Home Blog Page 11

Maamulka Somaliland oo shuruud ku xirey inay sii daayaan maxaabiista ay ka hayaan SSC Khaatumo

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Kadib markii dhawaan Maamulka SSC Khaatumo ay Dowlada Somalia ku wareejiyeen 25 maxaabiis reer Somalilland ah ayaa waxaa soo baxaya in Maamulka Somaliland aanu dooneyn inay Dowlada faderaalka Somala kala xaajoodaan arimaha maxaabiis is dhaafsiga iyo waliba shuruudo ay ku xireen sii deynta maxaabiista u xiran

Wasiirka Caddaaladda Maamulka Somaliland Yoonis Axmed Yoonis ayaa BBC-da u sheegay in maxaabiista ay dhankooda hayaan ay siideyn doonaan marka ay isku afgartaan dadkii ay tahay inay kala hadlaan.

Sidoo kale Maamulka Somaliland wuxuu ku gacan sayray inuu Dowlada Somalia kala xaajoodo maxaabiis is dhaafsiga iyagoona shaaciyay inay arimaha maxaabiista kaliya kala hadli donaan Hay’ada ICRC .

“siideynta maxabiista aan ku qabanay dagaalkii Laascaanood mar walba waxaan raaci doonaan hab-raacyo ,horana qaar ayaa u sii deynay”ayuu yiri Wasiirka   cadaalada oo sidoo kale xusay in maxaabiista hada la soo daayay qaarkood aysan askar ahayn balse ay ahaayeen shacab xoolo dhaqato ah laga afduubtay bariga Gobolka Sool sida ay warka u dhigeen.

Dhanka kale wasiirka u hadlay maamulka Somaliland wuxuu ugu baaqay Dowlada Faderaalka Soomaaliya inay maxaabiista reer Somaliland ku wareejiyaan Hay’ada ICRC iyaguna ay halkaasi ka doonan doonaan.

Baaqaan ah in Dowladu ICRC ku wareejiso ayay reer Somaliland ula jeeddaan diidmadooda ah inaysan Dowlada Somalia kala xaajoon arimaha maxaabiista sida ay doraad ku cadeeyeen shirkii Golaha wasiirada uu shir gudoominayay C/raxmaan Cirro.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Qodobada laga soo saaray shirkii Beesha Hawiye ay kaga hadlayeen la dagaalanka Alshabaab

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shir sedex maalin socday ayaa Magaalada Muqdisho ugu soo dhamaaday Odayaaasha dhaqanka Hawiye kuwaasoo ka halayay arimo ku saabsan la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Beelaha Hawiye ayaa falanqeeyay sidii ay ugu midoobi lahaayeen dagaalka islamarkaana deegaanada reerka oo dhan looga saari lahaa Alshabaab.

Haddaba halkaan ka daawo qodobadii shalay shirkaasi ka soo baxay:-

Garsoore Cumar Cartan oo Sabtida  dhex dhexaadin doona kulan ka tirsan wareegga afar dhammaadka CAF Champions League.

=XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA DAYNIILE.COM=
True Cable Sports-News - Garsoore Cumar Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona kulan ka tirsan is reeb reebka koobka aduunka kaas oo dhexmari doona xulalka kala ah Togo Vs Namibia. | Facebook
Garsooraha Soomaaliyeed ee  heer caalami Cumar Cartan ayaa sabtida maalin kadib wuxuu dhex dhexaadin doonaa kulan ka tirsan wareegga afar dhammaadka CAF Champions League.
Kulankaan oo u dhexeeya labada kooxood ee ka kala dhisan Dalalka Masar iyo Koofur-Afrika ayaa ka ah lugta kowaad ee wareegga afar dhammaadka CAF Champions League.
Kulankaani oo u dhexeeya kooxda Mamelodi Sundowns ee South Africa iyo kooxda Masar ka dhisan ee Al Ahly waxaa la sheegayaa inuu yahay aad u adag  kaasoo ka dhici doona 19-ka Abriil 2025 magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in ciyaartaan adag lugteeda labaad marti loo yahay kooxda Dalka Masar ka dhisan madaama kulanka sabtidaan marti loo yahay kooxda ka dhisan Dalka Koofur-Afrika.
kulanka Magaalada Qaahira  wuxuu dhici doonaa Jimcaha, 25-ka Abriil 2025 hadii alle idmo.
Maaha kulankii ugu horeeyay oo afar dhamaadka CAF Champions League ka tirsan oo uu dhex-dehxaadiyo  Garsoore Cumar Cartan balse waxay u tahay kulankiisii labaad oo uu dhex dhexaadiyo.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM 

