XERAALE (DAYNIILE.COM)-Deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa laga soo sheegayaa in sedex caruur ah oo isla dhalatay ay miino kula qaraxday gudaha deegaankaani.

Caruurta ayaa dhamaantood u geeriyootay Miinada kadib markii iyagoo ku ciyaaraya ay ku qaraxday.

Advertisement

Caruurta laba ka mida isla goobta ayay ku geeriyoodeen halka midka sedexaad dhaawac ahaan loogu qaaday goobaha caafimaadka inkastoo markii danbe isna uu dhaawaca u geeriyooday.

Gudoomiyaha  Deegaanka Xeraale ayaa ka hadlay wuxuuna sheegay inay ahayd masiibo dhacday,caruurta geeriyootay ayuu ku sheegay inay kala ahaayeen  2 gabdhood iyo wiil.

“dhacdadii sedexaad waaye sanadkaan waana wax dalka ku soo noqnoqda ,waana dhibaata ka imaaneysa miinooyinka haraadigii dagaalkii 1977-kii Somalia iyo Itoobiya, waan ka tacsiyeyneynaa”ayuu yiri Gudoomiyaha oo la hadlaayay idaacada Kulmiye

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here