TORONTO (DAYNIILE.COM)-Waxaa shalay lagu qabtay Magaalada Toronto ee Dalka Canada xaflad lagu xusayay maalinta 26-ka June 1960-kii oo ah markii ay Soomaaliya ka xorowday gumeystihii Ingiriiska.

Xarunta looga taliyo Magaalada Toronto ee loo yaqaan City Hall waxaa laga taagay calanka Sooomaaliya taasoo aad u farxad gelisay soomaalidii ka soo qeybgashay.

Advertisement

Magaalada Toronto ee dalka Canada waa halka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan marka loo eego magaalooyinka kale ee dalka Canada.

Munaasabadaas waxaa soo qaban qaabiyay Urur Soomaalidu leeyihiin oo lagu magacaabo  TODAY, xaflado badan ayaa dalka iyo dibadiisa lagu qabtay kuwaasoo lagu weynaynaayay xuska maalintaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Calanka Soomaaliya oo laga taagay Toronto xalay.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here