
Dowlada oo war ka soo saartay Duqeyn lala beegsaday Aadan Yabaal

Israa’iil oo shaacisay inay Gaza sii joogayaan xitaa hadii dagaalka uu dhamaado
QAZA (DAYNIILE.COM)-Milatariga Israa’iil ayaa sii jogi doona marinka Gaza sida uu sheegay Wasiirkooda difaaca xitaa hadii dagaalku dhamaado.
Wasiirka wuxuu ku hanjabay inay aagag cusub sii qabsan doonaan oo dhulka reer falastiin,wuxuu si toos ah u tilmaamayaa inay awood isticmaalayaan islamarkaana ay israa’iil ka difaaci doonaan gudaha dhula Gaza ee reer Falastiin.
Sidoo kale wuxuu ku faanayaa inay shacaba gaza ka celin doonaan gar-aarka oo si kastaba u cadaadin doonaan si Xamaas ay ugu qasbaan inay sii daayaan askarta Yuhuuda ay ka hayaan.
Xanibaadaan wuxuu wasiirku sheegay inay socon doonto lix asbuuc markaasoo ay Gaza ka hor istaagi doonaan in wax gar gaar ah la soo gaarsiiyo.
Qaramada Midoobay oo marka Yuhuuda iyo Mareykanka la eego afka uun inay ka hadlaan moojiye aan talaab kale qaadi karin ayaa shaqadoodii ku soo koobmatay digniin oo kaliya.
Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa laga soo xigtay in tan iyo markii Yuhuudu bur buriyeen xabad joojinta 18-kii Maarso ee sanadkaan ay Yuhuudu dishay in ka badan 1,650 shacab ah oo u badan caruur iyo dumar.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Maxkamada Gobolka Banaadir oo baadi-goobeysa eedeysane loo heysto maalgelinta Alshabaab iyo danbiyo kale
Warqad ka soo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu baafinayaa ama looga yeerayaa maxkamada inuu horyimaado eedeysane lagu magacaabo C/shukuur Ciise Xasan Abtidoon.
Eedeysanahaan ayaa loo heystaa sedex danbi oo kala ah inuu ka mid yahay koox hubeysan , inuu maal geliyay Alshabaab iyo eeda sadexaad oo ah dhaqida lacagta madow oo koonarabaan ah.
haddaba halkaan ka akhriso warqada ka soo baxday maxkamada oo ku taariikheysan 15-4-2025:-
Wasiir Fiqi oo jawaab culus ka bixiyay hadalkii Faysal Cali Waraabe
DAYNIILE.COM
Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan laba kala daran kala dooran-siiyay
Agaasinmihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa baraha bulshada soo geliyay qoraal uu cinwaan uga dhigay laba kala daran mid dooro.
Fahad Yaasiin qoraalkiisu toos ugu socdo Madaxweyne Xassan ayaa sidan u qornaa:-
Arsenal iyo Inter oo u soo baxay seme-fiinaalaha Champions League
Kooxda Arsenal ayaa caawa mar labaad ka adkaatay kooxda real-madrid oo lugtii horana ay ka badiyeen.
Kooxda Arsenal waxay Real-madrid ku martay 1-2 waliba dhamaadka ciyaarta daqiiqadaha lagu daray ayay arsenal heshay goolka labaad.
Dad badan oo saadaaliya ciyaaraha iyo taageerayaasha real-madrid ayaa aaminsanaa inay kooxdu sameyn karto caawa mucjiso ay Arsenal kaga badiso uguna soo baxdo seme-fiinalaha.
Sidoo kale Inter Milan ayaa iyadana bareejo 2-2 ah la gashay kooxda Byermunich sidaas ayayna ku soo baxeen seme-fiinalaha madaama ay lugtii hore guriga bayer-munich 1-2 uga soo badiyeen.
Si kastaba waxaa seme-fiinalaha kooxihu isugu aadeen sidan:-
Arsenal vs PSG
Barcelona vs Inter
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM
Mohamed Salah oo Liverpool 10 kulan uga maqnaanaya hal sabab awgeed
XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Liverpool ayaa wajihi karta maqnaansho dheer oo uu Mohamed Salah kaga maqnaanayo safkooda xilli ciyaareedka soo socda, sababo la xiriira waajibaadka xulka qaranka Masar ee tartanka Koobka Qaramada Afrika.
Salah, oo toddobaadkii hore qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa 2027, ayaa wali ah mid muhiim u ah qorshaha tababare Arne Slot. Weeraryahanka reer Masar ayaa xilli ciyaareedkan ku jira qaab ciyaareed cajiib ah, isagoo dhaliyay 32 gool islamarkaana caawiyay 23 gool kale, 46 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, guulahaas lama hakin doono maqnaanshaha ciyaaryahanka marka la gaaro bilaha Janaayo iyo Febraayo ee sanadka 2026, marka uu billowdo Koobka Qaramada Afrika. Haddii Masar ay gaarto final-ka tartankaas, Salah ayaa seegi kara ugu yaraan 10 kulan oo muhiim ah oo Liverpool ah – tiradaas oo aad uga badan 5-tii kulan ee uu seegay xilli ciyaareedkii hore tartankii isla Koobka Afrika.
Maqnaanshaha Salah waxa uu dhaawac weyn ku noqon karaa rajada Liverpool ee hanashada horyaalka Premier League iyo guulo kale oo tartamada kale ah, maadaama uu yahay tiir-dhexaad weerarka kooxda. Waqtigaas ayaa sidoo kale noqon kara tijaabo adag oo ku saabsan qoto-dheeraanta kooxda iyo beddelka uu Slot heli karo.
DAAWO: Alshabaab oo markii ay qabsadeen Aadan Yabaal ku dhaqaaqeen fal cajiiba
AADAN-YABAAL (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa maanta markii ay qabsadeen Magaalada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxay ku dhaqaaqeen inay calanka Somalia dejiyaan islamarkaana kooda saaraan iyo fal kale oo la yaab lahaa.
Kooxdaa ayaa muuqaalka waxaa lagu arkay iyagoo jeex jeexaya sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh oo surnaa aargada Degmada Aadan Yabaal,dagaal-yahanka sawirka jeex-jexaya wuxuu muuqaalka ku eedeynayaa Dowlada inay Magaalada dhac iyo boob ka wadeen,sidoo kalana ay diidan yihiin in sunada rasuulka NNKH sida uu sheegayo.
Dagaal saacado socday oo la isku riiqmay ayaa saaka dhexmaray ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabaab kaasoo ugu dambeyn keenay i9n alshabaab qabsadaan Magaaaldaasi oo laba sano ka hor laga saaray.
Saraakiisha Milateriga gaar ahaan taliyaha ciidamada xooga dalka oo dagaalka ku jirey wali kama hadlin sababta guul darada keentay iyadoo ciidamo badan ay magaalada ku sugnaayeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Israa’iil oo sheegtay inay soo riday diyaarad hub u siday reer Gaza
War ka soo baxay Milateriga Isra’iil ayaa lagu shaaciyay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo hub u siday kooxda Xamaas e reer Falastiin.
Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa xusay in diyaaradaan drons-ka ah ay isku dayday hub si dhuumaalaysi ah uga soo galiso xadka Masar ee Israa’iil, islamarkaana ay u geyso Xamaas.
Sida ay baahisay wakaalada wararka AFP warka ka soo baxay milateriga Israa’iil ayaa lagu sheegay in diyaarada aan duuliyaha lahayn, laga helay afar hub ah iyo rasaas waxaana hubka lagu sameynayaa baaritaan.
Milateriga Israa’iil waxay sidoo kale ku faaneen inay hore uga hor tageen iskudayo la mid ah kan tan oo kale oo si qarsoodi ah hub loogu soo waday kooxda Xamaas ee reer Falastiin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
XOGTA : Madaxweyne Xassan oo qirtay in maanta looga adkaaday dagaalkii ka dhacay Aadan Yabaal
“goob dagaal maalinaa lagu riixaa maalinaad wax riixee , maalina waa lagaa adkaanaa maalina waa adkaanee , maalmo is daba socdaa lagaa adkaanaa sidoo kale maalmo is daba socdaa adkaanee” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Madaxweynaha wuxuu tilmaamay shacabka Soomaaliyeed inay isu qiimeeyaan imisa degmo iyo deegaan ayay ciidamada qaranku alshabaab ka saareen oo ay imisa ayay iyagu qabsadeen, wuxuu intaasi ku daray inay dadku xisaabtamaan oo xaqiiqada ay iyaga eegaan balse aan been lagu qufin.
DAYNIILE.COM