Dhageyso: Cosoble Oo Baaq Nabadeed Diray – Goobjoog

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa ka hadlay xaalada uu xiligaan ku sugan yahay Dowlad Goboleedka Hirshabelle isagoo dhaliilay Madaxweynaha xiligaan ee Hirshabelle Cali Guud-laawe.

Advertisement

Siyaasigaan wuxuu xusay in Maamulka Hirshabelle uu dhintay xiligaan islamarkaana lagu nooleyn karo in Madaxweyne Xasan kala diro maamulka sida Madaxweynaha,Golihiisa Wasiirada iyo Baarlamaanka dhamaantood.

“Madaxweyne Xasan isagaa markii horaba Degreeto ku soo magacaabay hadana waa inuu kala diraa si loo helo hogaan dhamaan kalsooni loo wada hayo”ayuu yiri Cali C/laahi Cosoble.

Cali C/laahi Cosoble wuxuu carabka ku adkeeyay in reer Hiiraan ay ku kalsooneyn madaxweynaha hada jooga islamarkaana ay sameysteen Hiiraan State xili dhawaana ay u dabaal degeen aas’aaskooda.

“aniga oo ah madaxweynihii ugu horeeyay ee hirshabelle soo aas’aasay waxaan maanta leeyahay Hirshabelle waa geeriyootay,kaliyana waxaa xal u ah in Madaxweyne Xasan kala diro hogaanka hada jira”ayuu yiri Cali C/laahi Cosoble

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here