Siyaasiga Cali Yarre Cali islamarkaana Dowladii Farmaajo ka soo noqday Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbook wuxuu kaga hadlay talaabo uu qaaday Taliyaha Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe.
Cali Yare Cali ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Taliye Sambaloolshe uu todobaadkaan shaqo ka qabtay sida uu sheegay isku-milankii NISA iyo Kooxda Alshabaab islamarkaana uu isku shaandheyn ku sameeyay hogaanka NISA.
Haddaba qoraalka Cali Yarre ayaa sidaan u qornaa:-
NADIIFINTA NISA.
Sanbaloolshe wuxuu asbuucaan shaqo xooggan ka qabtay isku-milankii Khawaarijta iyo NISA.

Wuxuu badalay dhammaan hoggaannadii beecmushtarka ka dhex sameeyn jiray hey’adda ee habeenkii aqalladooda laga abaabuli jiray amni darrada caasimadda, wuxuu ku badalay dhallinyaro aqoon duruqsan u leh arrimaha amniga.

Arrinka ugu xiisaha badan isbeddelka dhacay waa in maamulka ugu sarreeya ee xafiiska hey’adda gaar ahaan xafiiska agaasimaha sirdoonka iyo madaxa tabbobarrada loo dhiibay Maxamed Mursi oo ah nin dhallinyaro ah oo Maahir muddo dheer u afduubnaa markii uu beenabuur kusoo eedeeyay sidii madaxdii Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo kale.

Maxamed Mursi waxaa dhalay ganacsadaha leh Shabeel oo ah xarun ay dagaan hey’addaha caalamiga ah iyo madaxda dalka soo booqata horayna u aheyd xaruntii ololaha madaxweyne DALXUMEEYE, ugu danbeyna aqoon uu dalxumeeye u lahaa qoyska reer Kadiye ayaa amarkiisa lagu sii daayay Maxamed Mursi.

Sidoo kale xilligii Maahir joogay waxaa hey’adda laga saaray sarkaalkii ugu qibradda badnaa ee dalkeenna soo maray burburkii kadib hey’adda sirdoonka dalkeenna, oo muddo 15 kusii dhow maamulayay xafiiska la dagaalanka argagixisada oo isaguna isla qoyska reer Kadiye ka tirsanaa.

Cadaawadii Maahir iyo Khawaarijtu ku beegsadeen qoyska reer Kadiye, gaar ahaan labada sarkaal oo ay kala dhaleen ganacsade Daahir Abdullahi Kadiye iyo ganacsade Mursal Abdullahi Kadiye waxeey maanta alle qadaray in qoraxda Muqdisho ay galabtabugu dhacdon iyaga oo NISA maamulaya iyo Maahir oo amarkooda looga sii deeynayo koontaroollada amni ee Muqdisho ku yaalla.
Ilaahoow dakano Saleebaan naga gelin. AAMIIN.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here