TARDO, 29-July-2024: Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, saraakiisha ciidamada qalabka sida, fannaaniin iyo wariyayaal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta isku maray deegaanada Mooro-Arri iyo Tardo oo ka mid ah goobihii laga xorreeyay Khawaarijta.

Advertisement

“Halgankii kaddib waxaa maanta soo gaaray deegaanada Mooro-Arri iyo Tardo. Waxaan qirayaa in Tardo ay soo gartay heer ay degmo noqoto.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maamulka iyo shacabka labada deeggaan ee Mooro-Arri iyo Tardo ugu mahadceliyay soo dhaweynta ay wafdigiisa u sameeyeen.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Barakaat

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here