Home Blog Page 12

Alshabaab isasoo dhiibay “Fu’aad Shoongolle isagoo noo sheegaya inaan jano galeyno  ayaa hoobiye soo dhacay isagii ayaana cararay”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Alshabaab Dowlada isku soo dhiibay ayaa ka sheekeeyay qiso dhacday mar hoobiyayaal ay ku soo dhaceen goob uu hadalo ka jeedinayay Fu’aad Shoongolle.

Dagaalamahaan Alshabaabka ka yimid ayaa wareysi Dowladu la yeelay ku sheegay in Fu’aad Shoongolle uu cararay xili uu dagaalamayaasha u sheegayay inay jano galayaan.

“Fu’aad Shoongolle isagoo noo sheegaya inaan jano galeyno  ayaa hoobiye soo dhacay isagii ayaana cararay” ayuu yiri dagaalamaha alshabaab ka soo goostay.

Hadaba wareysiga oo dhameystiran halkaan ka daawo:-

Wasiirka Difaaca oo ka hadlay Alshabaabkii lagu laayay Daynuunaay

May be an image of 1 person, dais and text that says "OUT OUTGOI GOI INCOMIN NDIN"Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, guulaha muhiimka ah ee ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta, si gaar ah howlgalkii guuleystay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay ku dileen ku dhawaad 40 Dhagarqabe oo Khawaarijta ka tirsan iyo Horjooge Ajanebi ah, kaasi oo ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay
” Waxaan ku bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howlgalka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga khawaarijta ee ka dhacay Degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay, kaasi oo ahaa mid ka marqaati kacaya diyaar garwaga Ciidanka iyo bulshada iyo in la gaaray dhammaadka Kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed “.
Wasiirka ayaa Alle u weydiiyay naxariistiisa ballaaran halyeeyadii ku naf waayay dagaalka xaqa ee Khawaarijta, isaga oo bogsiino dagdag ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in si hagar la’aan ah u garab istaagaan Ciidamada naftooda u huraya in dalkeena ay ka xoreeyaan cadwga arxanka daran ee in muddo ah gumaadka ku hayay shacabkeena, isla markaana hortaagan in aan nabad iyo xasilooni ku noolaano.

Dowlada Somalia oo ka qeybgashay shirka Wasiirada Carabta+SAWIRO

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada JFS, Mudane Axmed Cumar Maxamed ayaa ka qayb galay 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟒-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wasiirada Carabta ee mas’uulka ka ah Saadaasha Hawada iyo Cimilada. Kulankan oo ka dhacay Xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira ee Dalka Masar, ayaa ahaa mid muhiim u ah iskaashiga wadamada Carabta si loo wajaho caqabadaha cimilada iyo deegaanka.
Shirkan waxa uu xoogga saarayay baahida iskaashiga Carabta si loo xoojiyo Saadasha hawada ee wadamada carabta.
Wasiir Axmed Cumar oo ka jeediyay qudbad madashasm ayaa sheegay sida ay muhiim u tahay in wadamada Carabtu ay wadaagaan xogta saadasha cimilada si loo badbaadiyo nolosha iyo hantida bulshooyinka.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of dais

Taliska Booliiska oo maanta yeeshay shirkii amniga looga hadlayay+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka Hoggaanada iyo qeybaha Booliiska oo Todobaadkan diiradda lagu saaray xoojinta amniga dalka si looga hortago falalka lidka ku ah ammaanka ee Khawaariijtu damacsan yihiin in Magaalooyinka oo Caasimadda Dalka ku jirto ka gaystaan si ay isaga yareeyaan culeyska Ciidan ee ku haysta furimaha Dagaalka.

Saraakiisha Ammaanka ayuu Taliyuhu uga mahadceliyey gudashada waajibaadka shaqo ee saaran, waxaana uu ku amray in sarkaal walba oo masuuliyadi saaran tahay shaqadiisa laba jibaaro wada shaqeynta dhexdoodana la xoojiyo si looga fogaado daldalool kasta oo carqalad ku noqon kara sugidda Amniga iyo wada shaqeynta Laamaha ammaanka .May be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text that says '宮 ርቲር CO n'

Madaxweynaha K/galbeed oo booqday furimaha dagaalka kadib guushii maanta +SAWIRRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta dhiirigelin iyo bogaadin ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugan furimaha dagaalka.
Booqashada Madaxweynaha ayaa dhacday kadib howlgal ka hortag ah oo ay saakay fuliyeen ciidamada, kaasi oo looga hortagay weerar ay Khawaarijtu isku dayeen inay kusoo qaadaan tuulada Burajeed oo ku taalla duleedka degaanka Daynuunay. Ciidamada ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxayna halkaas ku dileen in ka badan 35 dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, oo uu ku jiray horjooge ajaanib ah.
Meydka Khawaarijta la dilay ayaa maanta lagu soo bandhigay gudaha magaalada Baydhabo, si shacabka loo tuso guulaha laga gaaray la dagaallanka cadowga iyo sida ay ciidamada ugu taagan yihiin difaaca deegaannadooda.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ciidamada ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hureen difaaca dalka, wuxuuna sheegay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay sii kordhin doonto taageerada ay siiso ciidamada si loo xaqiijiyo amniga guud ee gobollada.

May be an image of 4 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 people

Ra’iisulwasaare Xamsa oo dhagax-dhiga mashruuc muhiim ah+SAWIRRO

Muqdisho, Khamiis, 17 Abriil 2025:— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah, taas oo ay yeelan doonto Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha looga fadhiyo sidii ay u horumarin lahayd wax-soosaarka dalka oo kaalin wayn ka qaata dhaqaalaha, isaga oo bogaadiyey dhismaha xaruntan oo ah mid casri ah oo fududeyn doonta adeegga ay wasaaraddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in saameynta isbeddelka cimilada adduunka ay yaraysay wax soo saarkii dalaga beeraha ee dunida, sidaas awgeedna loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka gudaha.May be an image of 13 people and textMay be an image of 13 people and text that says "TOn FSRP 13MALI4TEODSTENIN THE WORLD BANK MUNAASABADDA DHAGAX-DHIGGA DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA JFS FSRP .OBHHHИ THE WORLD BANK MUNAASABADDA DHAGAX-DHIGGA DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKAJ JFS"May be an image of ‎4 people and ‎text that says "‎ح- E5 WASAARADOND WARAABKA JFS‎"‎‎May be an image of 7 people and textMay be an image of 7 people and text that says "WARAABKA JFS WARAABKA JFS LOER"May be an image of 9 people and text that says "FSRP @MsIA1068.11IT781 BEaKЛACE ដេៅ THE WORLDBANK WORLD BANK MUNAASABADDA DHAGAX-DHIGGA DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA. JFS Γ3ΙИ BEEANCEMGACT 0 PRUTATIME THE WORLD BANK MUNAASABADDA DHAGAX-DHIGGA DI CUSUB EE WASAARADDA BEERAH WARAABKA JFS 17 April 17April20 20 Mogadishu"May be an image of 9 people and text that says "FSRP P THEM BA BAЛK DHISMAHA DHAGAX-DHIGGA BEERAHAIYO MUNAASABADDA EE CUSUB WASAARADDA WARAABKAJFS JFS S MENASIBADOA.CMACAL-OHI6GAD o EFSRP neHeAиии 1DHAGAK-DHIGGAD 4-DHIGGA DHAGAY CUSUBEE MUNAASABADOA WASAAR WASAARADDA BEERAH WARAABKAJFS T M 385 FERGUS 385 MASSEY FERGUSON A"May be an image of 9 people and textMay be an image of 9 people and text

SAWIRRO: Reer Baydhaba oo isugu soo baxay daawashada Meydadka Alshabaab lagu laayay Daynuunaay

Boqolaal Shacabka reer Baydhabo ayaa isugu soo baxay fagaaraha magaalada halkaasoo la soo dhigay meydadka Alshabaab saakay lagu laayay deegaanka Deynuunaay ee dhaca duleedka Baydhaba.

Goobtaani oo la sheego inay tahay halka Baydhaba laga ilaaliyo waxaa saaka howlgal ka fuliyay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed markaasoo ay dileen in ka badan 30 alshabaab ah kuwaasoo ah kuwa meydadkooda la daawanayo.

Shacabka oo oo aan wax cabsiya muujin ayaa isugu soo baxay inay daawadaan meydadka alshabaab.

Dhanka kale howlgalkaan waxaa sharaxaad dheeaad ah ka bixiyay Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalkii saakay khasaaraha xooggan ,waxay sheegeen in howlgalkaani khasaare lagu gaarsiiyay Ashabaab.
 Xasan Cali Sanweyne oo ah Taliyaha guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, islamarkaana hogaaminayay howlgalka  ayaa daboolka ka qaaday inay dileen 35 akshabaab ka tirsan sidoo kalana 60 ay dhaawaceen
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of one or more people, crowd and text that says "AVM ESTAURANT MIDNIMO 00000A LG :c :CBARXADA"May be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of one or more people, crowd and text

Gudiga joogtada ee Golaha shacabka maxay maanta ka hadleen?+SAWIRRO

May be an image of 6 people and daisMuqdisho-Soomaaliya 17, April, 2025: Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulankiisa todobaadlaha ah, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan sida ay lagama maarmaan u tahay dib u bilaabashada kulamada guud ee Golaha iyo muhiimadda ay leeyihiin maadaamaa shuruuc badan laga sugayo inuu Golaha ka howlgalo.
Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday shuruucda Golaha horutebinta u leh kulamada Golaha, waxaana ugu dambeyn kulanka lagu ajendeeyay kulamada Golaha Shacabka ee todobaadka soo socda.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle IsxaaqMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and text

Maamulka Hirshabelle oo ka shifay sababta Alshabaab culeyska usoo saareen deegaanadooda

JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa ka shifay ujeedka Alshabaab culeyska u soo saareen deegaanada Hirshabelle oo kaliya.

Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hirshabelle Cabdi Daahir Guure ayaa daboolka ka qaaday inuu jiro heshiis Alshabaab ay la soo gashay maamul Goboleedyada qaar si ay usoo dhexmaraan una soo weeraraan Hirshabelle.

“kooxda Alshabaab waxay kula heshiiyeen gobolada qaar inay culeyska ka soo qaadaan kaliyana ay u ogolaadaan inay dhanka soo dhexmaraan waana sababta keentay inay deegaanada Hirshabelle culeuska u soo saareen”ayuu yiri Wasiirka.

Wasirka wuxuu carabka ku adkeeyay si kasta ay tahay inay u diyaarsan yihiin inay iska difacaan kooxda Alshabaab weerar kasta ay ku soo qaadaan deegaanada Hirshabelle.

Masuulkaan ma uusan sheegin magac maamul kaliya si guud ayuu ka dhawaajiyay in maamulada qaar heshiis kula jiraan Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

DEG DEG: Dooman Alshabaab hub u siday oo la burburiyay

War goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia ayaa lagu sheegay in la bur burioyay hub alshabaab u socday.

Hubkaan ayay Dowladu sheegtay in lagu soo qaaday dooman kadibna ay u suuragashay in la burburiyo.

Doomanka inta ay yihiin, goobta lagu burburiyay cida talaabadaasi fulisay intaba Dowladu ma faahfaahin balse intaas ayay degdeg ku shaaciyeen.

Wixii faahfaahin ah wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS