Moqokori, 27-July-2024: Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo ay wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xubno Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa maanta dul-tagay dhammaan mashaariic hirgalay iyo kuwa socda ee degmada Moqokori.
Mashaariicda xariga laga jaray ee degmada Moqokori:
1. Dugsi Hoose, Dhexe
2. Xarunta Maamulka Degmada
3. Garoon Ciyaaraha Degmada
4. Xarunta Maxkamadda Degamda
5. Nalalka Cadceeda
6. Ceel Biyood
Mashaariicda laga dhagax-dhiggay degmada Moqokori:
1. Dugsi Sare
2. Suuq Xoolo
3. Xarunta Xanaanada Xoolaha
4. Buundo looga gudbo tog-biyood
5. Saldhig Boolis
Advertisement
Mashaariicda Bulshaddu Maalgashatay Ee gabogabada ah:
1. Isbitaalka Degmada
2. Garoonka Ciyaaro
3. MCH
4. Aargada
“Dadaal Dowladda Hirshabeelle iyo isku-tashi dadweynaha degmada Moqokori ayay ku hirgaleen mashaariicda. Waxaan garab-siineynaa cida walba oo Dowladnimada garab u ah.”
Degmada Moqokori ayaa kasoo kabaneyso dhibkio Khawaariijta waxaana u baxay iftiin Dowladnimo waxana ay ka faa’ideysteen barnaamijka Xasilinta.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
Advertisement