Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur dhowr marna isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha hadana ka mid ah mucaaradka Dowlada ayaa qoraal dheer uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu ku sharaxay lacagaha dheeraadka ah ee ganacsatada looga qaado dekada Muqdisho kuwaasoo aan ku jirin canshuurta sida uu sheegay.
Qoraalka Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur ayaa sidan u qornaa:-
Ganacstada Muqdisho waxay ka cabanayaan lacago looga qaado Dekedda Muqdisho oo aysan canshuurtu ku jirin, waxaana ka mid ah $80 oo lagu qaado Tayadhowr, $40 lagu qaado Scan, $25 lagu qaado Koonteenar dhaqid, gaariga dekedda Muqdisho alaabta ka qaada oo u xiran shirkado gaar ah oo markii uu alaabta geeyo Suuqa Bakaaraha qaadaya $500, kaasoo labo jeer ka badan gaariga Berbera alaabta ka soo qaada ee Hargaysa oo 160km u jirta geeya, qaatana $250.

Intaa waxaa dheer shirkadda Al-bayrak ee Turkiga ah waxay koonteenar kasta ka qaadaa $190 oo adeeg ah (handling services).

Si lacagahaas lagu qaado, waxaa meel kasta la dhigay isbaaro (Check point) la isku caddibo. Kuwa lacagaha guranaya qudhoodu ma laha nidaam ay isku aaminaan aan ka ahayn isbaarooyin is dabayaal.

Lacagaha waxaa qaata shirkado iyo shakhsiyaad madaxda dalka ehel ama asxaab la ah.

Dhanka kale. Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo Baarlamaanka soo marin ay canshuur soo rogaysaa.

Sharciyadii dalka u yaalay ee canshuurta waxay ku salaysnaayeen shilin Soomaali, haddii iibsadaha ama iibiyaha la canshuurayana doolar laguma salayn karo, ilaa sharciga Baarlamaanka lagu celiyo oo la soo bedelo.

Shacabku waxay kaloo ka cabanayaan canshuurta maxaa lagu qabtaa? Ma kaabayaal dhaqaale ayaa lagu dhisaa? sida garoomo diyaarad, dekado iyo waddooyin? Mise adeeg bulsho sida caafimaad, waxbarasho, biyo nadiif ah, iyo koronto ayaan ku helaa? Mise jeeb dad ayey gashaa? waa su’aal jawaabteeda dowladda laga rabo.

Dowladdi canshuur la’aan ma jiri karto, waana qasab in ay canshuur qaaddo, laakiin waxaa iyana qasab ah in ay sharci tahay, shacabkana wax loogu qabto, taasina waxay ku imaan kartaa isla xisaabtan ka yimaada Baarlamaanka, ururada bulshada rayadka ah, ganacsatada, warbaahinta, iyo iskaashatooyinka.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here