Sida uu cadeeyay Zemane Kase, oo kamid ah hoggaamiyayaasa Jabhada Amxaarada ee Fano waxaa jira caqabado iyo Tafaraaruq soo wajahay halgankooda la dagaalanka iyo ridida Dowlada Itoobiya ee  uu hogaaminayo Abiye Axmed.
Hogaamiyaha Jabhada Fano wuxuu sheegay inay caqabadu ka soo wajahday dhanka hogaanka  isagoo carabka ku adkeeyay in halkgankooda uu isku badalay mid kumanaan jiho looga arrimiyo islamarkaana kala daadsan.
Kooxo  kala duwan ayu sheegay inay sheeganayaan hogaaminta Jabhada kuwaasoo uu tusaale u soo qaatay Aktifistayaal,qurba joog,ururo dibada iyo gudaha ah dhisan.
Sarkaalkaan wuxuu u soo jeediyay qolooyinka qurba joogta ah inay iyaga fursad siiyaan ama ay dalka yimaadaan kadibna dagaalamanaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here