NAIROBI (DAYNIILE.COM)- Waxaa maanta cabsi xoogan ay ka jirtaa Xaafada Islii Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya halkaasoo ah ganacsiga iyo deegaanka Soomaalida Kenya.

Kooxihii Dowlada ku kacsanaa ee banaan-baxayaasha ayaa soo gaaray barqadii maanta, waxaana markiiba lagu kala cararay ganacsigii weynaa ee Xaafada Islii.

Advertisement

Tukaamadii iyo guud ahaan goobihii Ganacsiga ayaa la wada xirtay madaama banaan-baxayaashu doraad ganacsi Soomaalidu  lahayd boobeen isla Nairobi gaar ahaan dhanka Town-ka loo yaqaan oo ah meesha ay ajaanibta,iyo xarumaha Dowladu ku badan yihiin.

Xaafada Islii ganacsigii ka jiray wuxuu maanta u egyahay meel colaad ka jirto inkastoo ciidamo Booliis ah degdeg Dowladu ku soo dirtay oo ilaa haatan aan la soo sheegin wax biliqo ah oo kooxahaani ku dhaqaaqeen.

Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa lagu keenay gaadiidka Xamuulka kuwaasoo dhex socda xaafadaha Islii si ay ganacsiga uga waardiyeeyaan burcada banaanbaxyada dhigeysa .

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Islii waad dad aad u feejigan ina badana marka rabashado jiraan waxay ku dadaalaan inay amnigooda xooga saaraan madaama hantida Soomaali-Kenyaanku ay taal Xaafada Islii.

Si kastaba Kooxahaan oo maalmihii hore sheeganayay inay ka soo horjeedaan mooshinka canshuur kordhinta ayaa makii Madaxweynaha Kenya ka laabtay mooshinkaasi waxay hadana u badasheen isu soo baxooda mid madaxweynaha ay kaga dalbanayaan inuu is casilo.

XAFIISKA WARARAKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here