










JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa ka shifay ujeedka Alshabaab culeyska u soo saareen deegaanada Hirshabelle oo kaliya.
Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hirshabelle Cabdi Daahir Guure ayaa daboolka ka qaaday inuu jiro heshiis Alshabaab ay la soo gashay maamul Goboleedyada qaar si ay usoo dhexmaraan una soo weeraraan Hirshabelle.
“kooxda Alshabaab waxay kula heshiiyeen gobolada qaar inay culeyska ka soo qaadaan kaliyana ay u ogolaadaan inay dhanka soo dhexmaraan waana sababta keentay inay deegaanada Hirshabelle culeuska u soo saareen”ayuu yiri Wasiirka.
Wasirka wuxuu carabka ku adkeeyay si kasta ay tahay inay u diyaarsan yihiin inay iska difacaan kooxda Alshabaab weerar kasta ay ku soo qaadaan deegaanada Hirshabelle.
Masuulkaan ma uusan sheegin magac maamul kaliya si guud ayuu ka dhawaajiyay in maamulada qaar heshiis kula jiraan Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
War goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia ayaa lagu sheegay in la bur burioyay hub alshabaab u socday.
Hubkaan ayay Dowladu sheegtay in lagu soo qaaday dooman kadibna ay u suuragashay in la burburiyo.
Doomanka inta ay yihiin, goobta lagu burburiyay cida talaabadaasi fulisay intaba Dowladu ma faahfaahin balse intaas ayay degdeg ku shaaciyeen.
Wixii faahfaahin ah wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
War lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ay jab xooggan Khawaarijta ku gaarsiiyey howlgal qorsheysan oo saakay ay ka fuliyeen aagga deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay dileen in ka badan 10 Khawaarij ah oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira, isla markaana ay sii haacsanayaan firxadka Khawaarijta.
QAZA (DAYNIILE.COM)-Milatariga Israa’iil ayaa sii jogi doona marinka Gaza sida uu sheegay Wasiirkooda difaaca xitaa hadii dagaalku dhamaado.
Wasiirka wuxuu ku hanjabay inay aagag cusub sii qabsan doonaan oo dhulka reer falastiin,wuxuu si toos ah u tilmaamayaa inay awood isticmaalayaan islamarkaana ay israa’iil ka difaaci doonaan gudaha dhula Gaza ee reer Falastiin.
Sidoo kale wuxuu ku faanayaa inay shacaba gaza ka celin doonaan gar-aarka oo si kastaba u cadaadin doonaan si Xamaas ay ugu qasbaan inay sii daayaan askarta Yuhuuda ay ka hayaan.
Xanibaadaan wuxuu wasiirku sheegay inay socon doonto lix asbuuc markaasoo ay Gaza ka hor istaagi doonaan in wax gar gaar ah la soo gaarsiiyo.
Qaramada Midoobay oo marka Yuhuuda iyo Mareykanka la eego afka uun inay ka hadlaan moojiye aan talaab kale qaadi karin ayaa shaqadoodii ku soo koobmatay digniin oo kaliya.
Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa laga soo xigtay in tan iyo markii Yuhuudu bur buriyeen xabad joojinta 18-kii Maarso ee sanadkaan ay Yuhuudu dishay in ka badan 1,650 shacab ah oo u badan caruur iyo dumar.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Warqad ka soo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu baafinayaa ama looga yeerayaa maxkamada inuu horyimaado eedeysane lagu magacaabo C/shukuur Ciise Xasan Abtidoon.
Eedeysanahaan ayaa loo heystaa sedex danbi oo kala ah inuu ka mid yahay koox hubeysan , inuu maal geliyay Alshabaab iyo eeda sadexaad oo ah dhaqida lacagta madow oo koonarabaan ah.
haddaba halkaan ka akhriso warqada ka soo baxday maxkamada oo ku taariikheysan 15-4-2025:-
Agaasinmihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa baraha bulshada soo geliyay qoraal uu cinwaan uga dhigay laba kala daran mid dooro.
Fahad Yaasiin qoraalkiisu toos ugu socdo Madaxweyne Xassan ayaa sidan u qornaa:-