Home Blog Page 4

Dhaq-dhaqaaqyada Alshabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Sh.dhexe

Wararka laga helaayp Degmada Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Alshabaab inay isku urusanayaan deegaanka Towfiiq lagu magagaaco oo dhaca duleedka Magaaladaasi.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay qorsheynayaan inay weeraraan oo qabsadaan laba deegaan oo istaraatiiji u ah Ciidamada Dowlada Somalia kuwaasoo kala ah Wargaadhi iyo Nuur-Dugle waliba waxay aad u daneynayaan Wargaadhi oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Dowlada ee shaberelaha dhexe kadib qabasashadii Aadan Yabaal.

Maleeshiyaad badan oo ay meelo kala duwan ka soo urursheen ayay ku soo dhurayaan deegaanka Towfiiq oo ku dhaq Masaajid Cali Gaduud oo dhawaan ay ka qabsadeen ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Xooga dalka ee ku sugan Wargaadhi ay badan yihiin islamarkaana ku filan inay iska difaacaan Alshabaab hadiiba weerar ka yimaado walow inta badan taageerayaasha Dowladu ku taliyaaan in Alshabaab laga hor tagointii maalo ama deegaan kasta lagu sugo iyadoo la ogyahay inay weerar soo yihiin.

Magaalada Aadan-Yabaal inteysan qabsan Alshabaab warbaahinta iyo baraha bulshada waxaa lagu baahiyay in Alshabaab weerar ku soo soo yihiin magaaladaasi islamarkaana ay u diyaar garoobeen sidii ay u qabsan lahaayeen waana dhacday ugu dambeyn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

C/raxmaan Cirro “khatarta ugu weyn ee Somaliland caqabada ku ah waa qabyaalada “

Madaxweynaha Maamulka Waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa si kulul uga hadlay dhibaatada qabyaaladu ku heyso Maamulka Somaliland oo dhawaan uun loo doortay inuu hogaamiyo.

“Nasiib-darro, qabyaaladu maanta waa khatarta ugu weyn ee ay waajahayso dawlnimadeena casriga ahi”ayuu yiri C/raxmaan Ciiro.

Madaxweyne Ciiro wuxuu balan qaaday inuu ka shaqayn doonaa sidii loo xakamayn lahaa qabyaaladda.

“khatarta ugu weyn ee Somaliland caqabada ku ah xiligaan waa qabyaalada ” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland

Hadalka Madaxweynaha Somaililand ayaa ku soo aadaya xili uu dar dar ku wado inuu maleeshiya beeleedyada miyiga uu qarameeyo iyaga iyo xitaa hubkooda oo ay ku jiraan gaadiid dagaal tan iyo markii loo doortay hogaanka mamulka Somaliland.May be an image of one or more people

C/raxmaan Cirro wuxuu ku guuleystay inuu maamulkiisa ku soo biiro tikniko badan iyo maleeshiya beeleed boqolaal gaaraaya tan iyo markuu bilaabay mashruuca qaramaeynta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Shacabka Dagmooyinka Waaberi, Xamar-Jajab iyo C/casiis oo maanta u dareeray is diiwaan-galinta doorashooyinka qof iyo cod+SAWIRRO

May be an image of 8 people and textMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shacabka Dagmooyinka Waaberi,Xamar-Jajab  iyo C/casiis ee Gobolka Banaadir ayaa saaka u dareeray is diiwaan-galinta doorashooyinka qof iyo cod ee la rajeynayo in lagu soo dooro golaha deegaanka caasimada,gobolada ilaa madaxweyne Qaran.
Waxaa saaka la arkayaa shacaba Sedexda  Degmo oo safaf dheer dheer ugu jira qaadashada kaararka wax lagu dooran doono insha Allaah,waxaana labada degmo u hadlay masuuliyintooda kuwaasoo ka war bixiyay sida ay saaka shacabkoodu u qaadanayaan kaarar cod bixinta.
Gudoomiyaha degmada Waaberi ayaa warbaahinta u sheegay inay maanta bilaabeen diiwaangelinta doorashooyinka qofd iyo cod.
“sidaad aragtaan shacabka Waaberi yar iyo wayn waxay u soo baxeen is diiwaangelinta,waxaana rajeynayaa in Waaberi noqon doonto Degnmada ugu laandheersan ee is diiwaan gelisa”ayuu yiri Gudoomiyaha Waaberi
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Xamarjabab Ismaaciil Maxamed Xuseen ayaa wariyayaasha u sheegay in Shacabka degmadiisu ay xili hore isku diyaariyeen sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada C/casiis ayaa saxaafada u sheegay in goobihii ay u qorsheyeen in shacabku iska diiwaan geliyaan aad loo buux dhaafiyay ,isagoona carabka ku adkeeyay inay raneynayaan in rere C/casiis noqdaan kuwa ugu fiican ee is diiwaan geliya.
XAFIISKAWARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 8 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 12 people
May be an image of 4 people and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 2 people, newsroom and textMay be an image of 1 person, headscarf, glasses, dais and hospitalMay be an image of 4 people and newsroomMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 8 people and text that says "NIEB"May be an image of 5 people and textMay be an image of 6 people, people studying and text

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Hay’ad Caalami ah kala hadlay la dagaalanka Maalgelinta Argagixisada+SAWIRRO

May be an image of 6 people, people studying and suitXeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulayman Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Hay’adda GIST oo ka howl gasha Dalka Ingiriiska.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojinta lahaa la dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, iyo xog is dhaafsi ku saabsan tabaha ay isticmaalaan argagixisadu marka ay timaado ilaha dhaqaalaha.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka waxaa ka go’an ciribtirka dhammaan danbiyada Maaliyadeed iyo Maalgelinta argagixsada oo dhibaato xoogan ku haya ummadda Soomaaliyeed.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person

Wasiirka Maaliyadda oo Mareykanka uga qeybgalaya shir caalami ah+SAWIRRO

May be an image of 8 peopleWasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC oo lagu qabanayo shirka xiliga Gu’ga 𝐒𝐩𝐫𝐢𝐧𝐠𝐌𝐞𝐞𝐭𝐢𝐧𝐠𝐬𝟐𝟎𝟐𝟓 ee IMF iyo Bangiga Adduunka.
Wafdiga Wasiirka oo ka kooban xubno matalaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Bangiga Dhexe iyo Hey’adda Warbixinada Maaliyadda ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada hey’adood ee shirka qabanaya ka hor inta aysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay.
Kulamadaan horudhaca ah ayaa ujeedkoodu waxa uu daarranaa sidii Dowladda Soomaaliya ay miiska wada hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed ee ay hey’adaha Caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi iImaan Cige ayaa sheegay in kulamadii horudhaca ahaa ee uu la qaatay Wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka in ay si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo in uu khudbado ka jeediyo Wasiirka.May be an image of 4 people and textMay be an image of 7 people, people studying and textMay be an image of 8 people and text

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya oo Gaalkacyo ka furmay+SAWIRRO

May be an image of 14 people, dais and textGuddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga ah.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad bani’aadannimo oo adag iyo dhibaatooyin is biirsaday, sida; roob yaridii Deyrta, is-raaca Guga oo aan rajo badan laga qabin iyo halista sii kordheysa La Nina goobaha qaar, taas oo si weyn u saameysay nolosha malaayiin qof. Wuxuu si gaar ah u xusay in dhibaatada ay uga sii darayaan xaaladaha barakaca, amni darrada, iyo yaraanta maalgelinta gargaarka.
Shirkaan waxaa ka qeybgalayo, Guddoomiyaha Hay’adda NIRA, Wasiirada Wasaaraha Gargaarka dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, Wasiiro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka Mudug, hay’addaha deeqaha bixiya, kuwa ka shaqeeya arrimaha Banii’aadanimada , iyo marti sharaf kale duwan.May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of ‎12 people, dais and ‎text that says "‎SOMALIDISASTE DISASTE TAGENCY 5eDMA) FEDERAL EPUBLIC SOMALIA GALMUDUG STATE FSOMALIA SCANT ب MADASHA ARR MAHA BANI'AADANIMAD DA S0OMAALIYA COUNTRY MANITARIANFORUM( F) SOMALIA Humamila Besdente Addre arsmemt Theme Naaua κι roughts mлHи c 8 ለፍንክ แน NOES‎"‎‎May be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people, dais and text that says "oF SOMALIA SOOMAALIYA F) SOMALIA Droghes 특별"May be an image of ‎9 people, dais and ‎text that says "‎CAIMUDUG STATE GALMUDUG STATE GALMUDUG UDUS STATE MOHADM HIRSHABELLE MICHADM SOUTHEST MeHbиo NOMADA فرء ΚΗΑTΛΣΝΜΟ MADASHA ARRIMAHA BANI'AADANIMADDA SOOMAALIYA COUNTRY HUMANITARIAN FORUM (CHF) SOMALIA Theme D Strengthering Humanitarian Rmilienor Addrewing Displacemant, and Emergency Response Somalis 当 Z2APRL 2025 O MUDUOPLAL MOOHИ GALMUDUS NLEUN MUDUS GALKACYO_GALMLCU GALK STATE SOMALIA‎"‎‎May be an image of 5 peopleMay be an image of 8 people, dais and text that says "noHKa IOM UNICEF WFP ভ UNOCHA ECHO MADASHA ARRIMAHA BANI'AADANIMADDA SOOMAALIYA COUNTRY HUMANITARIANF FORUM (CHF) SOMALIA Theme Strengthering Humanitarias Rmilence Addrewing Droughts. Displacemant, and Emergency Response Somalia 白 2025 Z2APRL O MUDUGPLA GALKACOS MJDJOFLAZAMUTEL, DUOFLAZANG GALKACYOGALMLDU ห GALKA GALMUDUS GALMU ALAHG LULEUS STATE SOMALIA MALIA"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people, beard, eyewear and suitMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people, dais and text that says "FEDERAL REPUR EPUBLCCO OF - 1Agg MADASH COUN MADASHA ARRIMAHA BANFAADANIMADDA SOOMAALIYA COURITRY HUMANITARIAN FORUM (OHF) SOMALIA ARRIMAHA BANI'AADAN RY HUMANITARIAN FOR nuKaepH Ma Λ KOICA me - Strengthening Humanitarian Resilien isolacement, and Emergen spc G/HC/RC ddr S 版 SoDMA H YONER NU 1U AL MoHADM GALMUDUG 이는면이"May be an image of 2 people, dais and text that says "Strengthening ng bent. SoDMA HONER Mol"May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, glasses and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, people studying, dais and text that says "p,"May be an image of 3 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 people and text that says "NORWA"May be an image of 11 people, dais and text that says "SOMALI SOMALIDISASTER AGENCY 15oDMA FEDERAL REPUBLKC SOMMUIA лOЛRHи AHEMACBA AлA GALMUDUGSTAT STATE SOMALIA I- MADASHA ARR MAHA BANI'AADANIMAD DA SOOMAALIYA COUNTRY MANITARIANFORUM( F) SOMALIA MANITARIAN Theme umanila and Remiihe ΚЛ eslience Addre in5c Toughts, 05ม APAMAK PAAAA NHO GRLS TY"

Caasha Iikow: Gabadhii quruxda looga guuleystay oo BBC-da la hadashay

XIGASHO BBC SOMALI
Somalia

Kundai Benhura oo kasoo jeedda dalka Zimbabwe ayaa loo caleema-saaray Miss Africa, tartanka quruxda Afrika oo sanad walba la qabto.

Waxay ka guuleysatay haween bada oo ka socday dalalka Soomaaliya, Rwanda, Mali, Namibia, Mozambique, Nigeria iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Xafladda caleema-saarka ayaa habeenkii Aaxaddii lagu qabtay dalka Nigeria.

Gabadhan Zimbabwe ka socotay ayaa fiinaalka lasoo gaartay afar gabdhood oo kale.Caasha Cusmaan Iikow oo ka socotay Soomaaliya ayaa ka mid ahayd lixda gabdhood ee tartanka kusoo haray. Caasha ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku guuleysatay tartanka quruxda Soomaaliya.

Hablaha u tartamayay quruxda Afrika ayaa lagu xushay iyadoo la eegayo dhinacyo badan. Waxaa la qiimeynayay quruxda jirkooda, garaadkooda, tayadooda hoggaanka iyo sida ay uga go’an tahay shaqada bulshada.

Caasha Iikow oo markii ugu horreysay u tartantay quruxda Afrika iyadoo ka socota Soomaaliya oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay inaysan quusaneyn oo ay marar kale tartami doonto.

“Wuxuu ahaa safar dheer wuuna soo dhammaaday waana ku faraxsanahay inaan dalkeyga matalo oo aan masraxa soo koro,” ayay tiri.

Waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in Soomaaliya aan laga waayin masraxa. “Waxan waa tartan. Qof wuu ka oysiiyaa qofna wuu ka farxiyaa!” ayay tiri.

Waxay xustay in ka sokow tartanka ay ka faa’iidday khibrado badan. “Guu-darrada inay guul ka dambeyso ayaan ogaaday. Gabadha koobka qaadday ilaa lix jeer ayay guul-darreysatay, anigana ma quusanayo”, ayay intaa raacisay.

Open photo

Caasha ayaa kula talisay hablaha Soomaaliyeed inaysan dhayalsan tartankan oo ay u arkaan wax weyn oo ay tahay inay isku dayaan.

Waxay dhanka kale u mahad-celisay qabanqaabiyeyaasha tartanka quruxda Soomaaliya oo ay sheegtay in fursaddan ay siiyeen.

Tartanka quruxda Soomaaliya ayaa waxaa qabta The Miss Somalia, oo la aasaasay sanadkii 2021 kii.

Caa’isha oo ahayd ardayad dhigata jaamacad, farshaxaniiste marisa make-up ka ayaa sanadkii hore matalaysay dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Tartamayaasha kale ayaa iyana waxa ay ka kala yimaadeen dawladda goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

Waa tuma Caasha Iikow?Caasha Iikow

Caasha Cusmaan Iikow, oo ah 25 jir waxay ku dhalatay kuna barbaartay dalka Sacuudiga. Waa farshaxaniiste isla markaana marisa make-up-ka.

Dalka Soomaaliya ayay kusoo laabatay si ay u dhameysato waxbarashadeeda dugsiga sare.

Sanadkii 2022, ayay Caasha bilowday barashada cilmiga sharciga, iyadoo weli ah ardayad.

Inkastoo ay han sare u heyso sharciga, haddana Caasha waxay sidoo kale ka heshaa quruxda, waxayna jeceshahay inay tusaale u noqoto hablaha xijaaban, oo ay sheegtay inay ka dhabeyn karaan hammigooda.

Caasha sidoo kale waa khabiir dhanka make up-ka oo xilliga ay firqaada hesho ay ku shaqeyso.

Waa tuma Kundai Benhura?

Kundai Benhura waxay kasoo jeeddaa dalka Zimbabwe iyadoo dalkeeda ku mataleysay tartanka quruxda Afrika ee sanadkan 2025.

Waa 25 jir xirfado badan leh. Waxay shahaadada koowaad ee jaamacadda ka heysataa cilmiga teknolojiyadda, waxayna khibrad u leedahay dhisidda website-yada, suuq-geynta, iyo caawinaadda dhanka farsamada.

Haatan, waa maamule dhanka baraha bulshada ah, iyadoo shirkado badan ka caawisa kordhinta dadka ku xiran adeegyadooda.

Waxay aaminsan tahay in ganacsiyada Afrika ay ka faa’iideystaan adeegsiga baraha bulshada si loo dhiirri-geliyo fakradaha Afrikaanka.

Marka xirfaddeeda laga soo tago, Kundai waxay xayeysiisaa dharka, waana ganacsato.

Kundai Benhura waxaa taajka quruxda Afrika ku wareejisay Precious Okoye oo kasoo jeedda Nigeria, oo taajka sidday tan iyo sanadkii 2022.

Dadka u tartama quruxda Afrika ayaa laga doonayaa inaysan da’dooda ka yaraan 18 kana weynaan 25.

XIGASHO BBC SOMALI

Taageerayaasha Liverpool oo billaabay qorshe Alexander Arnold uu ku sii joogayo kooxda ka dhisan Anfield

XIGASHO LAACIB.NET

Taageerayaasha Liverpool ayaa isku abaabulaya si ay Trent Alexander-Arnold ugu qanciyaan inuu sii joogo kooxda, xilli wararka la xiriirinaya Real Madrid ay sii kordhayaan.

Taageerayaashu waxay qorsheeyeen inay keenaan boorar iyo calaamado farriimo u sida ciyaaryahanka, kulanka xiga ee ay Liverpool gurigeeda ku ciyaarayso, si ay muujin ugu sameeyaan kalgacalka ay u qabaan.

Ol’olahan ayaa billowday kaddib goolkii quruxda badnaa ee Alexander-Arnold uu ka dhaliyay Leicester City kulankii ay 1-0 ku badiyeen. Dabbaaldeggiisa dareenka lahaa iyo sawirro uu ku daabacay bartiisa Instagram oo ciwaan uga dhigay “Xilliyo Gaar ah” — isla ciwaankii uu Van Dijk u adeegsaday markii uu heshiis cusub saxiixay — ayaa rajo cusub geliyay taageerayaasha.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa barta X ka yiri: “Waa ciyaaryahan jiilkagan gaar ah. kuma lumin karno si bilaash.” Mid kale ayaa si toos ah u yiri: “Trent waa inuu sii joogaa kooxda”

Taageerayaashu waxay rajeynayaan in fariimahan ay Anfield ku buuxin doonaan ay saameyn ku yeelan doonto go’aanka xiddiga, maadaama weli aysan wax heshiis ah kala saxiixan Liverpool.

Tababaraha kooxda, Arne Slot, ayaa sidoo kale bogaadiyay taageerada joogtada ah ee jamaahiirta, isagoo yiri: “Taageerayaashayadu waxay mar walba ahaayeen kuwa na garab taagan.”

Iyadoo Liverpool ay wali ku jirto loolanka hanashada horyaalka Premier League, isku duubnida u dhexeysa ciyaartoyda iyo taageerayaasha ayaa noqotay hubka ugu weyn ee kooxda. Kulanka soo socda ayaa noqon doona mid muhiim ah, ha ahaado dhinaca horyaalka ama mustaqbalka Alexander-Arnold.

 

Messi oo iska indha-tiray Ronaldo isagoo magacaabay shan xiddig oo carruurta hadda ay ku daydaan

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga siddeeda jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa labaatan sano ku dhowaad ahaa kan ugu sareeya kubadda cagta, isagoo barbar socda xafiiltan toos ah oo kaga imanayay Ronaldo.

Si kastaba, iyadoo labada xiddigba ay hadda dhamaadka xirfadooda ku sii dhow yihiin, jiil cusub oo xiddigo ah ayaa soo baxay.

Markii la weydiiyay magacyada ciyaartoyda ay carruurtu hadda ku daydaan, Messi wuxuu si cad uga reebay liiska isaga iyo Ronaldo, isagoo xusay Robert Lewandowski oo ay xafiiltan ahaayeen, iyo afar xiddig oo dhalinyaro ah oo ka mid ah kuwa ugu ifaya Yurub.

Messi ayaa u sheegay Simplemente Fútbol:

“Carruurtu waxay daawadaan wax kasta oo ay ciyaartoydu sameeyaan, way garanayaan dhammaan xiddigaha, waxayna raacaan dhammaan. Ciyaartoyda ay ka sheekeeyaan waa Mbappe, Vini Junior, Haaland, Lewandowski iyo Lamine Yamal.”

Messi wuxuu si gaar ah u ammaanay Lamine Yamal, xiddig kale oo kasoo baxay La Masia, kaas oo Spain ku hoggaamiyay guushii Euro 2024, islamarkaana hadda hogaaminaya Barcelona xilli ay u muuqato inay hanan karaan seddaxley koobab ah – isagoo weliba jira kaliya 17 sano.

Messi wuxuu yiri:

 

 

“Waa wax layaab leh waxa uu Lamine Yamal sameynayo iyo waxa uu horeyba u gaadhay.

Wuxuu horey  horyaal Yurub ah kula guuleystay Spain. Wuxuu jiraa kaliya 17, welina wuxuu ku jiraa marxalad koritaan, wuxuuna sii wadi doonaa horumar iyo wax ku biirin, sida aan aniguba sameeyay.

Wuxuu leeyahay tayo cajiib ah, wuxuuna horeyba uga mid yahay ciyaartoyda ugu fiican dunida.”Messi Oo Iska Indha-tiray Ronaldo Isagoo Magacaabay Shan Xiddig Oo Carruurta Hadda Ay Ku Daydaan

Alshabaab oo lagu weeraray duleedka Aadan Yabaal

Sida warbaahinta dowlada lagu shaaciyay Ciidamada deegaanka Mabaax, oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa galabta Maqribkii weerar qorsheysan ku qaaday koox Khawaarij ah oo isku uruursatay aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkaasi waxaa ka dhashay dagaal culus oo khasaare weyn lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay dileen tiro badan oo Khawaarij ah, howlgalkaasna uu u dhacay sidii loo qorsheeyay. Sidoo kale, waxay sheegeen inay ku guuleysteen ka hortagga dhagartii cadowgu halkaas ka maleegayay.

Waxaa haatan socota qiimeyn ku saabsan khasaaraha lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo saraakiishu noo sheegeen in meydad badan ay yaallaan goobta dagaalka oo ku taalla inta u dhexeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal.
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS