Jalalaqsi, 31-July-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, xubno Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa kormeer shaqo iyo dhagax-dhig ka sameeyay degmada.
MASHAARIICA LAGA HIRGELINAYO DEGMADA JALALAQSI:
1. Xarunta Maamulka Degmada
2. Saldhig Booliis
3. Suuqyada Ganacsiga iyo Xoolaha
4. Maxkamadda Degmada
4. Dugsi Hoose, DHexe (Tardo)
5. Nalalka Cadceeda
6. Iskoolka Xanaannada Carruurta
7. Dayactirka Buundada
8. Daah-furka Mashruuca Taakulaynta Bulshada Nugul – Social Protection 5,000 oo qofood muddo 2-sanno ah (SCSS2).

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kormeeray Isbitaalka Guud ee degmada Jalalaqsi, Garoonka Diyaaraddaha, iyo Buundada waxana uu socod ku maray labada qeyb ee degmada Jalalaqsi.

“Dhammaan mashaariicdaas si dhaqso ah ayay halkan uga fulayaan. Waxaan soo arkay sida uu u shaqeeyo Isbitaalka waana loo dhammeystirayaa agabka ka maqan.”
Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinka ugu taariikhda dheer Gobalka Hiiraan waxana ay degmonimo qaadatay sannadkii 1970-kii.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
May be an image of 6 peopleMay be an image of 4 people, hospital and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 12 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of map and textMay be an image of 11 people and hospitalMay be an image of 10 peopleMay be an image of 8 people and textMay be an image of 1 person and hospitalMay be an image of 11 peopleMay be an image of 3 people, people studying and hospitalMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 1 person and grassMay be an image of 12 peopleMay be an image of 11 people and rhinocerosMay be an image of 10 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here