Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Dugsiga Qur’aanka oo si casriyeysan loogu dhisayo Caruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed.
Dhagax-dhiga dugsiga kadib Taliyaha ayaa kormeeray dib u habeyn lagu sameeyey gudaha Xarunta lagu Barbaariyo Caruurta Booliska oo uu maamul cusub ugu magacaabay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqoonta iyo goobta wax lagu baro da’yartan soo koraysa.
Dowlada Somalia ayaa hore ugu sameysay caruurtaan iskuul ay wax ka bartaan iyo meelo ay ku hoydaan intaba


Advertisement