Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle ayaa xalay munaasabad casho-sharaf ah kala qeyb galay wafdiga labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo Jowhar u yimid ka qeyb galka furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.
Xubnaha labada aqal ee BJFS ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle safarkii dheeraa iyo horumarada uu ka sameeyay deegaanada iyo degmooyinka laga xorreeyay Khawaarijta.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle: “Taladiina, wada-tashigeena iyo wadajirkeena ayaa horumar noo ah, Isku-duubni aan ugu dhaqaaqno xorreynta Galbeedka.”
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa berri si rasmi ah u furi doono Kal-fadhiga Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
Advertisement