HomeWarkiiCaasha Iikow: Gabadhii quruxda looga guuleystay oo BBC-da la hadashay

Caasha Iikow: Gabadhii quruxda looga guuleystay oo BBC-da la hadashay

XIGASHO BBC SOMALI
Somalia

Kundai Benhura oo kasoo jeedda dalka Zimbabwe ayaa loo caleema-saaray Miss Africa, tartanka quruxda Afrika oo sanad walba la qabto.

Waxay ka guuleysatay haween bada oo ka socday dalalka Soomaaliya, Rwanda, Mali, Namibia, Mozambique, Nigeria iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Xafladda caleema-saarka ayaa habeenkii Aaxaddii lagu qabtay dalka Nigeria.

Gabadhan Zimbabwe ka socotay ayaa fiinaalka lasoo gaartay afar gabdhood oo kale.Caasha Cusmaan Iikow oo ka socotay Soomaaliya ayaa ka mid ahayd lixda gabdhood ee tartanka kusoo haray. Caasha ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku guuleysatay tartanka quruxda Soomaaliya.

Hablaha u tartamayay quruxda Afrika ayaa lagu xushay iyadoo la eegayo dhinacyo badan. Waxaa la qiimeynayay quruxda jirkooda, garaadkooda, tayadooda hoggaanka iyo sida ay uga go’an tahay shaqada bulshada.

Caasha Iikow oo markii ugu horreysay u tartantay quruxda Afrika iyadoo ka socota Soomaaliya oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay inaysan quusaneyn oo ay marar kale tartami doonto.

“Wuxuu ahaa safar dheer wuuna soo dhammaaday waana ku faraxsanahay inaan dalkeyga matalo oo aan masraxa soo koro,” ayay tiri.

Waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in Soomaaliya aan laga waayin masraxa. “Waxan waa tartan. Qof wuu ka oysiiyaa qofna wuu ka farxiyaa!” ayay tiri.

Waxay xustay in ka sokow tartanka ay ka faa’iidday khibrado badan. “Guu-darrada inay guul ka dambeyso ayaan ogaaday. Gabadha koobka qaadday ilaa lix jeer ayay guul-darreysatay, anigana ma quusanayo”, ayay intaa raacisay.

Open photo

Caasha ayaa kula talisay hablaha Soomaaliyeed inaysan dhayalsan tartankan oo ay u arkaan wax weyn oo ay tahay inay isku dayaan.

Waxay dhanka kale u mahad-celisay qabanqaabiyeyaasha tartanka quruxda Soomaaliya oo ay sheegtay in fursaddan ay siiyeen.

Tartanka quruxda Soomaaliya ayaa waxaa qabta The Miss Somalia, oo la aasaasay sanadkii 2021 kii.

Caa’isha oo ahayd ardayad dhigata jaamacad, farshaxaniiste marisa make-up ka ayaa sanadkii hore matalaysay dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Tartamayaasha kale ayaa iyana waxa ay ka kala yimaadeen dawladda goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

Waa tuma Caasha Iikow?Caasha Iikow

Caasha Cusmaan Iikow, oo ah 25 jir waxay ku dhalatay kuna barbaartay dalka Sacuudiga. Waa farshaxaniiste isla markaana marisa make-up-ka.

Dalka Soomaaliya ayay kusoo laabatay si ay u dhameysato waxbarashadeeda dugsiga sare.

Sanadkii 2022, ayay Caasha bilowday barashada cilmiga sharciga, iyadoo weli ah ardayad.

Inkastoo ay han sare u heyso sharciga, haddana Caasha waxay sidoo kale ka heshaa quruxda, waxayna jeceshahay inay tusaale u noqoto hablaha xijaaban, oo ay sheegtay inay ka dhabeyn karaan hammigooda.

Caasha sidoo kale waa khabiir dhanka make up-ka oo xilliga ay firqaada hesho ay ku shaqeyso.

Waa tuma Kundai Benhura?

Kundai Benhura waxay kasoo jeeddaa dalka Zimbabwe iyadoo dalkeeda ku mataleysay tartanka quruxda Afrika ee sanadkan 2025.

Waa 25 jir xirfado badan leh. Waxay shahaadada koowaad ee jaamacadda ka heysataa cilmiga teknolojiyadda, waxayna khibrad u leedahay dhisidda website-yada, suuq-geynta, iyo caawinaadda dhanka farsamada.

Haatan, waa maamule dhanka baraha bulshada ah, iyadoo shirkado badan ka caawisa kordhinta dadka ku xiran adeegyadooda.

Waxay aaminsan tahay in ganacsiyada Afrika ay ka faa’iideystaan adeegsiga baraha bulshada si loo dhiirri-geliyo fakradaha Afrikaanka.

Marka xirfaddeeda laga soo tago, Kundai waxay xayeysiisaa dharka, waana ganacsato.

Kundai Benhura waxaa taajka quruxda Afrika ku wareejisay Precious Okoye oo kasoo jeedda Nigeria, oo taajka sidday tan iyo sanadkii 2022.

Dadka u tartama quruxda Afrika ayaa laga doonayaa inaysan da’dooda ka yaraan 18 kana weynaan 25.

XIGASHO BBC SOMALI

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -