Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda casho sharafta ah oo uu sameeyay gudddoonka Golaha Shacabka ayaa waxa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Madaxweyneyaasha Dowlad-gobolleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda.

— DHAMMAAD—
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale.
May be an image of 14 people and suitMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, table, lighting and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, people smiling and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people, lighting and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 5 people, beard, people smiling and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here