NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo badanaya cadeymaha ay soo bandhigayso Hay’ada danbi baarista Dalka Kenya taasoo ku saabsan dilaaga dumarka Somaaliyeed ee Magaalada Nairobi ninka magaciisa lagu sheegay Haashim.
Cadeymihii ugu dambeeyay ee ka soo baxay dilaagaani waxaa ku jira dharkii ay lahayd gabadhii ugu dambeysay ee uu dilay taasoo lagu magacaabo Deeqo kuwaasoo laga helay qabriga langata.
Sidoo kale waxaa baaristu tilmaameysaa inay jiraan shakiyo laga qabo dad lacago kala duwan u direy dilaaga kuwaasoo shirkadaha Safaari iyo kuwa Xawaaladaha laga dalbaday inay cadeymo buuxa ka keenaan lacagahaan soo gaaray Haashim si baaritaano loogu sameyo .
lacagaha garay akoonka Hashim ayay baaristu sheegysaa inay gaareyso ilaa 20 kun doolar waxaana socda baaritaano,sidoo kale baangad ayaa laga helay gaariga uu isticmaalayay.
Sidoo kale waxaa la soo xirey nin gaari u waday dilaaga kaasoo u dhashay dalka Kenya,waxaa ku socota baaris doorka uu ku leeyahay dilalkaan is daba jooga ah ee Haashim lagu soo eedeeyay iyo hadii uu ku caawiyay ama uu la fuliyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM