Home Blog Page 17

Ra’iisulwasaare Xamsa oo maanta saf u galay qaadashada diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo cod+SAWIRRO

May be an image of 7 people

Muqdisho, Arbaco, 16 Abriil 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan galinta dadweynaha doonaya in ay qaataan kaararka codbixinta doorashooyinka oo muwaadinka xaq u siinaya in uu doorto ciddii uu doonayo inay hoggaamiso.
“Waa guul in Shacabka Soomaaliyeed xaquuqdoodii u soo laabatay oo ay codkooda ku dooranayaan cidda ay rabaan, dadka leh doorasho qof iyo cod ah dalkaan kama dhici karto, waxaa beeninaya dadkaan safafka ku jira oo muujiyey in ay diyaar u yihiin in aysan marti ka noqon go’aannadooda masiiriga ah“. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay goobta la isku diiwaangelinayo ee degmada Shangaani, ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay is diiwaan-geliyaan, si ay u helaan xuquuqda ay u leeyihiin in codkooda ay ku doortaan cidda ay doonayaan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay dadka Soomaaliyeed u leedahay doorashada tooska ah ee dadweynaha, isagoo xusay in tallaabadani ay meesha ka saareyso nidaamkii hore ee wax lagu soo dooran jiray ee dadbanaa, kaas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dhaafinayey.
—DHAMMAAD—
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale

May be an image of one or more people and text that says "DOORASHADI DOORASHADIWAA WAA LAGAARAY! T AR SIAAD DOORTO DOORATO LAGUU NUV MuyA e0e DAADAHA JW"May be an image of 3 people and textMay be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of 8 people, dais and text that says "MAANTA MAANTAWAAMAAL WAA MAALIA SOOMAALIYA DOORASHOPFIY DF/N F WAXA DOORASHO MUWAA FURSAD AI"May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 7 people

Shirkadaha isgaarsiinta iyo Dowlada oo ka wada xaajooday Xeer-nidaaminta Xargaha Internetka+SAWIRRO

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan Wadatashi ah oo Ku Saabsan Xeer-nidaaminta Xargaha Internetka
15 Abriil 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay kulan wadatashi ah oo lagu gorfeynayo qabyo-qoraalka Xeer-nidaamiyaha Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Regulation).
Kulankan ayaa waxaa isugu yimid qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay matalayeen madax sare, sharciyaqaanno, iyo khubarada dhinaca farsamada ee shirkadaha.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo furay kulanka, ayaa faahfaahiyay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee uu leeyahay xeer-nidaamiyahan iyo sida uu ula jaanqaadayo habraacyada caalamiga ah.
“Dalkeennu wuxuu leeyahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Afrika, taas oo fursad weyn u ah dhismaha kaabeyaasha xargaha badda hoosteeda mara. Kheyraadkan Alle nagu manneystay wuxuu sare u qaadi karaa in internetka la gaarsiiyo dalka oo dhan iyo guud ahaan dalalka aan badda lahayn ee ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika,” ayuu yiri Mudane Mustafa. “Haddaba, si aan fursaddan uga faa’iidaysanno fursaddaas, waa in aan qaadannaa halbeegyada caalamiga ah oo aan hirgelinno xeer-nidaamiyayaal dhiirrigeliya kaabayaal ammaan ah, oo ku qotoma tartan furan,” ayuu sii raaciyay Maareeyuhu.
Mudane Mustafa ayaa sidoo kale u mahadceliyay Hay’adda IFC, taasoo si joogto ah u taageerta horumarinta kaabeyaasha internet-ka ee dalkeena, taas oo ka caawisay Hay’adda dhinaca khubarada daadihinayay kulankan.
Wadatashigan ayaa diiradda lagu saaray dhinacyada muhiimka ah ee qabyoqoraalka xeer-nidaamiyahasida: qaab-dhismeedka shati-siinta iyo u-hoggaansanaanta shuruucda, amniga, shuruudaha isku-xirka, iyo saameynta guud ee ballaarinta heer qaran iyo heer gobol. Qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyahan ayaa lagu saleeyay talooyin ka soo baxay kulamadii lala yeeshay shirkadaha isgaarsiinta bishii Sebtembar 2024.
Ka dib kulanka wadatashiga, waxaa shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka laga codsanayaa inay talooyinkooda ku saabsan xeer-nidaamiyaha oo qoran soo gudbiyaan ugu dambeyn 30-ka Abriil 2025.May be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and suitMay be an image of 4 people and textMay be an image of 19 people

