Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul-Wasaare Xamze Cabdi-Barre inay shirkii Qaramada Midoobe kaga hiilisay Wadanka Muslimiinta ah ee Boosniya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook C/raxmaan C/shukuur  ayaa sidaan u qornaa:-

Advertisement

Shacabka Soomaaliyeed gaboodfal taariikhi ah ayey ku tahay in magaciisa loogu hiillin waayo qadiyad ay leeyihiin dad shacab ah oo Muslim ah. Khamiistii la soo dhaafay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey in 11-ka July loo aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee xuska xasuuqii Srebrenica ee sanadkii 1995-kii ay ciidamada Serbiyiinta ku dileen in ka badan 8,000 oo muslimiin Boosniyaan ah, kuna kufsadeen kumanaan kun oo haween ah.

Dawlada Soomaaliya ayaa si ulakac ah uga maqnaatay goobta codaynta, iyadoo aan wax sabab ah ama cudurdaar la aqbali karo lahayn. Xukuumadu waa in ay shacabka u fasirtaa sababta ku bixisay falkaas gurracan.

Guddiga arrimaha dibadda ee labada aqal ee Baarlamaanka waxaa waajib ku ah, haddiiba ay nafi ku harsantahay in ay xukuumadda waydiiyeen xiriirka ka dhexeeya kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo ergeyga gaarka ah ee Seerbiya u qaabilsan Geeska Afirka ee dalka u yimid ololaynta qadiyaddaas.

Inkasta oo ay Soomaaliya xadgudubkaas ku dhacday, haddana inta badan dawladihii adduunka cod aqlabiyad ah ayey ugu hiilliyiin dalka Boosniya. Baraha bulshada ayaa lagu faafiyey Madaxweynaha dalka Seerbiya, Aleksandar Vučić’s oo ka ilmaynaya codaynta ka dhanka ah xasuuqa uu dalkiisa gaystay.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here