Jowhar, 19-Janaayo-2025: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta u soo gunaanuday tababar muddo dheer u socday dufcadii 2-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle kuwaas oo qeyb ka noqonayo Booliiska Hirshabeelle.

Munaasabadda tababarka lagusoo gabogabeynayey waxa kale oo goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle.

Advertisement

ā€œAdkeysi iyo dulqaad ayaad muujiseen muddadii tababarka, waxaa la joogaa waqtigii aad xaqiijin laheydeen amniga guud ahaan Dowladda Hirshabeelle. Waxaad aflaxdeen idinkoo agabkiinna idiin dhammeystiran yahay.ā€

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ku dhawaad 300 askari oo maanta tababarka loosoo afmeeray inay dhowraan sharafka iyo karaamada shacabka Hirshabeelle.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur.

Ā½

 

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here