Muxuu yahay shirka Muqdisho ay ku yeesheen Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, iyo Hantidhowrayaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan horumarinta xirfadda iyo aqoonta Xafiisyada Hantidhowrka ee labada heer ee dowladda Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sida ugu wanaagsan ee ay Xafiisyada Hantidhowrku uga wada faa’iideysan karaan “𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚” (Professional Education for SAI Auditors-𝐏𝐄𝐒𝐀) oo uu bixiyo Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka- (International Organization of Supreme Audit Institutions-𝐈𝐍𝐓𝐎𝐒𝐀𝐈), kaas oo xoogga saara tababarrada xirafadda Hantidhowrista, islamarkaana hormarinaya “Tabaha Fulinta Baarista Hantidhowrka, Hubinta Tayada iyo Heerarka Caalamiga ah ee Hantidhowrista Hay’adaha Dowladda”.
Dhinaca kale, Hantidhowraha Guud ee JFS waxa uu uga xog-warramay Hantidhowrada Guud ee Dowlad Goboleedyada Mashruuca Xoojinta Maamulka Khayraadka Guud ee Dowladda (Somalia Enhancing Public Resource Management Project-𝐒𝐄𝐑𝐏) oo uu Bankiga Adduunku Maalgeliyo, islamarkaana Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee dowladda iyo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka ay kamid yihiin hay’adaha dowladda ee ay tahay in ay ka faa’iideystaan, isaga oo ku dhiirageliyey in Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Dowlad Goboleedyada ay si fiican uga qayb qaataan.
Ugu dambeyn, Hantidhowrada Dowlad Goboleedyada ayaa uga mahadceliyey Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS kaalinta hoggaamineed ee la xiriira horumarinta Xirfadda dhammaan hantidhowrada Soomaaliya iyo dhiirrigelinta ka faa’iideysiga taageerada farsamo si waafaqsan 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝.

Barcelona iyo PSG oo Caawa u soo gudbay same-fiinalaha Champions League

Labada Kooxoo ee Barcelona iyo PSG oo ka kala dhisan dalalka Spain iyo Farance ayaa caawa u soo gudbay wareega same-fiinaha Koobka Champions League.

Barcelona waxay lugta labaad la ciyaartay caawa kooxda Borussia Dortmun oo Germany ka dhisan waxaana caawa looga badiyay 3-1 balse madaama kulankii hore ay ku badiyeen 4-0 sidaas ayay ku soo baxeen isku darka 5-3.

Sidoo kale waxaa caawa lugta labaad ee sideed dhamaadka isku arkay kooxaha PSG iyo Astonvila oo iyagana Farance iyo Ingiriiska ka kala dhisan waxaana 3-2 ku badiyay kooxda Ingiriiska ka dhisan ee Astonvila balse lugtii hore ayaa looga badiyay 3-1 sidaas daraadeed isku darka waxaa 5-4 ku soo baxay PSG oo u gudubtay semi-fiinalaha.

Habeen danbe ciyaar la wada sugayo ayaa dhex meri doonto Real-Marid iyo Arsenal xili lugtii hore ay 3-0 ku soo badisay Arsenal.

Real-madrid waxaa laga rabaa inay iska soo gudo 3 gool taaso aad u adag inay ka yimaadaan walow taageerayaasha Real-Madrid rajeynayaan inay gurigooda mucjiso ku muujiyaan.

XAFFIISKA WARARKA CIYAARAHA 
DAYNIILE.COM

Mikel Arteta oo si kulul uga hadlay hanjabaadda ciyaartoyda Iyo maamulka Real Madrid

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sheegay in kasoo kabashada xasuuqii ay qayb ka tahay taariikhda Real Madrid.

Arteta ayaa sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay maanta, kahor kulanka lugta labaad ee wareega siddeed dhammaadka Champions League ay la leeyihiin kooxda Los Blancos.

Arsenal ayaa hoggaan 3–0 ah ku heysa kulankii lugta hore ee ka dhacay garoonka Emirates toddobaadkii hore.Tan iyo guuldarradii cusleyd ee ka dhacday Waqooyiga London, warbaahinta Madrid ayaa kor u qaaday rajooyinka ku aaddan in kooxda ay ka soo kaban karto isla markaana ay u soo gudbi karto wareega afar dhammaadka.

Arteta oo ka hadlayay suurtagalnimada in Madrid la timaado kasoo kabasho cajiib ah wuxuu yiri:

“Waa qayb ka mid ah taariikhdooda waana kasbadeen xaqa ay uga hadli karaan xaaladahan.”

“Maskaxdeennu waa mid ka duwan, waxaan diiradda saarnay sida aan u yeelan karno fursad fiican si aan uga fiicnaanno iyaga.”

Markii la weydiiyay haddii kooxdiisu ay ka baqeyso taariikhda Real Madrid iyo sumcaddooda tartanka, Arteta wuxuu ku jawaabay:

“Cabsi? Ereygaas ma isticmaali karo”

“Ixtiraam, iyo qaddarin weyn ayaan u haynaa waxa ay ka qabteen tartankaan sanado badan.”

“Taariikhda ay leeyihiin iyo qiyamka ay u taagan yihiin… waa wax lala yaabo, waa yaab iyo cajaa’ib. Waxaa dhiirrigelin u ah tababare kasta.”

 

Mikel Arteta Oo Si Kulul Uga Hadlay Hanjabaadda Ciyaartoyda Iyo Maamulka Real Madrid

DAAWO: Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta jubaland oo maanta howlgal ku dilay madax sar sare oo Alshabaab ka tirsanaa

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanada Maamulka Jubaland ayaa sheegaya in howlgal ay maanta iska kaashadeen Kumaandooska Danab ee xoogga Dalka iyo daraawiishta Jubaland ay ku dileen madax sar sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.
.
Howlgalka oo ka dhacay Tuulooyinka Hareer Bulaa iyo dhalaajo ee hoos taga deegaanka Awoodin ee Gobolka Jubada hoose ayaa waxaa lagu beegsaday saraakiil sar sare oo Alshabaab ka tirsan kuwaasoo shir ku lahaa deegaankaasi.
Madaxda Alshabaab looga dilay howlgalkaan waxaa ka mid ah waaligii guud ama gudoomiyihii ugu qaabilsanaa Gobolka Jubada hoose oo dhan Xassan Muudeey, sidoo kale sarkaal lagu magacaabo  Macalin Ibraahin ayaa isna la dilay kaasoo ahaa Taliyaha deegaanka wayaanta, Sido kale Cali dudaaye iyo Maxamed Yarre ayaa ka mid ahaa kuwa la dilay.
Khasaaraha maanta la gaarsiiyay saraakiisha iyo madaxda Alshabaab ee Gobolka Jubada hoose ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee hal maalin laga dilo.
Dowlada Somalia waali warsaxaafadeed kama soo saarin walow raadiyaha Dowlada ee ciidamada iyo guud ahaan warbaahinta Dowlada ay tabiyeen howlgalkaani.

Maxaa sanadkan kasoo kordhay awoodda militari ee Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah?

=XIGASHO BBC SOMALI=Soomaaliya

Global Firepower Index, oo sanadkiiba mar lagu qiimeeyo ccududda ciidan ee dalalka caalamka, ayaa ah isha ugu weyn ee laga helo xogta milatari ee la aamini karo.

Qiimayntan ayaa ku salaysan xog laga helay ilo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo, laga soo bilaabo dalalka ugu awoodda badan ilaa kuwa ugu yar. Awoodda ciidan ee waddamada lagu soo daray darajadan laguma qiyaaso oo kaliya inta ay le’eg yihiin cududdooda ciidan iyo hubka ay wataan.

Liiska shuruudaha loo yaqaan ‘Power Index Score’, oo ka kooban 50 dhibcood, ayaa loo isticmaalaa si loo go’aamiyo darajadan. Kuwaas waxaa ka mid ah tirada dadka, tirada ciidamada, tirada iyo nooca hubka, kheyraadka dabiiciga ah, awoodda dhaqaale, muuqaalka, iyo kuwa kale.

