Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo Guddiga Gurmadka qaran oo ay ugu horeyaan Wasiirada Wasaaraddaha, Cafimaadka, Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA ayaa Xarunta NEOC ku qabtay kulan diiradda lagu saaray sidii jawaab soo kabasho looga bixin lahaa khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta SoDMA ee xaaladda suuqa ee lagu ogaaday safarkii u kuur galidda ahaa ee Guddoomiyaha Hay’adda ku tagay Jowhar, kaasi oo lagu xusay in dabku baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $2 milyan ilaa 2.5 milyan, isla-markaana wax-yeelleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Hay’adda SoDMA iyo Guddigu Gurmadka Qaran ku booriyay dedaalka socda ee dadka khasaaruhu gaaray lagu garab istaagayo, Guddiga ayaana ballan-qaaday in si wax-ku-ool ah loo taageeri doono dadka ceyrtoobay ee gacan-qabadka deg-degga ah u baahan.
May be an image of 3 people and suitMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 9 people, lighting and hospitalMay be an image of 4 people, dais and newsroomMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, television, lighting, newsroom and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person, beard, smiling, eyeglasses and newsroomMay be an image of 6 people, suit and textMay be an image of 1 person, television, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 6 people, table, newsroom, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here