Cali xasan Cali oo looyaqaano ( Cali Dheere ) ayaa isku Soo Dhiibey Taliska Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad CXDS Ee Fadhigeedu Yahay Degaanka goof gaduud Buurey.

wuxuuna Tababaro kala Duwan kusoo Qaatey Gobalada Baay iyo Sh/Dhaxe wuxuuna Dagaalo dhowr ah ka qeyb qaatey oo ka dhacay Degmooyinka Aadan yabaal Masaajid Cali Gadud Iyo Qeybo kamidah Mudug iyo Gal- Gaduud .

Wuxuuna Maleshiyada Al Shabab Kujirey Mudo Kabadan 12 sano .
Maxamed Deeq Abdullahi Cali Ayaa Asna Saaka isku Soo Dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed oo Fadhigeedu yahay Degaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw Ee Gobalka baay oo ay kusugan yihiin Cutubyo Katirsan Taliska Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed.

Maxamed Deeq wuxuu Maleshiyada Al Shabaab Tababaro ugu Sooqatey Degaanka 20 jirow Ee Gobalka Baay wuxuuna uqaabilsanaa Baada Shacabka Soomaaliyeed .

Ugu Dambeyn Cali Xasan iyo Maxamed Deeq ayaa Siwadajir ah Saxibadooda Duurka jira ka codsadey in ay isku Soo Dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed.
May be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and beardMay be an image of 6 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person, smiling, horizon and grass
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here