Soomaaliya ayaa keliya ka sarreysa saddex dal marka la eego dalalka 145-ta ah ee la qiimeeyay, waxayna ku jirtaa kaalinta 142-aad waana dalka 36aad Afrika marka la eego awoodda militari.

Dalalka Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku kala jira dalalka ugu awoodda badan caalamka, kuwaas oo kala galay min shan ilaa shan, iyadoo dalalka kale ee reer galbeedka iyo kuwa kaleba ay soo galeen qiimayntan.

Afrika, Masar, Aljeeriya, Nigeria, Koonfur Afrika, iyo Itoobiya ayaa kaalimaha hore kaga jira dhanka awoodda ciidan. Dalalkan ayaa sidoo kale ka mid ah kuwa ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan qaaradda.

Itoobiya oo ku taal Geeska Afrika, waa gobol ay ragaadiyeen colaado iyo xiisado siyaasadeed, waxay ka mid yihiin shanta waddan ee ugu awoodda badan xagga ciidamada Afrika, waana waddan saamayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh gobolka.

Haddaba, waa sidee awoodda ciidan ee dalalka dariska la ah Soomaalida sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, marka la eego qiimayntan Global Firepower ee ciidamada militariga dalalka?Kenya

Dalka Kenya oo deris la ah Soomaaliya, waa mid ka mid ah dalalka Afrikaanka ah ee dhaqaalahoodu xooggan yahay, xiriir nabadeed la leh dalalka ku xeeran, isla markaana aanay jirin wax jabhado hubaysan ah oo dalkeeda ku sugan.

Khatarta ugu weyn ee dhanka ammaanka Kenya ayaa ah kooxda al-Shabaab, kuwaas oo ka howlgala gudaha Soomaaliya. Taasi waxay keentay in ciidankeeda inta badan la geeyo xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

Kenya, oo ay ku nool yihiin 58 milyan oo qof, waxay leedahay ciidan joogto ah oo gaaraya 50,000 iyo 25,000 oo maleeshiyo ah, waxayna ku jiraan kaalinta 11aad ee dalalka Afrika, halka 83aad ee adduunka ay ku jiraan qiimeynta Global Firepower Index.

Kenya, oo leh ciidan, cir iyo badda, waxay u qoondaysaa in ka badan $1 bilyan 307 milyan sannadkiiba ciidankeeda.

ItoobiyaItoobiya

Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika, waxaa hadda ku nool dad gaaraya 118 milyan oo qof, sida lagu sheegay qiimaynta Global Firepower Index.

Itoobiya sidoo kale waa dalka ugu dhaqaalaha roon gobolka. Itoobiya oo ay soo food saartay khataro amni oo gudaha iyo dibadda ah, waxay leedahay ciidamo dhul, cir, iyo badda; Waxa ay dunida kaga jirtaa kaalinta 52-aad marka loo eego dhanka awoodda ciidamada, waana dalka shanaad ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika.

Itoobiya, oo leh ciidan joogta ah oo ka badan 160,000, ayaa dhaqaalaha ugu badan ku bixisa ciidankeeda waddan kasta oo adduunka ah, iyada oo miisaaniyad sanadeedkeedu dhan yahay $ 2 bilyan 97 milyan.

JabuutiJabuuti

Jabuuti, oo ah dalka ugu yar ee deriska la ah Soomaaliya, kuna yaal meel istaraatiiji ah oo Geeska Afrika ah, ayaan lagu darin liiska qiimaynta awoodda ciidan ee Global Firepower.

Dalka Jabuuti ayaa ku yaala halka laga soo galo gacanka cadmeed oo ah marin muhiim u ah ganacsiga badda, waxaana dhowr wadan oo awood badan ay saldhigyo ciidan ka sameysteen dalkaasi.

Dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin dad ka yar hal milyan iyo bar ayaa la og yahay in ay leeyihiin ciidamo dhul, cir iyo kuwo bad ah oo kooban.

Inkastoo Jabuuti aan lagu darin qiimeynta awoodda ciidamada, haddana lama filayo inay ka awood badan tahay dalalka kale ee Geeska Afrika, marka loo eego tirada dadka iyo tirada dadka.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Maxaabiistii reer Somaliland oo Muqdisho la soo gaarsiiyay+SAWIRRO

Waxaa goordhaweed garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejiyay 25 maxbuus uu maamulka SSC-Khaatumo ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo tan iyo sanadkii 2023 ku xirnaa xabsiyada gobolka Sool.

Maxaabiistan ayaa waxaa la socday Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macalin, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Cabdiqaadir.

Soo deynta maxaabiistan ayaa timid kaddib socdaalkii naabadda iyo midnimada ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu dhawaan ku tegay magaalada Laascaanood.

Wasiirada Cadaaladda iyo Waxbarashada ayaa la filayaa in ay goordhow ka warbixiyaan xaaladda maxaabiista lasoo daayey iyo tallaabooyinka xiga ee dowladda qaadi doonto.May be an image of 6 people, people playing basketball and textMay be an image of 2 people, car and vanMay be an image of 4 people and helicopterMay be an image of 5 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people and people playing footballMay be an image of 5 people and aircraftMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people and aircraft

SAWIRRO: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Muqdisho loogu soo dhaweeyay si aan caadi ahayn.

Muqdisho, Talaado, 15 Abriil 2025: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gebagabeeyey safarkii taariikhiga ahaa ee afartii maalmood ee la soo dhaafay uu ku joogay magaalada laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo isagoo dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Mas’uuliyiin iyo qeybaha Bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa,oo 12–kii bisha safar Taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo nabadda ku gaaray Laascaanood ayaa dhagax dhigay Mashaariic badan oo hormarineed, isaga oo qaar kalena daah-furay, waxaana uu maamulka iyo bulshada degaanka ku bogaadiyey sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed
Safarkii Nabadda iyo Midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo gebagaboobay si guul ah.May be an image of 6 people and textMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 11 people and suitMay be an image of 9 people and textMay be an image of 9 people and text that says "ARP"May be an image of 9 people and text that says "ARP"May be an image of 11 people and textMay be an image of 9 people and suitMay be an image of 9 people and text

Maamulka Somaliland “Roobab waa weyn ayaa maanta ka bilaabanaya gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer halka Awdalna uusan heli doonin wax roob ah”

No photo description available.Saadaasha roobab waa weyn oo ka soo baxay Maamulka Somaliland Sool, Sanaag, Togdheer
HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Waaxda Saadaasha ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Maamulka Somaliland ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan roobaab waa weyn oo maanta ka bilaabanaya Gobolada Maamulkaasi qaarkood.
Waaxda Saadaasha waxay shaaciyeen in Somaliland in 15 ilaa 21 bishan April 2025 la saadaalinayo in roobab xadigoodu dhan yahay 40 ilaa 50mm ay ka di?i doonaan Gobolada Sool, Sanaag, Togdheer iyo qaybo ka mid ah Gobolka Maroodi-jeex.
Sidoo kale waaxda saadaashu waxay shaaciyeen in gobolka qaar sida  Saaxil ay ka di’i doonaan roobab ka yar kuwa sare lagu soo sheegay iyagoona ku qiimeeyay roob xaddigiisu yahay 10 ilaa 20mm.
Dhanka kale Waaxda saadaasha Maamulka Somaliland wuxuu shaaciyay in Gobolka Awdal aanu wax roob ahi ka di?i doonin, islamarkaana ku sii jirayo xaaladda uu hada joogo oo ah mid qalalan.
Bishii hore mar ay isla waaxdaani saadaal ka bixisay roobabka sidan si ka duwan ayay u saadaalisay.May be an image of map and text that says "Jamhuuriyadda Somaliland Wasaaradda Horumarinta Beeraha WAAXDA SAADAASHA HAWADA Soo Baxay: ka April, 2025 TODOBAADKA lodobaadkan 00 lilayo SAADAASHA Warbixinta saadaasha roobabka Gu ga ay ka dalka beegan xogtan ayaa muujinaysa ay roobab lagu qiyaasay ay ka di'i doonan gobollada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Qaybo gobolka Maroodi jeex Insha Allah, Halka gobolka Saaxil ka mid ah laga filayo roobab xadigooda lagu qiyaasay 10-20mm ka di'i doonan. Halka filayo gobolka Awdal uu nogon doono mid ku jira xaalad qalalan sida ka muuqata khariirada hoos ku xusan. Rainfall Dala GFS Gulf Awdal Maroodi 0634825867 063450544 faccbook axaa Beeraha. www.slmoad. kala FAO"
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS