Protesters scatter as Kenya police spray a water canon at them during a protest over proposed tax hikes in a finance bill in downtown Nairobi, Kenya Tuesday, June. 25, 2024. (AP Photo/Brian Inganga)

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in  cabsi weyn iyo kala shaki uu soo wajahay dhalinyaradii hogaamineysay banaan-baxyadii Kenya ka socday kuwaasoo looga soo hor jeeday dowlada Madaxweyne Ruto.

Advertisement

Warar hoose ayaa sheegaya in la waayay in ka badan 100 dhalinyaro ah kuwaasoo ka mid ahaa hogaamiyayaashii banaan baxayada sida kuwii gudaha u galay xarumaha Dowlada Kenya ee kaamirooyinku soo qabteen,sidoo kale waxaa ku jira dadka la waysan yahay kuwii baraha bulshada ka hadli jirey ee isu soo baxyada hogaaminayay.

Dowlada ayaa lagu tuhunsan yahay dadkaan boqolka ruux ka badan inay kaxaysteen gaar ahaan hay’adaha amniga kenya si ay uga hor tagaan ama u cabsi galiyaan kuwa hogaaminaya dibad bayada rabshadaha wata ee waliba hantida shacabka lagu boobaayo.

waxaa marag ma doonto ah in isu soo baxayaasha qaar badan oo ka mida ah aysan wax qadiyad ah laheyn balse kaliya ay rabaan boobka hantida shacabka iyadoo inta la ogyahay maalmihii banaan baxyada la boobay goobo ganacsi oo Nairoobi ku yaala kuwaasoo xitaa aan hal shey looga tagin, waxaana lahaa inta badan hantidaas Soomaali-Kenyan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here