Taageerayaasha Liverpool oo ka carooday go’aanka Alexander-Arnold

=XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA DAYNIILE.COM=

Liverpool boost as 'millions' Real Madrid, Alexander-Arnold 'offer ready'  for early exit with new arrival dateTaageerayaasha Liverpool ayaa aad uga carooday go’aanka daafacooda 25- jirka ah ee dhanka Midig Alexander-Arnold kadib markii uu saacadihii ugu dambeysay go’aansaday inuu Real-madrid aadayo xili ciyaaraeedka danbe.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Alexander-Arnold uu aqbalay  heshiis uu ugu wareegayo kooxda reer Spain marka uu dhammaado qandaraaskiisa Liverpool oo sanadkaan kala barkiisa ku eg.

Ciyaaryahankaan ayaa maalmihii ugu dambeysay arintisia waxay qabsatay warbaahinta sportiga iyo baraha bulshada xili la hadal hayay inuu ka fekereyo inuu kooxda ka tagayo xili ciyaareedkaan madaama qandaraaskiisa uu dhamaad yahay.

Ugu dambeyn ciyaaryahankaan waxaa hada la sheegay inuu heshiis horudhac ah la gaaray real-madrid inkastoo rasmi ahayn balse uu si shaqsi ah ula galay islamarkaana uu go’aankiisa ugu dambeeya u qaatay inuu ka tago kooxdii uu ku soo dhex bar-aaray ee Liverpool.

Taageerayaasha Liverpool oo ogaaday go’aankiisa ugu dambeeya ayaa aad uga carooday waxayna durba ku baaqeen in keyd la geliyo inta ka dhiman xili ciyaareedkaan oo ah inta uga harsan heshiiska uu kula joogo kooxda.

XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM

Real Madrid oo ceyrineysa lix ciyaariyahan

XIGASHO LAACIB.NET

Real Madrid ayaa qorsheyneysa isbeddel weyn xilli ciyaareedka 2025 kadib markii la xaqiijiyay in illaa lix ciyaaryahan ay ka tagi doonaan kooxda, sida uu weriyay Radio MARCA.

Luka Modrić iyo Lucas Vázquez ayaa lagu wadaa in si sharaf leh loo macsalaameeyo. Modrić, oo 39 jir ah, ayaa la sheegayaa inuu xiiseynayo ku biirista kooxaha Qatar, halka Vázquez uu isna u muuqdo mid aan heshiis cusub heli doonin.

Sidoo kale difaacyada Ferland Mendy iyo David Alaba ayaa lagu daray liiska la filayo in la fasaxo, maadaama dhaawacyo isdaba-joog ah ay hoos u dhigeen waxqabadkooda.

Weeraryahanka Rodrygo Goes, oo xiiso ka helaya Premier League, ayaa noqon kara mid la iibiyo si loo furo boos cusub oo weerarka ah. Arda Güler isna waxaa laga yaabaa in la amaahiyo ama la iibiyo si uu waqti ciyaareed u helo.

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah qorshaha Real Madrid ee lagu yareynayo da’da kooxda, laguna dhisayo jiil cusub. Waxaa la filayaa in xagaagan lagu arko saxiixyo cusub iyo wajiyaal cusub oo beddelaya kuwa la macsalaamayo.

Kooxdu waxay dooneysaa in ay sii ahaato mid tartan adag la gasha kooxaha waaweyn ee Yurub.

Real Madrid Oo Ceyrineysa Lix Ciyaariyahan

Bukayo Saka oo qiimeeyay fursadaha Arsenal ee ku guuleysiga Champions League kadib guushii Real Madrid

=XIGASHO LAACIB.NET =

Garabka Arsenal, Bukayo Saka, ayaa taageeray kooxdiisa Gunners inay ku guuleysan karto koobka Champions League xilli ciyaareedkan.

Saka wuxuu hadalkaan jeediyay kadib markii uu ku hoggaamiyay Arsenal guushii ay ka gaareen Real Madrid kulankii lugta labaad ee wareega siddeed dhammaadka Champions League Arbacadii.

Ciyaaryahanka reer England, oo rigooro ka khasaariyay ciyaartaas, ayaa furay goolasha qeybtii labaad isagoo u dhaliyay goolka koowaad ee martida.

Xiddiga kale ee Arsenal, Gabriel Martinelli, ayaa isna dhaliyay gool kale, waxeyna ciyaarta ku dhammaatay 2-1 oo ay ku badisay Arsenal garoonka Santiago Bernabeu.

Arsenal ayaa u soo baxday afar dhammaadka iyadoo ku guuleysatay wadarta labadii lugood 5-1, maadaama ay lugtii hore ku badisay 3-0 garoonka Emirates.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa hadda la ciyaari doonta Paris Saint-Germain wareega afar dhammaadka Champions League dhammaadka bishaan.

Saka wuxuu yiri intii lagu guda jiray wareysi ciyaarta kadib:

“Waxaan garaaci karnaa kooxaha ugu fiican Yurub gurigeena iyo meel kasta, waad arkaysaan taas,”

“Waxaan jeclahay inaan aaminno in aan ku guuleysan karno Champions League. Waxaan qabaa inaan kari karno.”Bukayo Saka Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guuleysiga Champions League Kadib Guushii Real Madrid

XOGTA: Wasiir Fiqi oo ka carooday hadal ATMIS ay ku taageereen Alshabaab iyo hanjabaad uu u direy ninka xukuma Atmis”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Maxamed Macalin Fiqi ayaa ka carooday hadal ATMIS ka soo yeeray kaasoo u muuqday inay ku taageerayaan Alshabaab.

Wasiir Fiqi ayaa si toos ah oo aan leex leexad lahayn wuxuu ugu janjabay ninka hada heysta ama xukuma howlgalka Atmis ee saldhigooda ugu weyni yahay xerada xalane oo ku dhagan Garoonka diyaaradaha Adan Abudlle internatinal Airport ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi wuxuu shaaciyay in xalane qoloda joogta isku jiraan oo ay bogaadinayaan Dowladaha iyo Hay’adaha Somalia taageera sida dhaqaalaha iyo hubka laakiin wuxuu xusay inay jiraan kuwo been faafiya oo alshabaab dacaayadaha u faafiya.

“waxaa jira kuwo mushaar u soo doontay somalia oo been faafiya kuwaasoo dhaya Alshabaabkii dabeecadihii bay iska badaleen oo sida dowladnimo ayay u dhaqmaan oo dadka ma dilaan, cadaadiskii waa joojiyeen,cunaqabateyntii waa qaadeen”ayuu yiri Wasiir Fiqi oo ula jeeday kuwa howlgalka Atmis magacooda ku jooga.

“waxa saas u hadlaya waxaa ka mid ah Ninka hada hogaamiya Atmis ee ah ku xigeenka ninka u sareeya balse hada ku simaha u ah,  koleey Talaabo ayay Dowladu ka qaadi doontaa”ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi

Sidoo kale Wasiir Fiqi wuxuu kashifay in ninkaan Atmis hada heysta uu shalay oo u danbeysay warbixino u kala gudbinayay UN-ka.

” warbixinada uu qorey waan arkeynay oo wasaarada arimaha dibada ayaa hada gacanta ku heysa”ayuu yiri Wasiir Fiqi oo carabka ku adkeeyay inay talaabo ka qaadi doonto Dowladu.

“sida aan u leenahay raga anaga nala dhashay oo ahaa madaxdeenii hore sida Ra’iisulwasaarayaal iyo madaxweynayaal hore aan isaga celino ayaan isaga celineynaa oo nin ajanabi ah haduu afka nala soo galo isagana waa iska celineynaa loo aamusi maayo”ayuu yiri Wasiir Fiqi

Wasiirka oo ka hadlayay shirkii Beelaha Hawiye ayaa ku soo gabagabeeyay warkiisa inay Alshabaab dagaal la galayaan sidaas oo kalana kuwa afkooda ku hadlana dagaalka la galayaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Faah-faahinta Doomankii hubka u waday Alshabaab ee la bur-buriyay

Sida warbixinadii maanta aan idnku ku sheegnay si horu dhac ah in dooman hub u siday Alshabaab la burburiyay ayaa waxaa ka soo baxaya warar dheeraad ah.

Howlgalkaan ayaa dhacay doraad balse maanta ayay Dowladu shaacisay waxaana iska kaashaday howlgalka Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM)  kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararku waxay tilmaamayaan duqeymo dhanka cirka ah lagu beegsaday doon aan calan lahayn alshabaab u waday hub casri ah iyo waliba dooni caawineysay oo la socotay.

Mareykanka Taliskooda Afrika oo ka hadlay howlgalka wuxuu sheegay inay ka hor tageen falal amni daro oo lidi ku ahaa amniga somalia iyo kan guud ahaan tan gobolka  sidoo kale doomanka la burburiyay waxay lidi iyo dhibaato ku ahaayeen saaxiibada caalamiga ah.

Sidoo kale wararka laga helayo howlgalka wuxuu intaasi ku darayaa in howlgalkaani sidoo kale lagu dilay dadkii doomanka la socday xili dad shacabana aysan wax khasaare ah ka soo gaarin.

Warka Mareykanka inkastoo ay ku cadeeyeen inay duqeyn xaga cirka ah ku burburiyeen doomanka Alshabaab u siday hubka hadana ma aysan sheegin halka uu howlgalka ka dhacay ma bada somalia mise meel ka baxsan.

Dhanka kale Dowlada Somalia waxay soo dhaweysay howlgalka Mareykanku la beegsaday hubka alshabaab loo soo waday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maamulka Somaliland oo Ra’iisulwasaare Xamse ku eedeeyay Dagaal maanta ka dhacay Gobolka Sanaag

kadib dagaal maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaad ee ay isku ayaan maamukada Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa waxaa si kulul uga hadlay masuul ka tirsan Maamulka Somaliland.

Masuulkaan oo ah Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee dhanka Somaliland ayaa ku eedeeyay dagaalkaasi inuu ka dambeeyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Bare.

Qoraal uu qorey Guddoomiyaha gobolka Sanaag garabka Maamulka Somaliland  Axmed Cabdi Muuse (Isdeber) ayaa sidan u qornaa:-

Kooxaha Nabadiidka ah ayaa weerar maanta waxay kusoo qadeen fadhiisimaha hore ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gaar ahaana Taliska Dhuurmadare ee Koonfurta Gobolka Sanaag waxana ay ciidmaada Qaranku ay udhigeen Cashar lama ilawaan ah kuwaasi oo laga Qabtay Tirro Maxaabiis ah iyo Gadiidka Gaashaaman ee dagaalka ay wateen.
Nabadgelyada darada kooxahan waxa masuul ka ah Raisul wasaaraha dawlada taagta daran ee Somaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Xukumadiisa oo Safar Nabadgelyo darro ah kuyimi dhulka Somaliland kaas oo ay maanta fariintiisii Fuliyeen , taas oo uu ku carqaladaynayaan Nabadaynta dadka oodwadaag ta ah ee aan marna kala maarmi karin .
Ka dowlad ahaan waanu ku filan nahay Difaaca dhulkeeda,marnaba gor gortan cidna kala gelimayso jiritaankeeda iyo ilaalinta Madax banaanideeda dhuleed JSL
Amni darrada dhuleed ee ay wadaan iyo dulaanka Gardarada ah waa uga digaynaa cawaaqib ka Dhashana masuuliyadiisa waxa qaadaya maamulka Xamar.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag
Axmed Cabdi Muuse (Isdeber)May be an image of 1 person and newsroom
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS