Home Blog Page 22

Alshabaab oo dad shacaba ku leysay Magaalada Aadan Yabaal

AADAN-YABAAL (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab oo sedex maalin ka hor qabsadeen Magaalada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa la soo sheegayaa inay dad shacaba ku laayeen halkaasi saacadihii ugu dambeeyay.

Wararka saaka ka soo baxaya Magaalada Aadan Yabal ayaa sheegaya in ilaa 6 ruux oo shacaba ay toogteen kuwaasoo 4 ka mida ay dumar yihiin lamana yaqaan ujeedka rasmiga ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xitaa ay diideen in la aaso meydadka qaar walow alshabaab aysan ka hadlin wali wararkaani sheegaya inay dad shacaba laayeen.

Dadka la dilay qaarkood waxaa la sheegay inay ahaayeen ganacsato sida maqaayadaha magaaladaasi lahaa,warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in alshabaab dadkaan ku heystaan la macaamilkoodii ciidamada Dowlada.

Laba sano ka hor ayay ahayd markii alshabaab laga saaray magaaladaani balse laba sano oo Dowladu maamuleysay hada ayay dagaal kula wareegeen markii ay is fara saareen ciidamada Dowlada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

Qoys ka kooban 10 qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday guri Khan Younis saaka aroortii ka dib markii ilo-wareedyo caafimaad ay sheegeen in ugu yaraan 34 qof lagu dilay duqaymaha Israa’iil ee guud ahaan Gaza maanta.

Warbaahinta ku hadasha afka Xuutiyiinta ayaa ku warameysa in duqeymaha Mareykanka uu ka geystay dekedda Ras Isa ee gobolka Xudeyda ee dalka Yemen ay ku dhinteen ugu yaraan 58 qof ayna ku dhaawacmeen 126 kale.

Koox ka kooban 12 hay’adood oo gargaar ah ayaa sheegay in Gaza ay tahay “mid ka mid ah guuldarrooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun ee jiilkeena”.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 51,065 Falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 116,505 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor.

Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Jimco, 18-ka April, 2025
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo lagu qabtey Muqdisho.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidamada Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay xuska 65 guurada aas-aaskooda.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Antalya kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayyib Erdogan.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo ay yeelaneyso Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku soo laabtey Muqdisho, kadib booqasho taariikhi ah oo uu ku tegay magaalada Laas Caanood.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatumo, kalana hadley xoojinta nabadda iyo midnimada dalka.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laas Caanood dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo muhiim u ah horumarka degaannada SSC-Khaatumo.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Xarunta NIRA ee Laas Caanood.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo dadweynaha SSC-khaatumo ugu sameeyeen magaalada Laas Caanood.
10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag.
11- Xukuumadda Federaalka oo war-murtiyeed ka soo saartay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee SSC-Khaatumo oo ay ku jirto aqoonsiga maamulka iyo sii deynta ilaa iyo 25 maxaabiis dagaal oo ka soo jeeda degaannada Somaliland.
12- Golaha Wasiirada oo shirkooda toddobaadlaha ah lagu soo bandhigay warbixinta safarka Nabadda iyo Midnimada ee Laascaanood .
13- Ra”iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sannadguuradoodii 65-aad tan iyo markii la aasaasey.
14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la qaatay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda UNOPS, Mudane Jorge Moreira da Silva.
15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo daahfuray Shirweynaha Xaquuqul Insaanka.
16- Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankiisa toddobaadlaha ayaa isla meel dhigay ajandayaasha horutabinta u leh kulamada golaha ee soo aadan.
17- Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soodimaha oo daah furay diiwaan galinta codbixiyayaasha dooorashooyinka caasimada dalka ee Muqdisho.
18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ka qeyb-galay Daah-furka Ollolaha Qaran ee Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha.
19- Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen Odawaa Yuusuf Raage oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo qoysaskooda munaasabadda sannad guurada 65aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
20- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Jabriil Cabdirashiid oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda 65-Guurada aasaaskooda awgeed.
21- Taliska Mareykanka ee Afrika oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn ku burbiriyay laba doomood oo hub u siday Khawaarijta Al Shabaab iyo maleeshiyadii saarneyd doomaahaasi.
22- Hawlgal ay iska kaashaadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfuur Galbeed Soomaaliya oo lagu dilay In ka badan 35 Xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
23- Madaxweynaha Maamulka Koonfuur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa dhiiri-gelin ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan furimaha dagaalka ee jabka culus gaarsiiyay Khawaarijta.
24- Ilaa iyo 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab oo lagu dilay hawlgal duqeyn ah oo Ciidamada Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
25- Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen oo dhiirageliyay daljireyaal nolosha ku soo qabtay Khawaarij.
26- Wafdiga ka socda Dowladda Masar oo uu hoggaaminayo Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar ayaa Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya ku wareejiyay agab ciidan oo Masar ugu deeqday Soomaaliya.
27- Boqolaal shacabka magaalada Baydhabo ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, kuwaas oo ku faraxsan jabka Khawaarijta loogu geystay hawlgalkii duleedka magaaladaasi ay ka fuliyeen ciidanka.
28- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa horumarinta hoteelada Soomaaliya.
29- Culimada Gobolka Hiiraan oo gurmad gaarsiiyay Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka
30- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee magaalada Laas Caanood.
31- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo shir la qaatay xubno sare oo ka socday Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo socdaal rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.
32- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya.
33- Maraykanka oo cunoqabatayn saaray 15 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab.
34- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar oo kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo.
35- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Starlink guddoonsiisay rukhsadda adeegga internetka Soomaaliya.
36- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay xuska Maalinta Farshaxanka Adduunka.
37- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar.
38- Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray deegaanka Sumadaale, si loo dardargeliyo dagaalka Khawaarijta.
39- Danjiraha Soomaaliya ee Ethiopia oo Addis Ababa uga qaybgalay shir guddiga fulinta iyo wasiirada Arrimaha Dibada Midowga Afrika.
========DHAMMAAD=========

Muxu yahay shirka heerka carbeed uu shir-gudoomiyaya Wasiir Biixi+SAWIRRO

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir-gudoomiyay kulanka gabagabaynta shirarka wafdi heer sare ah oo ka socday Bangiga Horumarinta Islaamka, kuwaas oo la tashiyo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda, iyadoo si gaar ah looga arrinsaday arrimaha mudnaanta u leh Dowladda Soomaaliya oo kow ay u tahay dib-u-howlgelinta taariikhiga ah ee xiriirka tooska ah ee Bangigu la yeelanayo Dowladda kadib gaaridii heshiiska Deyn Cafinta.

Shirka oo socday muddo Shan maalmood ah ayaa waxaa intiisa badan lagu gorfeeyay xiriirka wada shaqeyneed ee Bangiga iyo Soomaaliya, qorsheyaasha Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso si loo maalgaliyo, qaabeynta heshiiska wada-shaqeynta Bangiga Horumarinta Islaamka saddexda sano ee soo socota iyo in la horumariyo Qorshaha Isbaddalka Qaranka (NTP) oo ah ka mid ah meelaha mudnaanta gaarka ah u leh Dowaldda Soomaaliya.

Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waa mid ka mid ah saaxibada qiimaha gaarka ah ugu fadhiya Dowladda Soomaaliya oo hada xoojinaysa xiriirka Bangiga, si loo helo Mustaqbal u wanaagsan bulshada Soomaaliyeed oo ku dhisan horumarin, casriyayn iyo maalgalinta kaabayaadha dhaqaalaha dalka.May be an image of 2 people, people studying and textMay be an image of 9 people, people studying and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 10 people, people studying and tableMay be an image of ‎11 people, dais and ‎text that says "‎וצאצה IsDB النلمية IsiamicUevelopmentBank nolles Islamico leselopment Bank THE FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA COUNTRY ENGAGEMENT FRAMEWORK IsDB GROUP COUNTRY DIALOGUE MISSION 17 APRIL GADIS‎"‎‎

Maamulka Somaliland oo shuruud ku xirey inay sii daayaan maxaabiista ay ka hayaan SSC Khaatumo

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Kadib markii dhawaan Maamulka SSC Khaatumo ay Dowlada Somalia ku wareejiyeen 25 maxaabiis reer Somalilland ah ayaa waxaa soo baxaya in Maamulka Somaliland aanu dooneyn inay Dowlada faderaalka Somala kala xaajoodaan arimaha maxaabiis is dhaafsiga iyo waliba shuruudo ay ku xireen sii deynta maxaabiista u xiran

Wasiirka Caddaaladda Maamulka Somaliland Yoonis Axmed Yoonis ayaa BBC-da u sheegay in maxaabiista ay dhankooda hayaan ay siideyn doonaan marka ay isku afgartaan dadkii ay tahay inay kala hadlaan.

Sidoo kale Maamulka Somaliland wuxuu ku gacan sayray inuu Dowlada Somalia kala xaajoodo maxaabiis is dhaafsiga iyagoona shaaciyay inay arimaha maxaabiista kaliya kala hadli donaan Hay’ada ICRC .

“siideynta maxabiista aan ku qabanay dagaalkii Laascaanood mar walba waxaan raaci doonaan hab-raacyo ,horana qaar ayaa u sii deynay”ayuu yiri Wasiirka   cadaalada oo sidoo kale xusay in maxaabiista hada la soo daayay qaarkood aysan askar ahayn balse ay ahaayeen shacab xoolo dhaqato ah laga afduubtay bariga Gobolka Sool sida ay warka u dhigeen.

Dhanka kale wasiirka u hadlay maamulka Somaliland wuxuu ugu baaqay Dowlada Faderaalka Soomaaliya inay maxaabiista reer Somaliland ku wareejiyaan Hay’ada ICRC iyaguna ay halkaasi ka doonan doonaan.

Baaqaan ah in Dowladu ICRC ku wareejiso ayay reer Somaliland ula jeeddaan diidmadooda ah inaysan Dowlada Somalia kala xaajoon arimaha maxaabiista sida ay doraad ku cadeeyeen shirkii Golaha wasiirada uu shir gudoominayay C/raxmaan Cirro.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Qodobada laga soo saaray shirkii Beesha Hawiye ay kaga hadlayeen la dagaalanka Alshabaab

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shir sedex maalin socday ayaa Magaalada Muqdisho ugu soo dhamaaday Odayaaasha dhaqanka Hawiye kuwaasoo ka halayay arimo ku saabsan la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Beelaha Hawiye ayaa falanqeeyay sidii ay ugu midoobi lahaayeen dagaalka islamarkaana deegaanada reerka oo dhan looga saari lahaa Alshabaab.

Haddaba halkaan ka daawo qodobadii shalay shirkaasi ka soo baxay:-

Garsoore Cumar Cartan oo Sabtida  dhex dhexaadin doona kulan ka tirsan wareegga afar dhammaadka CAF Champions League.

=XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA DAYNIILE.COM=
True Cable Sports-News - Garsoore Cumar Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona kulan ka tirsan is reeb reebka koobka aduunka kaas oo dhexmari doona xulalka kala ah Togo Vs Namibia. | Facebook
Garsooraha Soomaaliyeed ee  heer caalami Cumar Cartan ayaa sabtida maalin kadib wuxuu dhex dhexaadin doonaa kulan ka tirsan wareegga afar dhammaadka CAF Champions League.
Kulankaan oo u dhexeeya labada kooxood ee ka kala dhisan Dalalka Masar iyo Koofur-Afrika ayaa ka ah lugta kowaad ee wareegga afar dhammaadka CAF Champions League.
Kulankaani oo u dhexeeya kooxda Mamelodi Sundowns ee South Africa iyo kooxda Masar ka dhisan ee Al Ahly waxaa la sheegayaa inuu yahay aad u adag  kaasoo ka dhici doona 19-ka Abriil 2025 magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in ciyaartaan adag lugteeda labaad marti loo yahay kooxda Dalka Masar ka dhisan madaama kulanka sabtidaan marti loo yahay kooxda ka dhisan Dalka Koofur-Afrika.
kulanka Magaalada Qaahira  wuxuu dhici doonaa Jimcaha, 25-ka Abriil 2025 hadii alle idmo.
Maaha kulankii ugu horeeyay oo afar dhamaadka CAF Champions League ka tirsan oo uu dhex-dehxaadiyo  Garsoore Cumar Cartan balse waxay u tahay kulankiisii labaad oo uu dhex dhexaadiyo.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM 

Taageerayaasha Liverpool oo ka carooday go’aanka Alexander-Arnold

=XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA DAYNIILE.COM=

Liverpool boost as 'millions' Real Madrid, Alexander-Arnold 'offer ready'  for early exit with new arrival dateTaageerayaasha Liverpool ayaa aad uga carooday go’aanka daafacooda 25- jirka ah ee dhanka Midig Alexander-Arnold kadib markii uu saacadihii ugu dambeysay go’aansaday inuu Real-madrid aadayo xili ciyaaraeedka danbe.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Alexander-Arnold uu aqbalay  heshiis uu ugu wareegayo kooxda reer Spain marka uu dhammaado qandaraaskiisa Liverpool oo sanadkaan kala barkiisa ku eg.

Ciyaaryahankaan ayaa maalmihii ugu dambeysay arintisia waxay qabsatay warbaahinta sportiga iyo baraha bulshada xili la hadal hayay inuu ka fekereyo inuu kooxda ka tagayo xili ciyaareedkaan madaama qandaraaskiisa uu dhamaad yahay.

Ugu dambeyn ciyaaryahankaan waxaa hada la sheegay inuu heshiis horudhac ah la gaaray real-madrid inkastoo rasmi ahayn balse uu si shaqsi ah ula galay islamarkaana uu go’aankiisa ugu dambeeya u qaatay inuu ka tago kooxdii uu ku soo dhex bar-aaray ee Liverpool.

Taageerayaasha Liverpool oo ogaaday go’aankiisa ugu dambeeya ayaa aad uga carooday waxayna durba ku baaqeen in keyd la geliyo inta ka dhiman xili ciyaareedkaan oo ah inta uga harsan heshiiska uu kula joogo kooxda.

XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM

Real Madrid oo ceyrineysa lix ciyaariyahan

XIGASHO LAACIB.NET

Real Madrid ayaa qorsheyneysa isbeddel weyn xilli ciyaareedka 2025 kadib markii la xaqiijiyay in illaa lix ciyaaryahan ay ka tagi doonaan kooxda, sida uu weriyay Radio MARCA.

Luka Modrić iyo Lucas Vázquez ayaa lagu wadaa in si sharaf leh loo macsalaameeyo. Modrić, oo 39 jir ah, ayaa la sheegayaa inuu xiiseynayo ku biirista kooxaha Qatar, halka Vázquez uu isna u muuqdo mid aan heshiis cusub heli doonin.

Sidoo kale difaacyada Ferland Mendy iyo David Alaba ayaa lagu daray liiska la filayo in la fasaxo, maadaama dhaawacyo isdaba-joog ah ay hoos u dhigeen waxqabadkooda.

Weeraryahanka Rodrygo Goes, oo xiiso ka helaya Premier League, ayaa noqon kara mid la iibiyo si loo furo boos cusub oo weerarka ah. Arda Güler isna waxaa laga yaabaa in la amaahiyo ama la iibiyo si uu waqti ciyaareed u helo.

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah qorshaha Real Madrid ee lagu yareynayo da’da kooxda, laguna dhisayo jiil cusub. Waxaa la filayaa in xagaagan lagu arko saxiixyo cusub iyo wajiyaal cusub oo beddelaya kuwa la macsalaamayo.

Kooxdu waxay dooneysaa in ay sii ahaato mid tartan adag la gasha kooxaha waaweyn ee Yurub.

Real Madrid Oo Ceyrineysa Lix Ciyaariyahan

- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS