Kulankaan ayaa ujeedadiisu aheyd inay isku arkaan Dhalinyarada aqoonyahanka iyo kuwa bulshada Degamada Garbaarey degan isku arkaan wafdiga Dowlada Federaalka uu hogaaminaayo Wasiir Fartaag .
Dhalinyaro 30 ah oo laga soo xulay Dhalinyarada magaaaladda oo meesha tagey ayaa telefoonadooda laga wada qaadey kadib maxaa dhacey ?.
Wasiir Fartaag ayaa ka arkey dariishada dhalinyrada meesha ku sugeyso, wuxuuna yiri Telefoonadii hada ka qaadeen Kuwaan buug iyo qalin ayay wada wataan waana rag xisaabtan meesha u yimid ee iga daaya Mamo Boosteeyo waa ka daran yihiin ee kulankaan naga baajiya .
Saacad markii wiilashii meesha u fadhiyeen ayaa loo yimid waxaana loo sheegay in kulanka caawa uu baaqdey madaama Wasiirka shaqo kale ku soo baxdey ee dib ayaa la Idinka soo wici doonaa ee kala taga.
Dhalinyaradii oo careysan ayaa hada Hall-ka shirka ka soo baxay oo Berito Subax raba inay ka hadlaan sida wax u dhaceen caawa iyo mowqifkooda arimaha ku soo cusboonaadey Gobalka Gedo .