyo mid toos ahba Maamulka Puntland inuu siiyo Mucaaradkooda RSF.

Garoonka diyaaradaha Boosaaso waxay Sudaantu ku sheegeen meel xligaan loogu adeego kooxda RSF islamarkaana ay u isticmaalaan safaro iyosahay ciidan

“ilo xog-ogaal ah oo gudaha iyo dibada isugu jira ayaa muujinaya in maamulka Puntland uu siinayo mucaaaradka taageero istaraatiiji iyo mid saadka ahba isugu jira”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Dowlada Sudan

Maamulka Puntland taageeerada uu siinayo RSF waxay sheegtay Dowlada Sudan inay ka timaado dalal uu ka mid yahay Imaaraadka Carabta oo hore Suudaan u sheegtay in Imaaraadku yahay cida kaliya ee fangareysa kooxda RSF ee mucaaradka ku ah Dowlada Sudan.

Dhanka kale Dowlada Sudan waxay soo hadal qaaday hadal dhawaan ka soo baxay wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland kaasoo beniyay inay garab siiyaan mucaaradka Sudan,wuxuuna ku tilmaamay beenintaasi mid marin habaabin ah.

Si kastaba lama oga talaabada ay qaadi doonto Dowlada Somalia iyo sida ay uga falcelin doonto dacwadaan la soo gaarsiiyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Kenya oo ka hadashay dagaalka ay kula jiraan Alshabaab-ka dhanka Xuduuda Somalia

War ka soo baxay Dowlada Kenya ayay ka hadasha inay xoojisay istaraatiijiyada ay kula dagaalayaan Alshabaab dhanka Xuduuda Somalia kuwaasoo weeraro joogta ah Kenya ka geysta.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaranka Kipchumba Murkomen ayaa ku faanay inay adkeeyeen amaanka xadka ay Somalia la wadaagaan islamarkaana meesha ka saaray cabsida laga qabo in ay sare u kacaan weerarada Al-Shabaab.

Wasiirka oo qirey qarax khamiistii lala beegsaday ciidamada Booliiska Kenya inay ku dhaawacmen ilaa sedex askari kuwaasoo  marayay deegaanka Dadaab ayuu hadana xusay inay guulo ka gaareen la dagaalanka Alshabaab marka la eego xadka somalia iyo Kenya.

Wasiirka wuxuu mar kale sheegay in qaraxa kadib ay ay alshabaab mid ka dileen mid kalana ay nolosha ku soo qabteen ciidamadu,sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inay qabteen qaar ka mid ah agabkii alshabaabku wateen sida qoryo iyo rasaas.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS