Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shalay xafiiska ku qaabilay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen & wasiirka qorshaynta xukuukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene.
Taliyaha ayaa madaxdii uu la kulmay kala hadlay qorshaha la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah ee Al- Shabaab ee dadaalada horumarinta ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed.
Advertisement
Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa bogaadiyay horumarka & guulaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed uu gaaray , isaga oo bogaadiyay ciidanka naftood huriyaasha ah ee u tagan maalin iyo habeen sugidda nabadgayada Dalka.
DHAMAAD.




Advertisement