=XIGASHO BBC SOMALI=

Rakaab

Advertisement

Kadib markii dhawaan rakaab Soomaali ah oo taransit ku ahaa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyata Airport ee magaalada Nairobi ay ku xayirmeen garoonka muddo saacado ah, dood badan ayaa ka dhalat iyadoo la’is weydiinayay sababta keentay in rakaab Soomaali ah oo kaliya la xayiro.

Rakaabka ayaa loo sheegay in dulimaadkoodii ay raaci lahaayeen maalintaas aanu bixi doonin iyaga oo cabasha ka muuiyay sida loola dhaqmay. sidoo kale waxay sheegeen in loo diiday in ay garoonka ka baxaan ama la geeyo hotel ay ku sugaan waqtiga ay diyaarddu ay diyaar noqoto.

Baraha bulshada ayaa si weyn la’isula dhex marayay in rakaabkani ay saacado ku xayirnaadaan garoonka iyaga oo wata dukumentiyo sax ah walibana aan loo sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Cabdisamad Xaaji Diiriye oo ka mid ahaa rakaabkaasi ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax dheceen isaga oo sheegay inaaney ahayn markii ugu horreysay ee uu caqabad kala kulmay shirkadda uu tigidka ka jartay.

“Waxa aan kamid ahaa dadkii ku xayirmay garoonka Jomo Kenyatta aniga oo ka imid magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, waxa aan u soconnay Muqdisho, waxa aan Transit ku ahayn garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta laakiin markii aan Nairibi kasoo degnay ayey wax waliba is bedeleen”.

Cabdisamad waxa uu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay safarkoodii ay ku tegi lahaayeen magaalada Muqdisho balse dadka rakaabka ah fiisoyaal loo diyaarinayo isla markaana la dejinayo hoteello ay safarka ku sugaan.

“Waxa noo muuqatay hididiilo wanaagsan safarku haddii uu baaqdayna aan heli karno meelo aan ku nasanno, balse markale ayaa naloo sheegay in cidna aysan garoonka bannaanka uga bixi Karin, kadibna waxa aanba aragnay rakaab kale oo ilaa maalintii naga horreysay garoonka ku jiray oo iyagana sideenna oo kale la hakiyay”.

Sidoo kale Cabdisamad waxa uu sheegay in markii ay isku dayeen in ay xal raadiyaal qolada migaration-ka ay wax ka socon waayeen isla markaana aysan melena u dhaqaaqi Karin.

Waxaa xusid mudan in Soomaali kale oo baasaboorro kale watay la fasaxay balse cid kaasta oo wadatay aqoonsi Soomaali ah la joojiyay.

Marka ay noqoto qolada xafiiska ee diyaaradda kenya Airways iyo qolada kale ee Migration-ka labadaba waxba uma aysan suura gelin in rakaabku ay ka helaan wax fududeyn waayeen.

Rakaabka ayaa sidoo kale sheegay in ay dalbadeen meelo la dejiyo iyagan oo u diyaar ah in ay lacagohooda baxsanayaan.

Kenya Airways

Xigashada Sawirka,AFP

Maadaama rakaabku ay ku xisaabtamayeen safar muddo gaaban soconaya qaarkood ayaa cabaqado kala kulmay in ay gudaha garoonka ku nagadaan waxana kamid ahayd hooyo ilmo yar heysata.

“Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee aan aragnay waxaa kamid ahayn hooyo ilmo yar heystay oo caanihiisii iyo xafaayaddiisii ay boorsada sare kaga jireen isla markaana ay awoodi weyday in loosoo saaro waan codsannay in la caawiyo balse aysan suura gelin ama laga diiday”, ayuu yiri Cabdisamad.

Waxa uu intaa raaciyay in ugu dambeyn dhinaca safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ay qaylo dhaan u dirsadeen sidaana ay ugu suura gashay in hooyada iyo ilmaha yar la caawiyo.

Cabdisamad ayaa sidoo kale sheegay in mar kale oo uu tigid ka jartay diyaaradda Kenya Airways ay joojisay safarkeedii uu qaybta ka ahaa.

“Kenya Airways 25-kii Aug duulimaadkii aan kaga bixi lahaa Muqdisho subaxnimadii ayaa la hakiyay, ma aha markii ugu horreysay ee ay arrintani I qabsatay weyna soo noq noqotay waxa ayna ku sababeeyaan in aaney heysan rakaab ku filan marka ay sidaas dhacdana waa in ay dadka rakaabka ah caawiyaan taasna ma sameeyaan”, ayuu sii raaciyay Cabdisamad.

Dhinaca kale mas’uuliyiin katirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay falka xayiraadda ah ee ay la kulmeen muwaadiniintan Soomaaliyeed.

waxaa kamid ah wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo qoraal kooban oo uu kusoo daabay bartiisa Facebook kaga hadlay.

“Madaxtinimadu waa in aad masuuliyad iska saarto dhibaatada dadkaaga iyo ilaalinta sharafkooda, waxaan aad uga xumaaday sida muwaadiniin Soomaaliyeed oo badankooda yihiin shaqaale dawladeed loogu bahdilayo Airport-ka Nairobi Kenya, waxay meelo kala duwan ka soo raaceen Kenya Airways, halkii ay hore ugu sii qaadi lahayd Mogadishu Somalia, sida ay ii sheegeen waxay Kenya Airways Cancell-gareysay ilaa sadex flight, dadkii Nations-ka kale banaanka ayey u bixisay oo Hotels ayey dejisay, Soomaalidii waa loo diiday in ay banaanka u baxaan oo meesha ayey ku xidhan yihiin ilaa 3 habeen, waxaa ku jirta caruur”, ayuu yiri wasiir Maareeye.

Diyaaradda Kenyan Airways ayaa muddo kadib dib u bilowday duulimaadyadii ay ku tegi jirtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Labo bilood kahor waxaa warbaahintu guduhu tabinaysay in duullimaadyo ka mid ah kuwa shirkadda Kenya Airways ay dib uga laabteen safarkoodii ay ku tegi lahaayeen gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde International, ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa keentay in la isla dhexmaro warar kala duwan oo baraha bulshada lagu faafiyey sababaha keenayey baaqashada diyaaradda.

Balse BBC-du oo la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, ayaa u sababeeyay in hawsha baaqashada diyaaradda ay tahay “sabab cimillo” balse aysan jirin cillado kale

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here