1-Maarso-2025, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa bisha barakeysan ee Soon-qaad waxa ay ugu bilatay isagoo ku sugan aagaga dagaalka xilli uu hoggaaminayo howgalka dabar-goynta Khawaarijta.
Labada Gobal ay ka kooban tahay Hirshabeelle ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa waxaa ka socdo dagaal ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka.
Advertisement
Madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa booqday dhowr difaac waxana uu kula kulmay Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo saraakiil ciidan.
“Aan kawada qeyb galno howlgalka dabar-goynta Khawaarijta, waa lagama maarmaan difaaca sharafka muwaadinka.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu baaqay in ciidamada ay adkeysi muujiyaan si ay u soo hooyaan taariikh cusub xilli isku-dayadii Khawaarijta la fashiliyey.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Advertisement