


Israa’iil ayaa weerar cirka ah ku qaaday duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan ee Beirut, taasoo cirka isku shareertay qiiq aad u badan.
Ciidamada Israel ayaa xoojiyay weerarada guud ahaan marinka Qaza, iyagoo dilay ugu yaraan 50 falastiiniyiin ah tan iyo waaberigii Axadii.
Dhex dhexaadiyaha Qatar ayaa sheegay in xoogaa horumar ah laga gaaray wadahadallada lagu doonayo in lagu xaqiijiyo heshiis cusub oo dhexmara Israa’iil iyo Xamaas.
Ugu yaraan 52,243 falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 117,639 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor. Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa goor dhaw oo galabta ah isku shaandheyn kooban wuxuu ku sameeyay Golaha Wasiirada Somalia iyadoo laba wasiir xilalka laga badalay.
Axmed Macalin Fiqi oo ahaa Wasiirkii arimaha dibada ayaa xilka laga qaaday waxaana loo badalay Wasiirka Gaashaandhiga Somalia.
Wasiirkii Gaashaandhiga Jabriil C/rashiid ayaa xilkaasi laga qaaday waxaana loo badalay Ra’iisulwasaare xigeen 2-aad inuu noqdo.
Ra’isiulwasaare xigeenkii 2-aad C/salaan Cabdi Cali ayaa xilkaasi laga qaaday waxaana loo badalay oo loo magacaabay wasiirka Arimaha dibada Somalia.
Ma jirto masuul kale oo isku shaandheyntaani ay saameyay, waxayna arintaani ku soo aadeya xili maalmihii ugu dambeysay la hadal hayay in Madaxweyne Xassan uusan ku qanacsaneyn ninka dhawaan loo dhiibay Wasiirka Gaashaandhiga Jabriil kaasoo aan ku firfircooneyn shaqadaasi xili dalku dagaal ku jiro.
Guud ahaan isku shaandheyntaani waxaa loo sameeyay dalab iyo codsi ka yimid Madaxweyne Xassan oo uu u gudbiyay Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamsa taasoo salka ku heysa in Wasaarada gaashaandhiga loo helo qof ku haboon, waxaana ugu dambeyn loo dhiibay Fiqi oo Madaxweynaha saaxiibadiisa ugu horeeya ka mid ah.
Dooqa ah in Wasiir Fiqi gaashaandhiga loo dhiibo maalmo ka hor ayaa la isla gartay laakiin waxaa wareer ka taagnaa cida wasaarada arimaha dibada ka bixi karta ee isaga lagu badei karo taasoo ilaa iyo galabta soo gaaray waxaana ugu dambeyn madaxda sare isla garteen in Ra’iisulwasaare xigeenka iyo Wasiirka gaashaandhiga la isku badalo madaama ay isku reerna ka soo jeedaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Xukuumada Faderaalka Soomaaliya ayaa farriin u dirtay ganacsatada soo dajiya Shidaalka.
Wasiirka wuxuu farayaa dhamaan ganacsatada shidaalka keenta iyo kuwa ka sii qaataba inay ilaaliyaan dhaqan gelinta xeer nidaaminta shidaalka kaasoo dhigaya in la ilaaliyo tayada shidaalka ee dalka la soo gelinaayo.
Xeer Nidaamintaan ayay wasaaradu soo saartay bishii March ee sanadkii 2023 intii uu joogay wasiirkii hore.
Qoraalka Wasaarada Batroolka ayaa sidan u qoran:-
Qarax weyn iyo dab ayaa shalay ka dhacay deked ku taal koonfurta Dalka Iran oo la sheegay in lala xiriiriyay shixnad walxo kiimikaad ah oo loo adeegsaday gantaalaha, kaas oo ay ku dhinteen 25 qof ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 800 oo kale.
Diyaarado Helicopters ah iyo diyaarado ayaa hawo ka caawinayay si loo bakhtiijo dabkii ka kacayay ilaa subaxnimadii Axada ee dekadda Shahid Rajeei.
Qaraxa ayaa dhacay xilli Iran iyo Mareykanka ay Sabtidii ku kulmeen Cumaan wareegii saddexaad ee wada xaajoodka barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran ee sida xawliga ah u socda.
Dowlada Iran wali fah-faahin kama asan bixin iyo hadii ay jirto tuhun ah weerar la qorsheeyay oo kaga yimid banaanka.
Si kastaba ha ahaatee, xitaa wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Arakchi, oo hogaaminayay wadahadalka, ayaa Arbacadii qiray in “adeegyada amnigu ay ku jiraan feejignaan sare marka loo eego dhacdooyin hore oo isku day ah oo la isku dayey in la dumiyo iyo hawlgallo dil ah oo loogu talagalay in lagu kiciyo jawaabo sharci ah.”
Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay tirooyinka khasaaraha, iyadoo maamulka uu aqoonsaday 10 ka mid ah dadka dhintay oo ay ku jiraan labo dumar ah.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in dhaq dhaqaaqii dekadda ay dib u bilowdeen, kuwaasi oo muujinaya muuqaalada konteenarada markab ganacsi oo laga soo dejinayo.
Shirkadda amniga ee gaarka loo leeyahay ee Ambrey ayaa sheegtay in dekeddu heshay kiimikooyinka shidaalka gantaalaha bishii March.
Waa qayb ka mid ah shixnad ammonium perchlorate ah oo laga soo raray Shiinaha oo ay laba markab u rareen Iran, oo markii ugu horreysay ay soo warisay bishii Janaayo ee Financial Times.
Kiimikada loo isticmaalo in lagu sameeyo gantaalada adag ayaa loo isticmaali doonaa in lagu buuxiyo kaydka gantaalada Iran,kaas oo ay ka dhammaatay weeraradii tooska ahaa ee ay ku qaaday Israa’iil intii uu socday dagaalka ay Xamaas kula jirtay Marinka Gaza.
“Dabka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay si aan habboonayn oo loo maareeyay shixnadda shidaalka adag ee loogu talagalay in loo isticmaalo gantaallada ballistic-ga ee Iran,” ayuu yiri Ambrey.
Falcelintii ugu horreysay ee Axaddii, Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Iran Gen. Reza Talaeinik, ayaa beeniyay wararka sheegaya in shidaalka gantaallada laga soo dejiyay dekedda.
“Ma jiro nooc ka mid ah shixnadaha la soo dejiyay ama dhoofinta ee shidaalka ama dalabka militariga oo yaal (ama) goobta dekedda,” ayuu Afhayeenku u sheegay TV-ga qaranka
Afhaeeka wuxuu war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka Shisheeye ee ku saabsan Shidaalka Gantaalka in Dekada la keenay.
SOURCE AP (Associated Press)
XAFIISKA WARARKA
DAYIILE.COM