Home Blog Page 19

Trump oo ku eedeeyay Sedex Madaxweyne masuuliyada malaayiinta ruux ee ku dhintay dagaalka Ukraine

As Ukraine's Zelenskyy Visits US, Russia Warns War May Get Worse – NBC4  WashingtonWASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sedex Madaxweyne oo caalamka ka mida ku eedeeyay inay masuul ka yihiin malaayiinta dad ee lagu laayay dagaalka Ukraine.
Trump wuxuu ku kala sheegay sedexdaan masuul Madaxweynihii isaga kaga horeeyay Mareykanka Biden ,Madaxweynaha Ruushka Putin iyo Madaxweynaha Ukraine  Zelensk.
Sababta malaayiintaasi dadka ah u dhinteen ayuu ku sheegay  talaabooyin iyo amaro qaldan oo ay qaadeen Saddex hogaamiye.
Trump wuxuu danbiilaha koowaad u aqoonsaday Madaxweynaha Ruushka Putin halka danbiilaha labaad uu yahay Biden sidoo kalana sedexaad wuxuu ka dhigay Zelensky.
Warka Trumo ayaa ku soo aadaya xili dhawaan uu Trump bilaabay inuu Ruushka kala hadlo joojinta dagaalka Ukraine taasoo wali socota waliba wax heshiis rasmi ah aan laga gaarin xili duqeymaha ruushku wali sii socdaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dowlada maanta qabatay xuska Maalinta Farshaxanka Adduunka+SAWIRRO

May be artMuqdisho, 15 April 2025: Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay xuska Maalinta Farshaxanka Adduunka.
Xuskaan ayaa ah sanadkii labaad oo ay wasaaraddu qabanayso, taas oo muhiimad gaar ah u leh dhiirrigelinta farshaxanka, dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo horumarinta fursadaha shaqo iyo hal abuur ee dhalinyarada.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmibaarista, Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale, Agaasimeyaal ka tirsan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, iyo Wakiillo ka socday shirkadaha maxalliga ah ee ka shaqeeya farshaxanka dalka.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay sawirro iyo farshaxanno gacmeed ay sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyarada hal abuurka u leh farshaxanka, taas oo dareen gaar ah ku reebtay dadkii ka soo qeybgalay.
Maslax Cabidaahir, oo matalayey mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya farshaxanka, ayaa tilmaamay doorka ay shirkaduhu ka ciyaaraan kobcinta farshaxanka dalka iyo taageerada ay siiyaan dhalinyarada hal-abuurka leh.
Aadan Cabdiqani Cawaale, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ku muujiyey muhiimadda ay leedahay xuska maalinta farshaxanka iyo sida ay wasaaraddu uga go’an tahay horumarinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka hadlay qiimaha farshaxanku uu u leeyahay bulshadeena iyo muhiimadda ay leedahay in la helo barnaamijyo rasmi ah oo lagu horumarinaayo fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Wuxuu xusay in wasaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada ay ku dhiirrigelinayso hal-abuurka Soomaaliyeed, si loo helo farshaxan casri ah oo la jaan qaadaya dunida.May be an illustration of 1 person and text that says "FEDERAL FEDERALREPUBLICOFSOMALI REPUBLICO MinistryofInformation,Calture&Tu ofInformation Ministry XUSKA MAALINTACALAMIGAAHEE FARSHAXANKADDUNKA15APRIL APRIL oo AYSOO FARSHAXANKA ADDUUNKA' QABAN-QAABISAY WAAXDA DHAQANKA & CILMIBAARISTAE EE WASAARADDA WARFAAFINTA, DHAQANKA & DALXIISKA oo KAASHANAYSA FARSHAXAMAYSTAYAASHA MADAXBANAAN. FARSHAXANKU WUXUU QAYB MUHIIM AH KA YAHAY WACYIGALINTA BULSHADDA, NABADDA IYO HORUMARINTA DHAQANKA. 田年 TALAADO TALAADO15APRIL2025 15 APRIL 2025 WASAARADDAWARFAAFINTA WASAARADDA WARFAAFINTA"May be artMay be an image of 10 people and textMay be an image of 3 people and text that says "O90 XUSKA MAALINTA CALAMIGA USKAMAALINTACALAMIGAA AH SHAXANKAA SHAXANKAADDUUNKA15APRI ADDUUNKA KA1 APRIL ABISA ABISAYWAAXDA WAAXDA DHAQANKA& ABISAYWAXDADHAQANKA& & WARFAAFINTA, DHAQANKA HAXAMAYSTAYAASHAN STAE AEE AOO NAAN. JQAYB MUHIMA JQAYBMUHIMAHKAYAHAY MAI AH H KA YAHAY JADDA YO HORUMAP WA သစ်အောင်ခ်"May be an image of 3 people, people studying, headscarf, dais and textMay be an image of 3 people, headscarf and textMay be an image of 3 people, people studying and text that says "REPUBLIC BLIC OF 50 SOM Tourism Wasaaradda Warfaafinta, Dhayanne FEDERAL REPU Ministry of Information. Culture ------Xús หีบัร FARSHAX QABAN-QAAP QAARM WASA KAA ALINTA TACALAMIGAAHEE CALAMIGA RDUUNKA1 APRIL DUUNKA15APRIL oo AY soo DHAQANKA& CILMIBAARISTA AQANKA & DALXIISKA o YAASHA MADAXBANAAN A YAHAY WACYIG RINTA DHAQANI 3И3HΑЛa AMLUE becharm"May be an image of 2 people, dais and text that says "FARSHAXANKU WUXUU QAYR MUHIIM AH KA YAHAY WACYIGALINTA BULSHADDA, NABA ORUMARINTA DHAQANKA. DO 15 APRIL 2025 REOEAR VASAARADDA WARF"May be an image of 1 person, dais and text that says "Masiak RESEARO SAARADDA WARF A"May be an image of 1 person, headscarf, dais, newsroom and text that says "AFINTA"May be pop art of 3 people and textMay be artMay be art of 5 people and text

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Qaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Isbitaalada Gaza ayaa wajahaya gabaabsi iyadoo ay jirto duqeymaha Israel, gaajo, iyo go’doominta saadka.

Xamaas ayaa dib u eegis ku samaynaysa soo jeedinta xabbad joojinta cusub ee Israel waxayna ka jawaabi doontaa sida ugu dhakhsaha badan.

Sida afhayeenka dhaqdhaqaaqa Sami Abu Zuhri u sheegay Al Jazeera codsiga hubka ka dhigista Hamas ma aha mid la aqbali karo xitaa in la maqlo.

Ugu yaraan 17 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 69 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee ka dhacay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaankaas.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ugu yaraan 51,000 Falastiiniyiin ah la xaqiijiyay inay dhinteen 116,343 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda ayaa dhimashadiisa ka dhigay in ka badan 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

DEG DEG: Maxaabioistii reer Somaliland oo Muqdisho loo soo qaaday

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Diyaaradii qaday Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ee Star Airline ayaa goor dhaw oo maanta waxay Laas-caanood ka soo qaaday maxaabiistii reer Somaliland ee codsiga Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ay ku daayeen Maamulka SSC Khaatumo.

Maxaabiistaan oo tiradoodu tahay 25 sida ay hore u aqbaleen reer Khaatumo ayaa agu wadaa in Muqdisho laga anbabixiyo islamarkaana Dowladu dhex dhexaadiso labada maamul si Somalland intaas oo kale oo maxaabiis ah u soo deyso.

Ciidamada reer Somaliland xabsiyada SSC Khaatumo laga soo saaray ayaa la sheegay in lagu soo xushay daruufo sida ay u kala liitaan dhanka caafimaadka iyo da’da.

Hadaba halakaan ka daawo muuqaalka maxaabiistii oo diyaarad laga soo saarayo Laas-caanood:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Magacyada 15 Saraakiil Alshabaab ka tirsan oo Mareykanku xayiraad dhaqaale ku soo rogay

Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay inay cunaqabateyn dhaqaale  ku soo rogeen 15 sarkaal oo kooxda Alshabaab ka mid ah kuwaasoo qaarkood madax Magaalo ah.

Talaabaaani ayaa qeyb ka noqoneysa mid lagu curyaaminayo dhaqaalaha kooxda iyo waliaba saraakiisha

1- Xasan Abshir Xuuroow  oo alshabaab u qaabilsan  Sarkaalka sirdoonka iyo dhaqaalaha .

2- Aadan Yuusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim): wuxuuu qaabilsan yahay  ururinta lacagaha qasabka ah ee Shabeellaha Hoose sida iibka xoolaha iyo ganacsiga suuqyada.

3- Muumin Dheere   Ku-xigeenka amiirka Jubada Hoose; wuxuu  weerarray garoonka diyaaradaha ee Kismaayo,sidoo kale wuxuu qaabilsan yahay isku duba ridka gaadiidka walxaha qaraxa ay saaraan.

4-Macalin Burhaan Taliyaha Hisbada ee Al-Shabaab ee deegaanka Wayanta, Jubada Hoose; wuxuu caan ku ahaa xarigga iyo xiritaanka in ka badan 80 qof oo shacab ah.
5- Cali Axmed Xuseen
 waa masuulka ugu sareeya Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose.

