=XIGASHO BBC SOMALI=
Booliska Australia ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool magaalda Melbourne oo ay sheegeen in uu middi ku hubaysnaa. Arrintaan waxaa aad uga carooday Soomaali iyo Afrikaan kale oo ka banaanbaxay dilkaas.
Ninka Soomaaliga ah ee ay booliska toogteen ayaa waxaa la yiraahdaa Cabdifataax Axmed, waxaana la sheegay inuu la tacaalayay xanuunka dhanka maskasxda ah.
Dadka bannaanbaxa dhigayay waxaa ka mid ah Fartuun Axmed oo ku sugan magaalada Melbourne ka tirsan ururrada Jaaliyadda ee ka dhisan dalkaas. Waxay BBC-da u sheegtay in sababta ay u bannaanbaxeen ay tahay inay ka dhiidhiyaan dhibaatadii iyo dilkii loo geystay Cabdifataax.
“Waxaan halkaan isugu soo baxnay anagoo ah Jaaliyadaha Soomaalida ee Victoria iyo kuwa Afrikaanka ahba inaan inaan ka hadalno oo aan ka mudaaharaadno dhibaatadii iyo dilkii foosha xumaa ee loo geystay walaalkeen Cabdifataax Axmed taas oo dhammaanteen argagax iyo shoog nagu riday” ayay tiri Fartuun Axmed.
Waxay intaas ku dartay in falkaasi aysan marnaba ka filayn booliiskii ay doonayeen inay nabad-gelyadooda ilaaliyaan.
Waxaan farriin dheer u direynaa dowladda Australia iyo gaar ahaan dowladda Victoria inay arrintaas tallaabo ka qaadaan oo ay arrintaas sida ay ku dhacday oo cadeynteeda leh nala wadaagaan haddii aanu nahay jaaliyadaha ka dhisan Victoria.
Dhanka kale waxaa BBC-da la hadashay Ubax Xaanshi oo dukaan ku leh meel aan ka fogeyn goobta lagu toogtay Cabdifataax, kana mid ahayd dadkii soo qaban-qaabiyay mudaahaaradka.
“Waxaan degganahay meesha lagu dilay agteeda oo aan dukaan ku haystaa, marka arrinta aniga aad bay ii taabatay sabtaas ayaana igu kalliftay inaan kaco oo aan Soomaalida abaabulo oo aan muddaaharaadno, oo aan xaqa wiilkaan walaalkeen ah iyo xaqeenaba ka soo dhacsano, marka umadda Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay midoobaan oo dad inay yihiin la arko iyo inaan dhisano jaaliyad adag oo keliya shaqeysa daneheena xitaa haddii aysan dowladda dhaqaale siinin anaga aan iska aruurino dhaqaale la siiyo si carruurteena iyo nafsadeenuba u badbaaddo”, ayay tiri Ubax.
Booliska Victoria ayaa weli wada baaritaanno la xiriira dilka toogashada ay u geysteen ninkan Soomaaliga ah ee 35 jirka ah oo ay sheegeen inuu ku hubeysnaa torreey. Cabdifataax ayaa waxaa la dilay habeenimadii Khamiistii la soo dhaafay.
Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheegay in la soo wacay oo markii ay goobta soo gaareenna ay arkeen ninkan oo toorrey ku hubeysan kuna amreen inuu dhigo toorreyda.
Sarkaalka booliska ayaa sheegay in labada askari ay rasaasta wada fureen maadaama sida ay la sheegay aysan wadan aaladaha kale sida sunta ka ilmeysiisa iyo korontada qofka gariirisa, waana sababta Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba ka careeysiisay oo dibadbaxaan boqollaalka qof ka soo qeyb-gashay loogu qabtay halka lagu dilay Cabdifataax Axmed.
Meydka Cabdifataax weli lama aasin, waxaana haya booliska, baaritaano ayayna wadaan iyadoona la filayo in toddobaadkaan dhexdiisa ay war ka soo saaraan dilkiisa isla markaana ay fasaxaan si loo aaso.
Dhanka kale BBC-da ayaa la hadashay Dr Aweys Cumar oo ka hawlgala mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada uu ka soo guuray wiilka la dilay ee galbeedka Australia, waxaana la weydiiyay waxa ka suuroobi kara dadka qaba xanuunada dhimirka ee maskada.
“Jawaabta waxay tahay wax-walba ayaa ka suurtoobi-kara, caruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan aniga gacanta ku hayo ama aan daweeyo waxay qabaan xanuuno dhanka dhimirka ah, qaarkood waxay isticmaalaan daroogo. Waa ay ahayd in booliska aysan dilin oo ay ku furaan sida waxyaabaha korontada oo kale ah”.
Waxa uu Dr Aweys sheegay in Soomaali badan ay qabaan xanuunnada dhanka dhimirka ah loona baahan yahay in isha lagu hayo.
=XIGASHO BBC SOMALI=