=XIGASHO BBC SOMALI=Jaantus

Canshuur 5% ah oo lagu magacaabo VAT (Canshuurta Iibka) ayaa laga hirgeliyay suuqyada magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in qiimaha canshuurtan ay tahay tan ugu hooseysa ee dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Advertisement

Madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda labaduba waxay ku dhawaaqeen in siyaasadda cusub ee canshuurtan ay tahay mid ka qiimo wanaagsan oo ka yar marka loo eego dalalka deriska ah sida Kenya oo qaadda 16%, Uganda iyo Tanzania oo iyaguna qaada 18%.

Hadaba, taasi ma waxay ka dhigan tahay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed uu culayska dhaqaalaha canshuurta laga qaado ka fudud yahay kuwa dalalka kale ee Bariga Africa?

Si aad u hesho jawaabta su’aashaan, waxaad u baahan tahay inaan kuu sharraxo marka hore qaabka loo canshuuro muwaadiniinta dalalka Bulshada Bariga Afrika.

Suuqyada Kenya

Cashuurta VAT ee Dalalka Bariga Afrika

Waddamada Bariga Afrika oo ay ka midka yihiin Kenya, Uganda, iyo Tanzania ayaa qaada qiimo sare oo canshuurta VAT ah marka loo eego. Balse, wadamadan ayaa waxay canshuur ka-dhaafitaan u sameeyaan addeegyada iyo alaabaha qaarkood – gaar ahaan kuwa daruuriga u ah nolosha.

Kenya, Waxa ay qaadaa canshuur iib oo dhan 16%, balse sida uu dhigayo sharcigeeda canshuurta VAT waxa ay ka dhaaftaa canshuurta iibka alaabooyinka lagama maarmaanka u ah nolosha, “Qudaarta, rootiga, caanaha iyo dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah lagama qaado canshuur haatan,” sidaas waxaa BBC da u sheegay Biloow Keeroow oo ah dhaqaale yahan ku sugan Kenya.

“Waxyaabaha iskuulka, sida lacagta waxbarashada ma lahan canshuurta VAT,” ayuu hadalkiisa raaciyay Keeroow.

Sidoo kale daryeelka caafimaadka, oo ay kamid yihiin, daawooyinka, qalliinka bukaanada iyo baaritaanada ayaa iyana canshuur dhaafitaan loo sameeya, sida uu BBC da u sheegay Keeroow.

Sidoo kale wadamada kale ee ku jira Dallada Bulshada Bariga Afrika, sida Uganda iyo Tanzania ayaa sida sharciyadooda canshuuraha iibku qabaan waxaa canshuurta VAT ga laga dhaafaa adeegyada iibka qaar.

Balse Soomaaliya sidaas waa ay ka duwan tahay.

Nidaamka Soomaaliya ee qaadista canshuurta VAT

Canshuurta iibka (VAT) ee ah 5% Soomaaliya, ayaa lagu dalacayaa guud ahaan ganaciga dalka nooc kasta uu yahay, sida uu BBC da uu u sheegay sargaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Ma jiraan wax canshuur ka dhaafid ah oo loo sameenayo adeegyada iyo walxaha aasaasiga u ah nolosha sida hadii ardey iska bixinayo lacagta waxbarashada ama qof buka uu u baahan yahay baaritaan iyo qalliin, ama xitaa qoys danyar ah uu kiilo yaanyo ah ka soo iibsanayo suuqa.

Taas oo ka dhigan in wax walba, laga bilaabo raashinka ilaa daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, laga qaadi doono canshuur dhan 5%.Suuqyada Soomaaliya

Hadii aadan wali fahmin aan tusaale kooban kaa siiyo sida labada canshuureed ay u kala culays badnaan karaan.

Hadii muwaadin Soomaali ah oo jooga Muqdisho uu haysto $100, oo uu aado suuqa isaga oo u baahan in uu soo iibsado, shan kiilo oo baradho ah oo joogta $10, cambe iyo moosna uu ku iibsado $20, sidoo kale uu iibsado $70 doolarna uu iskuulka uu dhigto siiyo. Waxaa looga baahnaan doonaan in uu %5 ka bixiyo dhamaan waxyaabaha uu gatay ee kala ah shey ama adeeg. Qidmada guud ee ka go’I doonta muwaadinkaas Soomaaliyeed ayaa waxay noqon doontaa $5.

Balse qof muwaadin Kenyan ah oo jooga Nairobi, oo haysta qiimo lacageed oo u dhigma $100, hadii uu intaas oo kale ka soo iibsado suuqa, sidoo kalana uu iska bixiyo lacagta adeeg waxbarashada, waxba kama go’i doonaan, sababtoo ah Kenya canshuur kama qaado dhammaan waxyaabahaas.

Jaantus is barbardhig ah.

Waa maxay sababta Soomaaliya ay wax walba u canshuurayso?

Sida uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, siyaasaddan wax walba canshuurida ah ayaa loogu talagalay in ay noqoto il dakhli oo kaafisa maalgelinta horumarka dalka iyo dib u dhiska ammaanka iyo dhaqaalihiisa jilicsan.

“Dowladdu dakhli kale ma qabto oo aanan ahayn, canshuurta yarta ah ee dadka suuqyada ku ganacsanaya laga qaado, sida gabadha jidka shaaxa ku gadaysa, iyo ninka gaadhi gacanka ku dul gadaya mooska,” sidaas waxaa yiri madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay sababta canshuurta iibka ganacsi walba looga qaadayo.

Sidee dhaqaale yahannadu u arkaan siyaasaddan ‘Wax walba canshuurida ah’ ?

Farxiya Maxamuud Xasan, oo ah cilmi-baare katirsan hay’adda Somali Public Agenda ee ka shaqaysa cilmi baarista – kuna takhasustay horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda lacagta, iyo cilmi baarista, ayaa sheegtay in ay fahansan tahay ujeedka dowladda Soomaaliya wax walba u canshuurayso ee ah in la kordhiyo dakhliga gudaha dalka.Farxiya Maxamuud Xasan - Somali Public Agenda

Waxay sidoo kale xustay in canshuurista waxyaabaha lagama maarmaanka ah sida cuntada, daryeelka caafimaadka, iyo waxbarashada ay culeys aan loo baahnayn duldhigayso dadka inta badan saboolka ah.

Farxiya ayaa xalka dhaqaale ee canshuurta iibka ku tilmaamtay in kaliya ay tahay in diiradda lagu saaro ganacsiga alaabaha aanan daruuriga u ahayn nolol maalmeedka.

“Waxaa dhici karta in ganacsiyada iyo dadweynuhu la imaadaan farsamooyin kale oo canshuur ka fogaasho ah taasoo hoos u dhigi karta dakhliga ay dowladda filaneyso,” ayay Farxiya u sheegtay BBC-da.

Canshuurista badeecadaha iyo adeegyada muhiimka ah, ayaa sidoo kale culeys dheeraad ah saari karta dadka dhaqaale ahaan nugul.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here