
Shir ay maanta Hargeysa ku yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Waqooyiga Somalia ee Somaliland ayaa laga soo saaray qodobo ay ku qeexeen arimaha maxaabiista reer Somaliland ee ay soo daayeen Maamulka SSC Khaatumo iyo dhex-dhexaadinta Dowlada ay ku dooneyso in labada dhinac maxaabiis is dhaafsadaan.
Sidoo kale qodobada waxaa ka mid ah arimaha wada-hadaladii u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo Dowlada Somalia.
‘
Hadaba halkaan ka akhriso warkaan oo maamulka Somaliland ka soo baxay oo u qoran sidii ay u diyaariyeen warbaahintooda:-
Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoomay maanta 16ka Abriil, 2025 waxa uu si adag u cambaareynayaa tallaabadii daandaansiga ahayd ee uu Raysal-wasaaraha Dowladda Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood 12kii Abriil 2025, taasi oo ahayd xad-gudub ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ka duulaysa qorshaheeda nabadeynta Deegaanka Bariga Sool, waxa ay hore u iclaamisay baaq nabadeed maalintii uu xilka la wareegayay Madaxweynaha JSL ee 12kii December 2024, waxa aanay mar kale adkaynaysaa in ay nabaddu tahay mudnaanteeda koowaad, iyada oo difaaca qarannimada Somaliland-na ay tahay xuduud lama taabtaan ah.
𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟏𝐚𝐚𝐝 – 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐬𝐢 𝐛𝐮𝐮𝐱𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐥𝐞𝐞𝐱𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐣𝐢𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐝𝐚-𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚:
Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Tallaabadaasi waxa ay ahayd daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed, taas oo si toos ah khatar u gelinaysa xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyada oo lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland oo si sharci-darro ah loo afduubay.
𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 – 𝐈𝐧 𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲 𝐣𝐢𝐫𝐢𝐧 𝐰𝐚𝐱 𝐰𝐚𝐝𝐚-𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐬𝐢𝐢-𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐛𝐢𝐢𝐬𝐭𝐚:
Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u sheegaysaa in aanay jirin wax wada-hadal ah oo Dowladda Soomaaliya kala yeelatay arrimaha la xidhiidha siideynta maxaabiista.
Maxaabiista Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay magaalada Muqdisho ma aha maxaabiis dagaal (𝐩𝐫𝐢𝐬𝐨𝐧𝐞𝐫𝐬 𝐨𝐟 𝐰𝐚𝐫)
Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadaasi inay ahayd mid lagu qarinayo fashilka siyaasiga ah ee haysta Dowladda Soomaaliya.
𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟑𝐚𝐚𝐝 – 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐈𝐬-𝐝𝐡𝐚𝐚𝐟𝐢𝐬𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐛𝐢𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐂𝐑𝐂:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay wada hadallo la yeelatay Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo danjireyaasha dalalka saaxiibka la ah si loo xalliyo arrinta maxaabiista, iyada oo ku saleysan xeerarka iyo hab-raacyada caalamiga ah ee maxaabiista.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay diyaar u tahay in maxaabiista la isu waydaarsado hannaan kasta oo waafaqsan nidaamka isweydaarsiga maxaabiista, bud-dhigna ay u tahay hay’adda ICRC, iyada oo ay Xukuumadda Somaliland hore ugala hadashay arrimaha maxaabiista wadamada ay saaxiibka yihiin sida Maraykanka, Ingiriiska, Denmark, Turkiga iyo Emirate-ka Carabta.
𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟒𝐚𝐚𝐝 – 𝐁𝐚𝐚𝐪𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cod dheer ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay si degdeg ah uga falceliso xadgudubyada ay Dowladda Soomaaliya ka geysanayso Deegaanka Bariga Sool ee Somaliland, isla markaana ay taageerto dadaallada Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto soo celinta nabada deegaanka bariga Sool.
Duullaanka qorshaysan ee Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland waxa uu khatar gelinayaa xasilloonida Geeska Afrika, wuxuuna fursad siinayaa kooxaha xagjirka ah iyo argagixisada, taas oo halis weyn ku ah nabadda iyo horumarka gobolka oo dhan.
𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟓𝐚𝐚𝐝: 𝐖𝐚𝐝𝐚-𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚:
Maadaama ay Dawladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xad-gudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadi’dii wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dal, Golaha Wasiirradu ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aamiyeen in laga baxo wada-hadaladii lagu jiray Soomaaliya, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Abriil 16th, 2025.