6-Maxamed Cali  waa Taliye ciidan oo Al-Shabaab ah, isagoo hoggaaminayay 100 dagaalyahan oo hoos taga Cali Dheere.

7-Axmed Kabadhe  waa Amiirka Jubbaland ee Al-Shabaab.
8-Siyaad Ayuuto (Ayuuto): Taliyaha Hisbah ee Al-Shabaab ee Jubada Hoose;
9-Xasan Yariisoow Aadan Taliye sare oo Al-Shabaab ah.

10Siciid Cabdullaahi Aadan   Khabiir Al-Shabaab u qaabilsan walxaha qarxa; sidoo kale wuxuu lacago qasab uga qaadi jiray shacabka deegaanka.

11-Maxamed Cabdullaahi Xirey : Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Jubada; wuxuu ka qayb qaadan jiray baahinta dacaayadaha kooxda.

12-Cabdi Roobow  Taliye dhexe oo ka tirsan Al-Shabaab, kana hawlgala deegaanka Wayanta ee Jubada Hoose; wuxuu qorsheeyay weerarro isagoo la shaqeynayay Dheere
13-Sheekh Aadan Abuukar Malayle waa Hoggaamiye Al-Shabaab ah; wuxuu mas’uul ka ahaa lacagaha khasabka ah ee Shabeellaha Hoose, kooxda.
15-Cumar Guhaad: Taliye Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose; wuxuu amar ku bixiyay in beelaha deegaanka ay bixiyaan lacag badan oo ay kooxda ku taageeraan.

Saabir & Samiiro- Yaa kala irdheeyey? (Qiso Murugo Badan)😭😭😭

Saabir & Samiiro- Yaa kala irdheeyey? (Qiso Murugo Badan)😭😭

Samiiro iyo Saabir waa laba qof oo is jeclaa si dhab ah, jacaylkooda wuxuu ka bilowday xilli ay isku fasal ahaayeen, dugsiga sare. Saabir wuxuu ahaa wiil deggan, hadal yar oo karti badan, halka Samiiro ay ahayd gabar edeb leh oo indhaha dadka si dabiici ah u soo jiidatay.

Muddo dheer ayay xiriirkooda qarinaayeen, iyagoo ka cabsanaya in waalidiinta ama bulshada ay ka dhax noolyihiin ka hor yimaadaan. Laakiin jacaylku markuu dhaboobo, waa mid aan la qarin kari. Waalidkii Samiiro ayaa ugu dambeyntii ogaaday, waxayna si adag uga hor yimaadeen xiriirkaas, iyagoo leh: “Nin aan reer iyo magac toona lahayn lama guursado.”

Samiiro waxay ku dhex dhacday cadaadis — jacaylkeedii iyo qoyskeedii. Saabir wuu u sabray, wuu sugayay, wuxuuna u sheegay inuu diyaar u yahay inuu sugo inta ay wax is bedelayaan.

Laakiin maalin uun ayay Samiiro u dirtay fariin kooban:

> “Waan ka xumahay Saabir. Qoyskeyga ma dhaafi karo. Waa in aan ka tagaa. Ilaahay baan kuu barayaa.”

 

Saabir wuu murugooday, qalbigane waa uu ka jabay. Ma garanayn waxa uu khalday. Wuxuu is weydiiyay: “Ma jacaylka aan bixiyay baa yaraa? Mise Samiiro ayaa iga tanaasushay?”

Laakiin runta, waxay ahayd Samiiro in aysan awoodin dagaalka nolosha, dagaalka u dhexeeya jacaylkeyda iyo waalidka inkastoo Jacaylka uusan guuleysan mar walba, gaar ahaan marka uu la kulmo cadaadiska dhaqan iyo qoys.

Su’aasha isweydiin mudan waxay tahay: Yaa kala irdheeyey lamaanahaan?

W/Q: Mohamed Abdullahi Mohamed (Cukaash)

Email :- Mcnmokaash21@gmail.com

Degmada Shangaani oo markii ugu horeysay maanta laga diiwan geliyay cod bixiyayaasha doorashooyinka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shacabka ku dhaqan Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir ayaa maanta usoo baxay inay isu diiwaan geliyaan doorasho qof iyo cod ah oo Dowladu qorsheyneyo inay dalka ka dhacdo.

Reer  Shangaai ayaa si mug weyn isusgu soo baxay inay isdiiwaan geliyaan si ay uga qeybqaataan doorashooyinka heer degmo oo lagu wado in hada kadib shacabku doortaan gudoomiyihii ay rabaan.

Masuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo ku xigeenka dhanka siyaasada Maxamed Yabooh ayaa gaaray goobta ay isku diiwaan gelinayeen shacabka.

Sidoo kale waxaa goobta yimid Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka,iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Mr Amiir ayaa noqday muwaadinkii ugu horeeyay ee is diiwaan geliya taasoo dhanka kalana ahayd furitaanka barnaaminka is diiwaan gelinta shacabka oo markii ugu horeysay maanta laga bilaabay Muqdisho tan iyo Dowladihii rayidka ee dalka  soo maray.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people and textMay be an image of 5 people and crowdMay be an image of 9 people, crowd and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 people

Yuusuf Daba-geed oo asbuuc kadib Tikniko badan u soo kaxeystay inuu Abooreey xoreeyo

Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Madaxweyne xigeenka Hirhabelle Yuusuf Daba-geed iyo ciidamo badan uu hogaaminayo inay ku wajahan yihiin dagaalka ka socda mudada asbuuca ah deegaanka Abooreey.

Warar ku dhaw dhaw Yuusuf Daba-geed ayaa sheegaya in Madaxweyne xigeenka uu la soo dhaqaqay ciidamo ka badan kun askari iyo tikniko gaareysa ilaa 150 isagoona doonaya inuu Asbuuc kadib soo afjaro Alshabaabka wali abooreey heysta.

waxaa xusid mudan in maanta oo talaado ah ay u buuxsantay hal asbuuc markii uu bilowdo dagaalka Abooreey oo ahayd talaadadii hore markii si lama filaan ah alshabaab ku qabsadeen deegaankaasi oo dhankooda istaraatiiji u ah.

Wararku waxay intaasi ku dareen in Masuulkaani wacad ku maray inuu dagaalka wax badan ka badeli doono  islamarkaana uu Alshabaab ka saarayo deegaanka Abooreey oo ay hada ku go’doonsan yihiin sida saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa macawisleyda ay ku celcelinayeen maalmihii ugu dambeeyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Gudoomiye ku xigeenka deegaanada Caanoole iyo sabiib oo lagu dilay Ceelasha biyaha

CEELASHA BIYAHA (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay Ceelasha biyaha ku dileen Gudoomiye ku xigeenka dhanka  arimaha bulshada deegaanada Sabiib iyo Caanoole Maxamed Xassan Maxamuud (Maqas).

Kooxaha hubeysan ee masuulkaani toogtay ayaa la sheegay inay ka baxsadeen markii ay dilka fuliyeen kadib mana jirin wax ciidamo ah oo degdeg ku soo gaaray goobata.

Allaha u naxariistee Masuulkaani dilkiisa sheegtay kooxda Alshabaab oo war ay soo saareen  ku sheegtay inay iyaga fuliyeen dilkaasi.

Ciidamada Dowlada Somalia ayaa goobta gaaray dilka kadib waxayna sameeyeen dhaq dhaqaaqyo walow aysan ku gaarin kooxaha dilka fuliyay,sidoo kale lama soo sheegay dad ay u qabteen dilkaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Shir ka dhan ah Alshabaab oo Maanta Beesha Hawiye uga furmaya Muqdisho

May be an image of text that says "SHIRWEYNAHA HAWIYE EE LA-DAGAALAN-KA KHAWAARIJTA "HAWIYE UMA KALA HARAYO HALGANKA HEERYA-DIIDKA HEERYA- AH" ፍትሉ 15ka, 16ka 15ka,16ka&17ka & 17ka Abriil, Abriil,2025 2025 Hotel Jazera Palace"MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shir ay leeyihiin odayaal,siyaasiyiin iyo waxgarad ku abtirsada Beesha Hawiye waxaana looga hadlayaa la dagaalanka kooxda Alshabaab iyo doorka beesha marka la eego furumaha dagaal ee reerkaasi kaga furan Alshabaab.

Shirkaan oo socon doona sedex maalin, furitaanka Talaadada maanta ah , beri oo arbaca ah iyo khamiista oo la soo xiri doono insha Allaah.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabiya oo dhaqaalahana bixiyay qurba joogta beesha gaar ahaan kuwa dalalka Jarnalka, Sweden iyo Finland.

Shirka waxaa diirada lagu saari doonaa sida aan warbixinta ku helnay dar dar gelinta dagaalka ka Alshabaab lagula jiro waxaana cinwaan looga dhigay shirkaani Shirweynaha Hawiye ee la dagaalanka Khawaarijta iyo Hawiye uma kala harayo halganka heerya-diidka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS