Jowhar, 4-June-2024: Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta booqday Taliska Qeybta 5-aad xarunta howgalka kumeel-gaarka ah ee Midoowga Afrika (ATMIS) si ay uga wada hadlaan iskaashiga amni ee u dhaxeeyo Hirshabeelle iyo ATMIS.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya taas Jowhar ka hirgelineyso xarun ay leeyihiin ciidamada Danab.

Advertisement

“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhammeystirayo Khawaarijta waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa u diyaar-garoobayo hoggaaminta wejiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here